Gabayga: Dhool

**Adduunyada intii aan dhulmaray dumara aan dheehday

**Hal qof aan ku dhaaf sado maarag dhaban qurxooneey

**Sidii dhool gu oo hooryoo dhibicda miisamey

**Ama dhabarka geenyada shixnadan dheregna aan waayin

**Oo dhoodi Iyo xaysimiyo dharabka hawd joogta

**Ama ubax dhalaal badan sidii dheemankiyo luulka

**Dhaban kaaga curubkaa indhahad dhalaca moodayso

**Suunihad bishii dhalatay Iyo qaanso dhigan moodo

**Dhexda madagta laafyaha dhildhilan dhumucda loo yeelay

**Qoortada dheer jooga aad dhabiga moodayso

**Dhawr soonidiyo aamuskaad gaari dheer tahay

**Dhaqankii horaad raacdoo maadan dheeg marine

**Dhudi hooyadaaba ahayd xeeru dhaladkiiye

**Boqorkii ku dhalay baa tacliin kugu dhigay looxe

**Dhaclihii adaa wali sitiyo boqorkii dhooleey

**Dharaar taynu kulanaa qalbiga leeb la ii dhigaye

**Dhoola ka qosolkaga naftani dheefsata waliye

**Hay dhigin dhabtiyo meel ka dheer dhuuxa iyo laabta

**Ana kuma dhaliiloo Malyuun dhaar ayaan maraye

Abwaan Murtisame gabaygan wuxuu tiriyay 11/06/2014

Kaydintii: Murtiyosuugaan

Tixraac: Abwaan Buureed

Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo