Skip to content

Dhinbiil bid u noolaysay Halgamkii Daraawiishta.

HORDHAC

Markii qarnigii 19naad gumaysiga reer yurub u tashaday in uu qaaradda Afrika qaybsado wadanka Soomaaliya waxa saancadaalihii kaga soo hagaagey Ingriis, Talyaani iyo Fransiis. Waxa iyana sida abgurida hoos galgalanysey oo dhul iyo bad ay toban qarni oo ka horeeyey awood u weydey hungri ka qabtay taliskii Xabashida. Talsikaasi wuxuu geed dheer iyo geed gaabanba u fuulay su dhulkaas ku hantiyi lahaa. Wuxuu guud ahaan xoogaggii reer galbeedka ee waqtigaas ku beerlaxowsanayey masiixi nimada iyo diinta laygu ciilay e ha la ii hiiliyo. Gaar ahaan wuxu naasnuujin qarsoon ka dalbaday dawladii Ruushka oo ay masiixinimada ka sokow wadaagaan “orthodox” nimada.


Furfurkii ummadda Soomaaliyeed bilowgiisii, saancadaalihii waxay badeheena soo dhigtween maraakiib dagaal oo ay ku baqdin gelinayeen dadyowgii Soomaaliyeed oo ay markaas isa soo gaadheen. Iyadoo markaa awoodna la tusayo, qadhaab loo daadiyo iyo siyaasad maldahan oo marka hore macaan, khiyaamo iyo beense ku salaysanna isticmaalaya.


Dhanka galbeedka waxa dadkii Soomaaliyeed oo isagu markaa xoola dhaqato ama reer guuraa u badnaa dagaal umula doox ah kaga soo qaaday taliskii xabashida oo walaalihiisii diinta hub iyo dhaqaale aad u xad-dhaafa ka helay.


Dhinaca kalena wuxuu saancadaalihii isku deyey in uu marka hore dadkii Soomaaliyeed uu reer reer uu kala qoqobo (qaybiyoo xukun). Markii uu taa ku guuleysteyna wuxuu bilaabay in uu reer walba si gooni ah ula macaamilo iyagiina cadow isaga dhigo. Taasi waxay dhalisay qarnigii 19naad labaatankii sano ee ugu dambeeyey in uu la galo heshiisyo kala duwan qabiilooyinkii uu isgu markaa Soomaalida u kala qaybiyey. Si ay heshiisyadaasi ugu hirgalaan oo mawqifka Soomaalidu u debco, reer kasta oo Soomaali ah wuxu tusay ugu yaraan saddex cadow oo aan hore u jirin oo farsamadiisa ah: (1) qabiilladii Soomaaliyeed oo ay jaarka ahaayeen oo uu iska hor keenay, (2) wadamadii reer Yurub oo ay ku wada socdeen in dhulkan la qaybsado iyo (3) Xabashidii oo ay ku hubeeyeen.


Waayeelkii Soomaaliyeed ee markaasi jirey waxa istustay in ay qasab ku tahay, mar haddii dhankii badda laga xidhay oo dhaqaalihii baayacmushtarka ka soo gelijirey la waayey. Isla markaana wadadii hubka oodrogo weyn lagu fadhiisiyey in hadday rabaan in tuurinka la saaray laga debciyo ay khasab ku tahay in ay saancadaalihii horfadhiistaan oo ay ugu yaraan isku dayaan in uusan wuxuu doono ku sandulayn. Laakiin, inkastoo waayeelkii Soomaaliyeed ay ciddiyaha ku dagaalameen, siyaasad nifaaq ku dhisan oo aysan u bislayna ay isku dayeen in ay wax ku qaybsadaan.

Hadana, marka daacadnimo loo hadlo, heshiisyadii waayeelkii Soomaalidu la galeen saancadaalaha reer Yurub qarnigii 19naad dhamaadkiisii, aad iyo aad bay uga aragti dheeryihiin ugana adag yihiin kuwii ay la galeen gumaysiga dadyowga kala duwan ee Afrika iyo Asia. Saas ay tahay, heshiisyadaasi waxay weylaalis aad u balaadhan u gogleen in dalka Soomaaliyeed ay gacanta ku dhigaan, khayraadkiisan ku takriflaan, dadkiisana ay gumaystaan shisheeye ka yimi dhul fog, dhaqan iyo diin iyo dhalanna aan la wadaagin.


Markaynu dib ugu fiirsano, waxaynu odhan karnaa, inkastoo dadka Soomaaliyeed guud ahaan lagu yaqaan xoriyad jecayl, waayeelkoodii waa ka hoostay iyagoo u jeeda bayna xadhigii lagu deldelilaaha wax ka sooheen ka dibna luqunta gashadeen. Waxaana taa ka samatabaxay hal reer, oo isagu dhoolatuskaas iyo hanjebaadii saancadaaluhu cabsigelin weydey. Halkaa reer baa u noqday asaas iyo awood halgankii daraawiisheed oo rubuc qarniga socdey dad, dal iyo maalba. Waxaana hubaal ah haddii uu gacan ka heli lahaa Soomaalida kale ama ay daawadayaal noqon la haayeen in aan layna gumaysteen.

Aw Jaamac Cumar Ciise wuxuu ku dhashay degaankii tiginada looga taagey daraawiish ee xornimada Soomaaliyeed looga dagaalamyey, halgankuna ka hanaqaaday. Inkastoo yaraantiisii iyo barbaarnimadiisiiba ay ku aadanayd waqti gaalo iyo cawaankeed ay dadka ku hayeen gumaysi isugu jira cabudhis afka ah, indhaha oo laga daaho, xasuusta oo laga masaxo iyo maskaxda oo laga gumaysto. Ujeedada ugu weynina ahayd in raadkii halgankii daraawiishta looga tirtiro dunida korkeeda, wax yar ka dibna la gaadho in lagu murmo daraawiish iyo halgankeedii run iyo riyo mid uu ahaa.


Nasiib wanaag waxay taasi u cuntami weydey Aw Jaamac Cumar, oo isagu ka mid ahaa barbaartii markaasi tirtirka la kulantay. Aw Jaamac si aanay ujeedadaasi u hirgelin, isaga oo dhalinyaro ah sanadkii 1955 buu wuxuu go’aansaday in uu arrintaas ka dagaalamo uuna maskaxdii bugtey ee isticmaarka iyo intii hoos joogtey uu kula dagaalamo mid fayow oo ka jid leh. Wuxuu markaa dhinbiil dib u hulaaqisa saaray dabkii intii u dhexaysey 1921-1955 saancadaalha iyo Soomaalidii gumaysi kalkaalka ahayd ay biyaha iyo ciidda ku bakhtiinayeen, laakiin halgamayaashii intii ka hadhay iyo Soomaalidii xoriyadda iyo gobanimada jeclayd xusuustooda laga tiri kariwaayey.

Waxaynu qoraalkan kooban ku soo qaadanaynaa, halka Aw Jaamac Cumar Ciise ka galay halgankii gobanima doonka Soomaaliyeed iyo hiilkuu u geystey gaar ahaan raadgurka taariikhdii iyo suugaantii xornimodoonka iyo guudahaan tan Soomaaliyeed. Si aynu taa u gaadhno waxaynu kashkaash uga dhigaynaa oo ka horaysiinaynaa, Nabarkii kama dambaysta ahaa oo daraawiishi ka kiciweydey iyo xeeladihii uu gumaysigu ugu talagalay tirtirkii dhaxalkooda iyo guudahaan taariikhda, dhaqanka iyo diinta dadka Soomaaliyeed.


NABARKII DARAAWIISHI U GO’DAY

Dagaalkii kowaad 1914-1918 markii uu dhamaaday xulafadii la odhanjirey “Axis Powers” oo jarmalku hormuudka u ahaana laga adkaaday baa dawladii ingriiska oo ku faanijirtey in aan calankeeda qorraxdu ka dhicin waxay goosatay in Daraawiish wixii ay awood cir, mid dhul iyo mid badeed lahayd aysan u kala reebin. Dagaalkaasi la rabey in lagu kala bixiyo daraawiish iyo dhaxlkeedii, wuxu u qaybsanayd saddex qaybood oo waayeyn oo kala ah:

(A) Daraawiish in la cidhibtiro oo aan firxad ifka korkiisa laga reebin, halgankii dhidibada loo aasay 1896 oo ilaa waqtigaa socdeyna sidaa lagu damiyo.
(B) Si raadkooda loo waayo loona ilaawo in wixii ay dhismo kaga tageen gobolada kala duwan ee Soomaaliya dhulka lala simo oo gelgelin laga dhigo.
(C) In jiritaankooda iyo hadal hayntooda laga tiro dhaqanka Soomaalida, oo Suugaan iyo Taariikh midna aan looga aayin
.


(A) Qaybta 1aad

Gumaysigu isagoo ka faaiidaysana dagaalkii kowaad (1914-1918) oo markaa dhan u quluushay iyo ciidamadooda oo markaa guushaasi niyadooda aad u kicisay iyo wixii ay xoog ciidan lahaayeen markaa u gacan banaan oo aan meelna dagaal kaga socon, wuxu u fadhiistay in uu dejiyo khudadii lagu cidhibtiri lahaa daraawiish..


Si arrintaasi u hirgasho aanna loogu khasaarin sidii ku dhacday dhamaan jenanadii ingriiska iyo dhamaan madaxdii iyo saraakiishii kale ee boqortooyadaas oo ay fooda isdarin Daraawiish, fashilaad iyo jab weynina ka soo gadhay 20 kii sano ee u dambeyey marka laga reebo goobtii Jidbaale oo dhacday (1904). Waxa la soo xulay Sareeye Gaas Sir. A.R.Hoskin oo isagu madax ka ahaanjirey “Kings African Rifles”, ka dibna soo hogaamiyey ciidankii balaadhnaa oo lagu damiyey kacdoonkii Mesopotamia (ciraaq). Waxa kale oo khidada dagaalka dejinteeda ka qayb qaatay “Air Marshal Sir Hugh Trenchard, Lord Molner iyo Sir Archer (Caarshe Dheere) oo isagu markaa maamul ku sheegii gumaysiga oo Soomaaliya ka jirey madax ka ahaa. Waxa isla markaa qorshaha korka ka jirey una heelanaa Siyaasiintii ugu sareeyey dawladii gumaysiga ingriiska oo ay hormuud ka yihiin raiisulwasaarihii iyo wasiirkii dagaalka.


Si arinkaas loo fuliyo, daraawiish oo gumaysiga iyo Soomaalidii uu dabada ku watey qodax cunaha kaga mudan ku noqotayna loo masoxo, waxa wadanka Soomaalida dhankiisa waqooyi la keenay:


– 6 markab oo dagaal oo ah xulantidii maraakiibta dagaalka oo markaa dawladii gumaysigu ay ku dhaadanjirtey.
– 12 diyaaradood oo ah kuwa dagaalka oo ka soo qayb qaatay dagaalkii kowaad oo u dhignaa markaasi B52 maraykanka ee maanta, isla markaana laga kabay wixii dhibaato farsamo ka muuqatay afartii sano oo uu socdey dagaalkii kowaad. Diyaaradahaasi waxa khibrad iyo geesinimo loogu xulay taliyaha, kaaliyayaasha iyo askarta.
– 3 batalyan oo ah ciidankii la odhanjirey “Kings African Rifles” oo qiyaastii 2400 oo nin ka kooban.
– 2 batalyan oo hindi ah, gaar ahaan Siig oo 1600 oo nin ka kooban.
– 1 batalyan oo fardooley ah oo iyana hindi ah, 800 oo nin qiyaastii ka kooban.
– 2000 oo askari oo isugujirey “levy” iyo ilaalo.
– 1000 nin oo rakuubley ah “Camel Corps”.
– Ciidan dhawr boqol ah oo ah kuwa miinda.
– Iyo ciidan ciidaa ka badan oo la hubeeyey oo ka kooban qabaa-ilkii Soomaaliyeed oo ingriiska ku hoos nolaa oo loogu tala galay firidhka, bakhti wareenka dhaawaca, kufsadka dumarka iyo dhaca xoolaha.


– Waxa iyana la shaqaaleeyey dhawr boqol oo soomali ah oo basaasiin ah oo loo diyaariyey “khariidad badwi” magacyada meelaha xidhiidhka isgaadhsiinta gaaladu ku suganyahay farweyn loogu qoray si ay markay war helaanba si deg deg ah u gaadhsiiyaan meesha ugu dhow.


– Dhinaca bari iyo waqooyi bari waxa iyana laga diyaariyey ciidamadii saddexdii boqor ee Harti ee markaa jirey, si aanay dhankaana ugu cayman daraawiishta u firidha ama u guurtaa.


– Dhinaca koonfurta waxa ka diyaargaroobey cidamadii talyaaniga. Talyaanigu wuxu isla markaa ogolaaday in ciidamada ingriiska iyo cawaankiisa ay soo galaan xuduudkii talyaanigu xukumayey si wixii ka gala ay ugu daba galaan.


– 5000 oo askartii Xabashida ahna waxa laga diyaariyey dhinaca galbeedka. Taas oo loogu talagalay in birtii finiin ka hadha oo waxa xabbad cir iyo dhul ka imanaya ka fakataa in aysan gaadhin ama ku nabad gelin dhulka Soomaalida ee xabashidu hadeer gumaysato.

Qalabka loo diyaariyey in dagaalka lagu fuliyo oo aan daraawiishtu haysan waxa ka mid ahaa:
– qalabka is gaadhsiinta
– gawaadhida gaashaaman ee dagaalka
– kuwa iscaafka
– madaafiicda goobta
– cusbitaal loogu tala galay dhaawaca oo in ka badan 30 qof oo dhakhaatiir iyo kaliye caafimaad isugu jira loo diyaariyey.
– Gawaadhi xamuul ah oo farabdan oo raashin, biyo dawo iyo shidaal loo diyaariyey
– 5000 kun oo rati oo laga soo kireyey Soomaalidii ay ingriiska isku ciidanka ahaayeen oo iyana xamuulka ka qayb qaadatay.
Cidhibtirkaasi loogu tala galay daraawiish in lagu fiigtiro ina Cabdulle Xasana gacanta lagu qabto, wuxu si toos ah u bilowday 21kii bishii kowaad 1920 kii. Wuxuu si aan kala go’lahayn u socdey muddo bil ku dhow. Daraawiishi si geesinimo leh bay u dagaalantay waxana hal hays u noqday guul ama geeri. Dawladii ingriisku waxay si weyn isugu hawshay ragii daraawiish hogaaminayey ina Cabdulle Xasana u horeeyo in cageheeda la keeno. Daraawiish madaxdeedii waxa istustay in goob dagaal guul iyo guuldarro midkasta lagala kulmi karo, laakiin ciidan madaxdiisii cadow gacanta ku dhigay guuldarro ka weyni aysan jirin. Waxay markaa xoogga saareen in dhanka dagaalkana ay qalcadiba qalcad ka war hayso oo haddii mid la gumaado wixi ka nooli aysan firdhin e tan ku xigta isugu qalab gurtaan. Dhanka kalena madaxdii daraawiishta oo ina Cabdulle Xasana u horeeyo aanay marnaba gacanta u gelin gaalo iyo cawaankeed.


Sirdoonka daraawuiishtu wuxuu ka warqabey in wadadii banaanba ugu yaraan 20 dabin loo dhigay si ina Cabdulle Xasan iyo khusuusidii daraawiista aanay meel ay ka dusaan u helin. Markii ay daraawiish u cadaatay in dagaalkani saansaan guul xagooda u dhacda sidii ay boqolaal hore uga barteen uusan lahayn, waxay tab iyo xeelba isugu geeyeen in wixii la badbaadinkaro la badbaadiyo oo meelaha hubka waaweyni ku hoorayo laga fogeeyo. Tan labaadna wixii xeel gaalo iyo cawaankeed degeen si ay gacanta ugu dhigaan hogaankii daraawiishta in ay buriyaan oo aan marna gacanta lagu dhigin.


Dagaalkaa bisha socdey laba waji buu lahaa: (a) in daraawiish garabka dhulka loo dhigo oo dabkeeda la bakhtiiyo (b) in hogaankeeda la qabto maxkamad lagu dilidoonana la soo taago.


Run ahaantii gaalo iyo cawaankeed wajiga hore way ku guulaysteen, waxaana daraawiish looga guulaystey: (1) Waxa la dulkeenay ciidan, ciidankii Maaraweyn oo daraawiishi ku dhaadanjirtey ku shanlaabma oo hub iyo isgaadhsiin iyo taakulaynba kaga horeeyey. (2) Si gaadmo iyo kedis ah baa cirka looga weeraray. Inkastoo ay si geesinimo leh oo cadowgoodii qiray u dagaalameen diyaaradiina qaar soo rideen, hadana malakumood cirka ka imanaya oo wax lagu joojiyo aan loo hayn wuxu noqday looma adkaystaan. (3) Iyagoo ujeedooyin siyaasadeed ka lahaa laakiin aan cawaaqibka ka imaan doono dhab u sahamin, bay waxay xoogoodii ka qaadeen Nugaal oo ahayd meel aad uga fog dhulka laga soo duulayo marnana aan gaadmo loogu yimaadeen. (4) Waxay degeen meelo waqooyiga Soomaaliya ku yaal oo badda cas u dhow sida Jiidali iyo Midhashi. Waxayna diyaaradihii cadowga u noqdeen ugaxan xidinxiito oo xaaxi taal.

Hadaynu nidhi qaybta hore waxay ku ekayd daraawiish in laga guulaysto iyo in madaxdooda oo Sayid Maxamed u horeeyo cagaha ingriiska la keeno. Waxa hubaal ah, daraawiish haddii qaybtii milateriga lagaga gol roonaaday, qaybtii labaad oo dagaalka asaaska u ahaa daraawiish baa ku xirribroonaatay, hogaankii daraawiishtuna in uu gacan cadow galo xaraan bay noqotay. Waxayna ina Cabdulle Xasana iyo ragii wadey dab ku sii shiteen Jiidali, Taleex, Garoowe, Dharkayn-geenyo iyo melo kale oo badan. Darwiish Cali-Faarax Nuur oo raggii wax ka maamulay ka mid ahaa waxaan ka hayaa, ina Cabduulle Xasan markii Taleex laga ambabixinayey waxa isaga si gaara loogu raray oo caano, biyo, raashin iyo qalabkiisii khaaska ahaa loo saaray rati la xulay oo Guduud-dheere la odhanjirey. Aragtidayda ilama khaldana haddaan maanta ratigaa ugu yeedho darwiish Guduud-dheere. Dharkayn geenyona waa meesha sida taariikhda inagu soo gaadhey ay iyaga oo badankoodu naf ka dhawr yahay ku furteen. Waxay goobtaas baahi darteed ku qasheen geenyo. Geenyadaas gawraca waa loo quudhi waayey, laakiin gabayga eryadani ku jiraan bay u go’day:


Waxba gaalibkeediyo xarrago yaanan soo gocanne
Iga gawrac geenyada ragbaa mawdku gurayaaye


Labadaa waji markii mid daraawiishi ku guulaysatey, xoog iyo xirribna isugu geysey sidii hogaankeeda iyo maamulkeeda ay uga saari lahayd Sanaag iyo Nugaal, gacan cadow in ay galaana ka ilaalisay. Waxa daraawiish talo kaga ururtay in ay ciidankooda meel isugu geeyaan oo aagga Webishabeelle oo ciidan xooggan oo daraawiish ahi markaa fadhiyey isugu luga duwadaan.

Geedigii waqooyiga Soomaaliya laga raray waxaa lagu furay, Qorra, Shiniile iyo Horushagax. Talo waa tan ilaahe iyagu tooda, waxay ku talo galeen in ay halgankii halkaa ka soo bilaabaan, gaalo iyo nin la jiraana aysan marna hurdo macaan seexan. Waxa yaraantaydii waayeelku aad uga sheekaynjireen oo la aaminsanaa in gaalo iyo cawaankeed markay taa ka war heleen, ay istuseen in daraawiish oo dib u soo noolaata aan loo adkaysan karayn, lana go’aamiyey in dagaalka lagu daro qaybo cusub: in ceelasha ay ka cabbaan la sumeeyo, in “Virus”ka furuqa iyo “bacteria”da daacuunkana iyo nafley la jin ah oo cudurro badan oo lagu hoobto dhalisa lagu fidiyo dhulka ay deggan yihiin. Muddo yar kadibna waxa la soo sheegay in daraawiishi tahay mid gegan iyo mid galgalanaya. Markii la hubsaday in nin qori soo rogan kara oo caafimaad qabaa ku yar yahay, baa ciidan camaaryaley ah oo inta naftu ku jirto soo gawraca, geel iyo fardo wixii ay hayeenna soo moora duuga lagu saaray. Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, oo markaana qabashadiisa gumaysi ku hungoobeyna waqti gaaban ka dib baa tii alle u timi oo uu geeryoodey.


Saancadaale iyo cawaankiis markay ku guulaysteen in ay daraawiish ka barakiciyaan dhulkii ay dhawr iyo labaatanka sano ka dagaalamaysey, kacdoonkeedii laabadna cidhibtireen. Waxa markaa muuqatay in lagu talaabsado tirtirka qaybihiisii kale.




(B) Qaybta 2aad

Aragtida gumaysiga iyo cawaankiis markii daraawiish la cidhibtiray oo mashruucii tirtirka qaybtiisii kowaad hirgashay, waxa si toos ah oo aan hakad lahayn loogu fadhiistay sidii loo fulin lahaa talaabadii xigtey. Talaabadaasi waxay ku salaysnayd mar hadii daraawiish la waayey in aan dadka Soomaaliyeed dhaxal uga aayin oo aan xaalku noqon “ayax teg eelna reeb”. Nasiib wanaag daraawiishi ha tegtee waxay dadkeedii uga tagtay dhaxal ma guuraan ah oo sidaynu kor ku soo sheegnay u qaybsanaa laba qaybood. Gumaysi iyo dabadhiliftiisiina u arkayeen laba cudur oo aan dawo lahayn oo u dhigmo kuwii waagii hore fardaha laga cararijirey. Dhaxalkaasi wuxuu isugu jirey: (a) qayb muuqata laakiin aan sidii geela iyo fardaha dhicitaan iyo kaxaysad midna lagula halmaamayn. Isla markaa ciidamadii gumaysiga iyo dabadhiliftiisii wadne u diidey in ay mulki ka dhigtaan oo la wareegis iyo degis kula tahanbaabaan. Taa waxa u taagan wixi dhisme mudadii sodonka sano ku dhoweyd oo halgankii daraawiish iyo gumaysiga iyo cawaankiisa iskaga horyimaadeen dartii looga taagey gobolada kala duwan ee dhulweynaha Soomaaliyeed oo ay weheliyaan beerihii iyo ceelashii. (b) qaybta aan muuqani waxay ka koobnayd wixii Taariikh iyo Suugaan la xidhiidhey halganka oo iyagu ku hadhay xusuustii iyo maskaxdii dadweynaha Soomaaliyeed oo xoriyadda jeclaa, goboladii daraawiish tiginadeedu ku taagnaayeen iyo firxadkii daraawiisheedna hanti iyo halhays u noqday si gaar ahna ugu fiday.


