Aadan mahad af-dhurbo
1:- Dhulbahantuhu abwaan ma calfadaan caadadoodaba
2:- Cilmigaa ka buuxiyo murtida ka cokan laabtiisa
3:- Intay aayar cawda u goglaan kama cibraystaane
4:- Cashaduu dhintaa loo qiraa camaladiisiiye
5:- Cakuyeeyey waqood geeriday ku citiraafaane
6:- Cid baan rabine caawaba kuwaan curiyay baa yaal
7:- Cajilka kaan ka buuxshaa ka badan ciida oo kale
8:- maantoo aan ciroobay iyo anoo cunug-yar oo wiil ah
9:- Intaasaan ciidh-dhi iyo gaaf cimidha taagnaaye
10:- Adduunyada carceertee nabsigu calan wallaynaayo
11:- Ee caana dacaruhu hantiyay iyo cadaab-hoomay
12:- Ee odayba ciilka u go,ee cadho la suuxaayo
13:- Iyo habarta reerkoo camiran cadawga boobsiisay
14:- Oo caanaheedii qubtiyo ciirti ay lulaysay
15:- Ee caagad wiilkii sitaba daba cabaadaysa
16:- Aan waxay cariishka u fadhido caawa la aqoonnin
17:- Cadradiyo garoobkaa miyiga lagala caalwaayay
18:- Oo carruurtii diidoo ninkii cawda ugu jiidday
19:- Oo camal magaaliyo dukaan u cidi jiidaysa
20:- Iyo kuway haddeer u cusub tahay sida cagaar doogle
21:- Ee shacabka caatada u go,ay cabaya dhiiggooda
22:- Oo inay ku ceeshaan haddeer u citiqaadaaya
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaante ee Murti
Tafatirkii: Mr Cumar Ismaaciil Digeed