Hadaba, dagaalkii kediska ahaa oo cir, dhul iyo bad daraawiish laga soo qaday markii laga faraxashay, madaxdii daraawiisheedna in gacan lagu dhigo lagu hungoobey. Iyada oo aan ciidamadii nasan baa la bilaabay in dhaxalka qaybta muuqata aragga dadka laga qariyo. Waa wax lagu soo talagalay e, ciidamda waxaa la socdey cutubyo gaara oo loo tababaray kuna xeeldheer, qarxinta iyo baabi’inta. Wuxuu isla markaa ciidankaasi khibrad wanaagsan ku soo qaatay dagaalkii kowaad oo markaasi laba sano ka hor laga faraxashay, guushiisiina niyadda aad ugu dhistay.


Si hawshaa loo fuliyo, waxa la goostay in burburkii diyaaraduhu bilaabeen si jaango’an loo dhamaystiro. Waxa markaa la bilaabay in laga soo daadgureeyo wadanka Masar qalabkii loogu talagay oo markii hore halkaasi lagu sii kaydiyey. Meelihii dagaalkaa ka hor fadhiisinka u ahaa daraawiish oo ay ka mid ahaayeen Midhashi, Jidali, Baran iyo Taleex waxa la geeyey cutubyo ka tirsan madaafiicda goobta. Ujeedadu waxay ahayd in burburinta kama dambaysta ah oo ay ku kicidoonan qaybta miinadu loo sii jilciyo oo hawsha loo sii fududeeyo.

 Taasi waxay timi markii la ogaadey in diyaaradihii ay ku khasaareen qalcadaha badankoodi in ay dhulka la simaan. Ka dib waxa qalcadahaas lagu garaacay madaafiicda goobta iyada oo bari iyo bogox iyo waqooyi iyo koonfur marba dhan laga garaacayey. Nasiib wanaag Qalcadahaas qaar ka mid ah oo ay SILSILADI u horayso waa lagu kariwaayey.


Qalcadihii markii ay taana ka dhega adaygeen oo lagala quustay in ay ciiraan ama dumaan. Baa waxa loo gudbey talaabadii xigtey oo kama dambaysta ahayd. Waxana la bilaabay in wixii miino iyo hub wax lagu qarxiyo dagaalkii kowaad uga hadhay iyo tii ka soo hadhay dagaalkii bisha socdey oo daraawiish lagu kiciyey, laysugu keeno meelihii qalcadah dhega-adaygay ku yaaleen. Qalcad kasta waxa laga miineeyey kor iyo hoos dibad iyo gudo.

Waxaase nasiib darro ku noqotay gaalo iyo cawaankeed in qalcadihii qaar ka mid ahi ay taana u dhabar adaygeen sida SILSILAD oo ka mid ah dhismayaashi daraawiishi ku farayaraysatay kuna taal xarunta rasmiga ah ee daraawiishta (TALEEX). Waayeelkii daraawiish ka hadhay dhiskeedana ka qayb galay waxay ka sheekaynjireen in qaybo ka mid ah CAANO geel lagu dhisay. Dhagaxeedana isaga oo adkaysan, weynaan, cuf iyo culays lagu xushay in lagu qaadijirey GOGA geela oo markaasi rag farabadani dacalada qabanjireen.


Sayidku isaga oo aad moodi in uu hore u sii odorosay waxa iman doona iyo tabta kama dambaysta ah oo gaaladu in ay diyaarado, bam iyo madfac noqon doonto. Qalcadii Silsilad ee Xaruntii kowaad ee daraawiishta ee magaalada Taleex ku taal markii la dhisayey waxa laynooga sheegay in uu yiri:


Dhagaxa malxafkii Madfaca ma ceeshii
Maandhow mid ka buuran ii keen


Ina Cabdulle Xasan u jeedadiisu waxay ahayd wargelin uu ku war gelinayey raggii markaasi wastaadiinta iyo maqadinada ka ahaa dhismaha oo uu lahaa dhagax xaleef ahi yuu qalcadda gelin kaasi madfaca maalinteed inaga celinmaayee. Isla markaa qolada dhagaxa soo guraysey ama jebinaysey iyo shaqaalahii kale wuxuu u tilmaamayey in ay niyada geshaan haba ka dhib iyo culays badnaadee in dhagaxa loo baahanyahay oo maalinta la soo weeraro dugsiga iyo dhufayska uga noqodoonaa madfac shisheeye uu yahay dhagaxa cufka iyo miisanka leh.


Aniga oo aad u da’yar, hadaalkaana xasuusan baan Taleex tegey waxaana aad ugu fiirsaday dhagaxa ay ka samaysantahay Silsiladi. Waxaa ii muuqatay in aan dhismeheeda dhagax malxaf ahi ku jirin. Isla markaa waxaa aragayga aad u soo jiitey oo aan u fiirsaday meelihii dunsanaa oo markaasi uu ka muuqdey raadkii madaafiicda goobta, kuwii diyaaraduhu cirka kaga tuurayeen iyo miinadii gudaha lagaga qarxiyey. Waxaanse aad ugu farxay sida ay waxaas oo hub ah ugu adkaysatay, sababtuna aragtidayda ay ahayd iyada oo markii hore si deggan oo aan degdeg lahayn loo dhisay oo aan cidna waxba layskaga tirinayn. Iyadoo dhagixii malxafka ahaa oo xaleefsanaa laga ilaaliyey iyo iyadoo derbiyadeeda sida iiga muuqatay ay ka koobnaayeen dhisme hal derbi ka badan oo meelaha qaarkood aan is-idhi dhawr derbi oo siku dheggan bay ahaayeen oo qaarna waa dumeen oo waxbaa weli ka sii muuqda qaarna waa sidoodii oo qaraxi waxba kama tarin. Inkastoo lala dhacay hub saddex nooc isugujira, laguna talo galay in siigo iyo quruurux laga reebo. Hadana, anigu markaan hortaagnaa waxaan ka dareemay SILSILAD in ay sidii Adan-Carab ilaahay haw naxariistee markii uu isaga oo dagaal ku dhaawacmay la hadlayey dad uu ka dareemay in ay geeridiisa jeclaayeen, ay iyaduna markii hubka kala jaadjaadka ah laysu dabamarinayey ay gaalo iyo cawaankeed ku tiri:


Korka dumise geesahana waa, iga kadeedeene
Kolanyoonyin baad soo dirteen, gooya kadabkay e
Karaankiina miiniyo hub culus, laygu kulansiiye

Karuurkii samaad iyo gogbaa, kaalintay galay e
Waxa lidiqa lagu kaydinjirey, kaal god uu qoday e
Unkud daacad lagu keenay baa, ii kabaala ahe

Kahaf iyo rasuulkiyo allaa, layla kaashaday e
Kumanyaal saliga qaadayaa, kuudda ii xidhay e
Kurtin iyo dab nool baan u ahay, cuurar soo kiciye

Inkastoo kufrigu noo tashaday, amadhna kaalmeeyey
Kufimaayo anigaan xilkay, kaamilkiis gudane
Ha karaama seegina madfaca, laygu kariwaaye
By: Silsilad


Hadaba, inkastoo Silsilad iyo qalcadihii la midka ah raggii dhisay ay xilkoodii si habsami ah u guteen kuna tala galeen in qolada ku xigtaa dhaxalka la wareegidoonto oo dayactirkooda ku qaybidoonaan, sidaana ku god galeen. Waxa nasiib darro ah in kacaamadii ka dambeeyey aysan sidii laga filayey xilkas u noqon. Waxaanna shaki ku jirin in muddo 87 sano ah, dhagax ay ka ridaan ama ka amaahdaan oo wax ku dhistaan mooyaane aanay mid ka dhacay dib ugu celin.


Aniga oo aad uga xun, ogna in aan ka mid ahay kacaanka lagala dardaarmay oo xilkiisii gabay dhabarkana u jeediyey. Isla markaana xasuusan in waxa ugu dambeeya oo qofka ka lumaa uu rajada yahay oo hadduu raja beelo uu raad iyo ruuxba beelay. Waxaan kaga baxayaa qaybtan aadna ugu rajo weynahay in wixii hadda ka dambeeya sidaa looga nuglaado intii awood ahna la waariyo oo aan waqtigu intii gaalada iyo madaafiicdeedu kariweydey dhulka dhigin oo hawshoodii dhamaystirin inana aynaan ku kaalmayn.


(C) Qaybtii Saddexaad

Sidaynu hore u soo sheegnay tirtirka qaybta ugu dambaysaa waxay ahayd in aan Taariikh iyo Suugaan midna laga dhaxlin Daraawiish iyo halgankeedii sodon ku dhowaadka sano socdey. Waxayna talaabadii ugu horeysey noqotay in wixii kutub suugaan iyo taariikhi ku qorayd la gubo.


Waxa iyana lagu tala galay maatada ka hadhay in cagaha ingriiska la hoos keeno ka dibna maskaxda loo maydho. Waxaa la bilaabay in dacaayad aan raad lahayn laga fidiyo daraawiish iyo ina Cabdulle Xasan iyadoo laga gelayo dhinaca islaamka iyo dhinaca dhaqanka Soomaaliyeed loona adeegsanayo wadaado iyo odayaal Soomaaliyeed oo quud u taabac ah oo ingriiska mushahaaro ka qaata, intaana diintoodii iyo sharaftoodii iyo Soomaalinimadiiba siistay. Waxa nimankan loo adeegsanayey in Soomaalidii daacadda ahayd la tuso oo laga dhaadhiciyo, halgankiina loo rogo in ay ahaayeen niman budhcad ah oo jidgooyo iyo dhac iyo dil aan geed loogu soo gabban hawshoodu ku koobnayd, xaaraan iyo xoolo agoomeedna ku naaxay.


Gumaysi iyo cawaankiis waxay gaadheen sida la sheegay, in ay maxaabiistii ay qabteen qaar ka mid ah inta iyaga oo nool soleen sidii neef adhiya ay yiraahdeen xero ay daraawiishta ka qabsadeen baanu ugu nimi oo saas bay dadkooda ula dhaqmijireen. Ujeedaduna waxay ahayd in dadka la tuso halka ay islaanimo ka joogeen oo aynu oganahy in aanay banaanayn in qof iska daaye shilinta la gubo.


Waxa iyana la go’aansaday in fiigooda la radiyo oo la cidhib tiro, iyadoo askar dabadhilif ah la adeegasanyo af buuxana lagu yiri dil iyo dhac iyo xadhig wixii aad dadkaa u geysataa waa kuu xalaal dalacaad baadna ku helaysaa.

 
Ujeedada ka dambeysey waxan oo dagaal ah waxay ahayd in suugaantii halganka la xidhiidhey oo markaa wixii qornaa oo af carabi ku qornaa gaalo iyo cawaankeed gubeen, ay ka daba geeyaan wixii xasuus ahaa oo ay ugu talo galeen in muddo yar dabayshu ku qaado. Isla markaa taariikhdii guud ee Soomaaliyeed halkaa dhabarka lagaga jebiyo. Intaa ka dibna waxa laylana maaganaa in sida wadama badan oo aduunka ah ka dhacday layna yiraahdo wax walba anagaa idin barray waxaad ahaanjirteen iyo wax aad ogaydeen midnana ma jirin markii aannu idiin nimi, oo xitaa adhiga digada sida looga guro anagaa idin barray.


Iydoo halkaa laynagu wado oo gumaysi iyo intii u adeegaysey guud ahaan Soomaali, gaar ahaanna dadkii gobolada dhexe iyo waqooyiga, itaalkood aayo xumo ugu taliyeen meel fiicanna ay u marayso, baa waxa rumowdey odhaahdii Soomaaliyeed ee lahayd: “Ilaahay markuu il daboolo mid kale buu furaa”.


Ishaa ilaah furay waxa wax ku arkay Aw Jaamac Cumar Ciise oo markaas aad u da’yar. Aw Jaamac tirtirka oo sodomeeyo sano socdey buu sidii cosob ka dilaacay gubato roob helay, ka soo dhexbaxay dambaskii Daraawiishi ka tagtay.

 Waxa u muuqatay in talo tan rabbi tahay laakiin gumaysi iyo gumaysikalkaal ay ku tashadeen sidii ay u cadhibtiri lahayeen taariikhdii iyo halgankii dheeraa ee daraawiish iyo gaalo iyo intii kaabasey dhex maray. Waxa isla markaa u muuqatay in haddii aan wax laga qaban, sidanna gumaysi muddo yar oo kale wax ku sii wado, waqti aan fogayn la gaadhi doono in Soomaaliyi iswaydiiso: halgankii daraawiisheed ma runbaa mise waa riyo? Jawaabtuna u badato waa riyo, waayo halgankaa wax raad ah oo cadeeya jiritaankiisa lama hayo. Waa marka gabay iyo taariikh dadka maskaxdiisa laga tirtiro.


Si shakiga loo weyneeyo waxa si rasmi ah loo qoray oo dadyowga aduunka laga dhaadhiciyey in qalcadihii qaar badan oo maanta jooga oo aan ku jiro aabayaashood ama awoowayaashood wax ka dhiseen markii la dumin kariwaayey, in gumaysi wax ka taba badane la yiraahdo: waxa dhisay FARAACINADII MASAR oo Soomaalida maantu meeshay ugu yimaadeen.
Hadaba Aw Jaamac Cumar Ciise: Waa mare dhegihiisa waxa ka sanqadhayey gabayadii ugu dambeeyey oo tiiraanyada badnaa oo ay tiriyeen raggii darwiish hogaanka u ahaa oo uu ka mid ahaa Ismaaciil Mire oo markii uu arkay raggii uu hogaaminjirey oo guusha u horseedi jirey oo la cidhibtiray, oo geenyadii uu jaraha hayey mooyaane aan dulkuneefle kale garabkiisa taagnayn yiri:


Dalawyada nugaleed markaan delidhacaynaayey
Darmaan xoodan maantaan badweyn duhurka soo taagey
Kumanyaal direyslihii markay damacday dhiigayga


Aadna moodo in uu inoo sheegayey sida gaalo iyo dabadhilifyadeedii dhiigiisa markii la qabtay u kala horosadeen, iyagoo isleh magac iyo maamuus ama alfaan ku raadsada.


Isla markaas ay ina soo gaadhey in markii maxkamad ku sheegii gaalada la soo tegey la isku deyey in uu amar ka qaato gaalkii xukumayey oo sidii dabadhilifta iyo hindida yiraahdo “Sir”. Markaa isaga oo ka dhega adaygaya kuna xumaynaya in uu amar ka qaatona diidan una sheegaya in gaalada iyo garoomeheeda oo dhan Sayid Maxamed iyo halgankii uu wax ka hogaamiyey kala sharaf badan yihiin, yiri ereyo ay ka mid ahaayeen:


Sayidii afkii aan ku idhi “seer” ku odhanmaayo
 

Waxa kuwaas la ged iyo aragti ah kii Sayid Maxamed oo uu tilmaanta fiican kaga bixinayey sidii ay ahaayeen iyo sidii nacab u galay oo dad iyo maalba loo cidhibtiray oo aynu baydadkiisa ugu murugada badnaa qaarkood hoos ku xusayno:
 

Min darfoole aqal daahya weyn, dadab la heedaamay
Dermo iyo furaash lagu gam’iyo, daalam iyo googo
Anigoo waxaan doonayaba, derejadeed haysta

Iyo duni wixii nagaga lumay, dararki ceeldheero
Dab wax gubi dayuurado kufrigu, nagu dul gawdiidshey
Dumbuq subuca degalkaan ka kacay, dahab wixii yaaley

Dakhal jabay wixii daar burburay, ama bukaar duugmey
Dedibtii banaanayd wixii, dad iyo maal jiifey
Diric iyo waxay shiikh dileen, ama duq waayeela

Maxajabad daboolayd wixii, gaal u dukhuulaayey
Doofaar nijaas ahi wuxuu, daah u roganaayey
Dabatoobka iidoor wuxuu, darayey caarkiisa

Lo’ durdura wixii deeble geel, nalaga siidaayey
Dullihii shareeraa wixii, daal na caga gooyey
Dirrowgii qabsaday reerkayaga, dalankacii gaadhey


Waa marka labaade, wuxu arkayey dhaxalkii yaraa oo ka hadhay daraawiish oo loogu talo galay in la duugo. Wuxuuna go’aansaday in aan taa lagu guulaysan. Nasiib wanaag Aw Jaamac wuxu ku soo beegmay waqti uu dhaxalkaasi weli dabaqabasho lahaa. Waxaana hubaal ah haddii 34kii sano oo daraawiish jabkii iyo guntashada Aw Jaamac u dhexeeyey, ay sodomeeyo kale ku sii darsami lahayd, tirtirkana sidaa lagu wadi lahaa in gumaysi iyo cawaankiis ujeedadoodu fulilahayd, arrintuna ay maanta la meel noqon lahayd sheeko xariirooyinka Arraweelo iyo Dhegdheer iyo kuwa la midka ah.


Aw Jaamac isaga oo garashadii ilaahay siiyey oo dadkii la waqtiga ahaa uu wax badan kaga horeeyey kaashanaya, wuxuu istusay in saddexdii qaybood oo cidhibtirku u qaybsanaa oo aynu kor ku soo xusnay laba ka mid ah uusan waxba ka qaban karin. Waa tan hore e waqtiguu barbaray waxay ahayd waqti qaybtii gacan ka hadalku ay dhamaatay oo muddo badan laga joogo. Tan labaad, waxay ahayd waqtii dhaxalkii muuqdey wixii mood iyo maal ahaa loo tashaday oo aanu ka dabatag lahayn. Wixii hanti maguurana ahaana intii ay dhib u geysan karayeen ay u geysteen in dhagax ka dhacay lagu celiyaana qawaaninta gumaysigu ay ka dhigtay xaraan maqdaca.


Waxa markaa u muuqatay in uu taariikhda iyo suugaanta keliya dabaqabashadeeda wax ka qaban karo. Wuxu markaa goostay in uu awoodiisa isugu geeyo, sidii uu taa uga baajin lahaa cidhibtirka. Aw Jaamac markuu halganka bilaabay wuxuu inoo sheegay, isagoo khatarta ku dheehan hawsha uu u qalab qaatay og, in wuxuu arrintaa ka walaacoba uu maalin maalmaha ka mid ah ay isaga iyo naftiisu ku heshiiyeen in uu Taariikhdii Daraawiishta guud ahaan u baadi goobo, wixii maanso ahaana si gaar ah u raadiyo.


Wuxu kaloo Aw Jaamac inoo qirtay, in markuu arrintii u guntadey muddo sannad ahna ku dhexjirey ay la kulmeen dhibaatooyinkan soo socdaa:
(i) Nimankii daraawiish ka noolaa oo gabayada in ay hayaan lagu malaynayey oo dhamaantood noqday reer miyi ka dheer magaalooyinka.
(ii) Waxay noqdeen niman fiig ah oo si ay kuugu soo gole fadhiistaan adagtahay wax ay kuu sheegaan iska daaye.
(iii) Waxa lagama maarmaan noqotay in uu xeerka saalixiyada barto si ay ugu soo joogsadaan oo jaallenimo uga dareemaan.
(iv) Wuxuu u baahday dhaqaale uu ku meel maro.

Hadaba, afrtan dhibaato oo Aw Jaamac la soo gudboonaadey markuu hawshii u qalab qaatay, labada dambe sida muuqata waxay jid ama wado loo raaco u ahaayeen labada hore. Labadaas arrimood oo isaga ku xidhnaa, jidkana xaadhmo iyo qodax kagur u ahaa Aw Jaamac xalkoodii waa asiibay. Waa mare, tii dhaqaalaha si uu u xaliyo wuxuu go’aansaday in uu shan geel ah oo uu isagu dambaabey iibiyo. Lacagtaas wuxu ugu talo galay qayb ka mid ah in uu ku jid maro, qaybta kalena illaa waa baadidoone, baadifed u bixiyo.

Tan kale, si uu xeerkii Saalixiyada u barto, taasina ugu fududayso in ay aaminaan ama ugu soo joogsdaan firidhkii Daraawiish ka hadhay, wuxuu ku biiray koox wadaado ah oo Saalixiya ah. Aw Jaamac dadaalkiisii weyne wawga midhadhaliyey, xeerkaa barashadiisina ilaahay waa ku kaalmeeyey wuuna ku guuleystey.


Dhinaca dhibaatooyinka uu la kulmay Aw Jaamac hadaynu eegno, inkastoo uu isagu kuwa aynu soo sheegnay keliya inoo qirtay. Hadaynu u sii dhabagalo, waxa inooga soo dhexbixi karta in xishood iyo sharaf ilaahay siiyey iyo faan ka dheerow ay dhibaatooyinkii uu la kulmay ama u badheedhay ay intaa ku soo koobeen. Waxaadna moodaa in uu ka soo qaaday keliya kuwii isaga markaa ka xigey fiigii daraawiisheed. Laakiin, haddii aynu jawiga siyaasadeed oo markaasi hadhaynayey wadankeena, gaar ahaanna intii ingriisku gumaysanayey dib u fiirino.

Waxa inoo muuqanaysa in Aw Jaamac u badheedhay dawladii aduunka markaasi ugu xooga weynayd in uu siyaasadeeda ku aadan Soomaaliya ka hor yimaado. Isla markaa wixii ay xoog ku adeeganaysey gaashanka u daruuro, wixii dhib ka yimaadana u dhabar adaygo.


Aw Jaamac si uu hawshii uu keligiis u guntadey u fuliyo wuxu iska dhega gaday ama indhaha ka daahdey in wadadaas uu u qalab qaatay uu kala kulmi karo, deldelaad, jidgooyo cidla si qarsoodi ah loogu dilo, xabsi daa’im, masaafuris, dhac qoyskiisana saameeya iyo dacaayad looga awood roonyahay oo sumcadda iyo sharafta lagaga dilo. Aw Jamaac wuxuu si geesinimo leh ugu badheedhay xoogagii faraha badnaa oo isticmaarka sida hagar la’aanta ah ugu adeegijirey, waqtigaana il gaar ahna ku eegayey dhankii daraawiishii ka xigtey iyo talaabo kasta oo laga qaado.


Hadaba, Soomaalidu waxay tiraahdaa daacadi ma hungowdee, Aw Jaamac hawshii uu intaas oo dhib ah oo dhanka ingriiska kaga iman kartey ugu badheedhay ilaahay waa ku guuleeyey. Aw Jaamac wuxuu balasle ahaadoba, shan sano ka dib (1959)kii buu gacanta ku dhigay taariikhdii daraawiishta inteedii badnayd. Wuxuuna si fiican u hantiyey gabaygii iyo goobihii dagaalka ba’ani ka dhacay, kuwaas oo uu gacanta ku dhigay iyaga oo af Carabi ku qoran.

 Aw Jaamac sida uu inoo sheegay wuxuu awaalayey in goor ay noqotaba far Soomaali soo bixi doonto, samir buuna u yeeshay in uu sugo. Muddo 10 sano ka badan buu midhihii uu ku soo tabcay kayd ahaan u hayey. 1971dii marka la aasaasay guddiga af Soomaaliga, ayay Aw Jaamac u muuqatay in midhihii uu tabcay ay Soomaali u bislaadeen, dabadeedna wuxuu u hawl galay sidii loo habayn lahaa Soomaali weyna loo gaadhsiin lahaa ilaahayna waa ku guuleeyey.

Waxa markaa laynoo soo bandhigay diiwaanka gabayada Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo ka kooban 120 gabay oo Sayid Maxamed leeyahay iyo 16 gabay oo abwaano kale leeyihiin, gabaydiisana la xidhiidha. Diiwaanka waxa ku dabajirey, qoraalo iyo kutub kale oo aynu ka magacaabi karno Taariikhdii Daraawiishta.


GEBAGEBADII IYO MIDHIHII

Hadaba, waxa ilaahay mahadiis ah in Aw Jaamac Cumar Ciise uu ku guulaystey halgankii xooganaa oo uu u qalab qaatay lana galay Ingriis iyo Soomaalidii kaalmaynaysey. Aw Jaamac, waxa weyne gacantiisa ku soo ururiyey wixii gabay iyo taariikh af Carabi ku qornaa oo dabkii Isticmaarka iyo dabadhiliftiisii ilaahay ka daahay dhibkoodiina ka badbaadiyey. Wuxuu kale oo goor roon u guntadey qaybtii aan qorrayn oo iyadan uu firidhkii daraawiishta iyo dadkii kale oo fahmada badnaa oo ilaahay maskaxdooda ku kaydiyey uu ku gaadhey. Hanashada taariikhdaas iyo gabayadaas Aw Jaamac geeddheer iyo geed gaabanba waa u fuulay sida dahabkana waa u raadiyey, dantiisa gaarka ah iyo reerkiisana waa u dayacay.

Aw Jaamac kartida, garashada iyo aqoonta ilaahay siiyey oo uu faciisa wax badan kaga horeeyey ka sokow, aragtidayda waxan odhan karaa, wuxuu beeniyey oo keli ku yahay gabay murtiyeedkii Soomaaliyeed oo lahaa:


Ma magoolo geed keliya oo milic ku yaalaaye
Inkastoo mayey qooyo waa mudhux sanaadaaye


Wuxuuna noqday geed keliya oo milic ku yaal oo magoolay, midho laga dhergona bixiyey. Waxa intaa u raacdaa in uu yahay halyey iyo halgame uu ilaahay u simay isuna barbardhigay afarta sifo oo ugu waaweyn oo ninka Soomaaliyeed lagu amaanu oo kala ah geesinimada, deeqsinimada, aftahamada iyo dad wadka iyo dulqaadka. Waxaynuna u cuskan karnaa oo daliil inooka ah raadka halgankiisa oo aynu dib u yare jaleecno:

 Sidaynu kor ku soo sheegnay, Daraawiish markii la jebiyey, gumaysigii Ingriisku wuxuu bilaabay in uu raadkooda tirtiro. Wuxuu ka bilaabay horta daarihii iyo qalcadihii ay daraawiishi meel kasta oo ciidan ka joogey ama ay mar degsiimo ka dhigatay ka dhistay. Sidaynu hore u soo sheegnay, ingriisku markuu mid walba ciidankii joogey jebiyey ama ka saaray, wuxuu u dalbaday ciidan khaas ah oo madaafiic la dhaca iyo mid miineeya si loo dumiyo oo dhulka loola simo, cid dambena aysan u isticmaalin, kuwa dhalandoonaana raad taariikheed oo ay higsadaan u waayaan. Nasiib wanaag, daaraha badankoodii hadafkii ahaa dhulka la sima way ku guul daraysteen, 70% in ka badana weli waxbaa ka taagan.


Waxay taa ku xejiyeen dacaayad iyo cay iyo been sheeg ay “telecomunication” kii markaa jirey oo dhan ay u isticmaaleen sidii ay sumcadii daraawiishta iyo hogaamiyohoodii u xumayn lahaayeen, halkaana ku dayashadooda iyo soo qaadistooda ay ku noqoto wax laga yaqyaqsoodo.


Ingriis daraawiish iyo halgankeedii wuxuu gaadhsiiyey oo isga iyo daraawiishii waaga kala joogeen halkay ay maanta kala joogaan maamulka maraykanka iyo argagixisada alqaacida. Marka ninka xaalkoo saas ah, la kulanka falaagadii iyo firidhkii ka hadhay iyo ururinta gabayadii Sayid Maxamed iyo taariikhdii halgankii daraawiisheed u qalab qaatay 1955, in uu dabkii la bakhtiiyey dib u hulaaqiyona ku talo galay, waxaan qabaa in uu geesinimo meel dhigtay. Wuxuuna run ahaantii u badheedhay dil iyo xadhig iyo dhibaatooyin kale oo badan uguna badheedhay dawladii markaa aduunka ugu xooga roonayd iyo Soomaalidii daba dhilifta u ahayd.

 Aw Jaamac wuxuu inoo sheegay in markii uu go’aansaday in uu hawshan galo, in dhibaatooyinkii la soo dersey hawsha fulinteediina iska hortaagey ay ka mid ahayd xagee dhaqaale aad ku jid marto, meeshii duugmo u baahanna subag lagu duugo u noqoda ka heshaa. Isla markaa wuxu inoo soo gudbiyey in talo kaga ururtay in uu shan geel ah iibiyo. Hadaba marka aynu dhaqankeena dib u eegno. Geelu dhulkeena wuxu weligii ahaanjirey halbawlaha nolosha nin walibana wuxuu isku deyi jirey in uu inta uu hayona ku faraadaygo, xaq iyo xaqdarro midkastaba ha ahaatee uu sannad walbana wax ku soo kordhiyo. Geelu dhaqankeenna reerka oo dhan (qoys, jilib) buu ka dhexeeyaa oo marka xerada laga saarayo, yaradka kulay ku tahay rag farabadan baa taladiisa ka qayb qaata. Marka waxa hubaal ah ninka 1955 arrintaa u badheedhay oo rag hordhigay kuna guuleystey in ilaahay geesinimo xaddhaaf ah ugu deeqay.

 Aw Jaamac wuxuu hawshan buraashadda u biyeystey waqti amaanka dhulkeena aad u xun yahay oo dhinacna bahal dad qad ahi ku badnaa, kaas oo ka fir qabay bahalkii dadqaadka ku noqday maydkii halgankii daraawiishta la dhigay oo meel walba wadhnaanjirey, habardugaag oo dhamina ku mamay. Waxa kale oo jiritaankiisa ku sii xoojiyey dhulkii Aw Jaamac halgankiisu ku koobnaa, hubka dhigistii ingriis hubka ka dhigay dadkii ku dhaqnaa gobaldii Daraawiishi ka soo jeedey.

 Waxana dhacday in hubl’aantii aad u sii dhiiri gelisey oo waxaynu sheeku ku maqalay libaaxyo dadqaad noqday oo ay ka mid ahaayeen Jeenicade, Juuqdhawr, Fardheere, Koorre iyo qaar kale oo ka daran. Tan labaad, wuxuu ahaa waqti colaad xun iyo dagaal aad u dheeraaday laga soo baxay oo markaa cidla u dhaqaaq adiga oo wax la hungurayn karo wata ay isdeldelid ka dhignayd. Laakiin midhihii aynu ka dheefnay waxay ina tusayaan in aan Aw Jaamac marna u jixinjixin, qaanuun shisheeye iyo col iyo bahal toonina aysan iska hortaagin hawshii uu fulinteeda goostay.

 Waxaynu soo tilmaanay in Aw Jaamac go’aan ku gaadhey in uu shan geela iibiyo oo jidmar iyo baadifed ugu tala galo. Hadaba, meesha geelu kaga yaal ninka Soomaaliyeed oo xoola dhaqatada ah, waxaynu tusaale uga dhigan karnaa hadalkii ninka Soomaaliyeed ee inta hashii ka yaraysay oo carrurtii deeqiweydey yiri: Candhada laga jarta walaahi inta gado in aan carruurta Dooni u siin. Wuxuu u haystey in hashiisu doonida ka qaali santahay. Markaa hadaynu saa u eegno Aw Jaamac iyo raggii nabad geliyey markuu geela gadayey, waxay Soomaali ugu deeqeen shan Doonyood.

 Waxa inoo wada muuqata oo aan caad inaga saarayn in Aw Jaamac waqtigiisa qaaliga ah, muruqiisa uu danihiisa gaarka ah ku qabsan lahaa iyo maskaxdiisa u huray dan guud oo dhib iyo dhaqaale kaga baxa mooyaane aan markaasi isaga wax dheef ah oo ugu jiraa habayaraatee muuqan.

 Waxa dhaqankeena aad ugu xididaystey, diintuna sii adkaysay oo tigin asaasiya noqday dhaxalka. Dadkeenu waxa manaafacaadka leh, mood iyo maal iyo aqoon gaara diintana ha noqotee waa kala dhaxlaan. Waxaana dhab ah in aan qof aan dhaxalkeeda lahayn sinaba loogu gudbinjirin, aqoonaha gaarka ahna aan bilaash laysu barijirin ama laysugu gaadhsiinjirin. Waxaana tusaale u ah aqoonta faalka, xiddiginta iyo geeda gooyada iyo aqoonaha la mid ka ah, sida aduunka kale boqortooyada loo kala dhaxlo baa loo kala dhaxlaa oo qofka yaqaani cid kale daaye curruurtiisana ma wada barijirin e wiilka u weyn baa dhaxalkeeda lahaa. Aw Jaamac wuxu ka mid yahay uguna horeeyaa daka dumiyey gidaarkii adkaa oo dhaqanka aqoon qarsiga ku meersanaa, wuxuuna inaga sooryeeyey ila wadaagana si hagar la’aana inoo yiri aqoontiisii uu hantiyideeda aadka ugu soo dhibtooday.



 Aw Jaamac wuxuu u badheedhay sidii uu rag falaaga ah oo duur gal noqday oo nin waliba gaarkiisa ugu baahanyahay (psychological treatment), in uu aftahamo ku maalo, oo nin walba si gooniya u qanciyo oo xusuustiisa waxa ku hadhay si gooniya ugala boxo.

 Wuxu isla markaa afkiisa ku qanciyey oo sharkoodii dhinac isaga weeciyey gaalo iyo intii u kiraysnayd. Waxaana hubaal ah haduu hulaab xume noqon lahaa ama afgarooc in hawsha uu u banbaxay iyo waxa ku kalifey in uu dhulka wareego la ogaan lahaa, hadduu ugu sokeeyona uu god madow ku abaadi lahaa.

 Wax badan baynu sheeko ama goob dagaal warkeed iyo taariikh kaleba maqalay, laakiin waxa keliya oo isku dubaridi kara oo kutub dhaxal gal ah ka samayn karo qof ilaahay maskax fiican, garasho dheeraad ah iyo aftahamo siiyey. Run ahaantiina Aw Jaamac ilaahay intaba waa isugu daray.

 Iyada oo daraawiish la jebiyey wixii wadaad urana il gaara lagu eegayo, kan Saalixiyada ku abtirsadana sida dabka biyo loola raadiyo, buu Aw Jaamac wuxu ku guulaystey oo af iyo ekaansho kalsoonidooda ku hantiyey koox wadaado ah oo Saalixiya ah. Si uu u barta xeerka iyo xeeladda Saalixiyada, kadibna daraawiish raggii ka hadhay guntin walba ugu furaan, sir kasta oo u qarsoonaydna uu ugu dhaadhoco.


 Hore waxaynu u soo sheegnay in ingriis iyo Soomaalidii dabadhilifta u ahayd ay aad u isticmaaleen isgaadhsiintii isticmaarka iyo hab tebiskii Soomaalida, si ay sumcadda uga dilaan guud ahaan daraawiish, gaar ahaanna madaxdeedii oo Sayid Maxamed ugu horeeyo. Gabayo badan oo ina Cabdulle Xasan in uu islaamka ka baxsanaa dadka Soomaaliyeed loogu tebinayo baa ina soo gaadhey oo aynu ka soo qaadan karno kelmado ku jirey kuwii Cali Jaamac Haabiil mid ka mid ah:
 

Todobuu qabaa naaga xora tuu falaa darane
Taag niman lahayn iyo agoon buu ka taajiray e
Ma talyaanigaasaa mahdiya tanina waa yaabe?

 

Waxaana siyaasadaas loo hirgeliyey si loogaga hortago hab tebiskii Soomaalidu dhaqanka u lahayd, ab iyo isirna wax isku gaadhsiinjireen (oral tradition) oo ay ogaayeen sida uu xididada Soomaalida ugu dheehanyahay. Ujeedada ka dambaysaa waxay ahayd in xasuus ku hadhka halgankii daraawiishta wixii iyaga ka fakada, isaga oo aan sharaf lahayn oo dhadhan kale leh dadka Soomaaliyeed la gaadhsiiyo dabadeedna aan dheg loo jalaqsiin.

 
Aw Jaamac isaga oo og in dacaayadda lagaga adag yahay makas oo dhanna la qanciyey oo meeshay ka arkaan ay ay dagaal ka horkeeni karaan, buu buraashadda wuxu u biyeystey in uu samro dulna u yeesho si uu taa u beeniyona, taariikhdii runta ahayd oo ay xaqa u la haayeena uu ubadka Soomaaliyeed gaadhsiiyo.

 Midhihii uu u guntadey oo dhibka badan u soo maray markuu gacanta ku dhigay, waxay noqotay see dadka Soomaaliyeed u gaadhsiisaa. Wuxuuna halkaa ka muujiyey samir iyo dulqaad oo wuxu sugey, midhihiina inoo kaydiyey ilaa far Soomalidii uu soo bixideeda awaaley ka soo baxaysey.

 Wuxuu u badheehdya dulqaad iyo samirna u yeeshay wajigabaxa iyo niyad jabkii kaga imanayey darwiish aqoon taariikheed ama suugaaneed loogu sheegay oo uu muddo farabadan baafinayey, jid dheerna u soo maray, ka dib markii uu helayna diidey in uu qaabilo ama debnahaba u kala furo, isagoo xanuunka la baday ka gubanaya ama cadow ama basaas moodaya. Wuxuuna noqday nin qaalin curatay oo carcar ku dilaacay hudhuubgaal caadda ka mariyey.

 Aw Jaamac ilaahay ha ka abaal mariyee wuxuu u badheedhay harraad, gaajo, daal, galangalcow iyo martinimo joogta ah oo aan dhaqankeenna dan oo kugu khasabta mooye Soomaalidu ku degdegin. Waxa jira xadiis macnihiisu yahay “safarku cadaabkuu ka mid yahay”. Aw Jaamac socdaalkaa layna yiri cadaabkay wax wadaagaan iyadoo aan wax ku kalifayaa aan wadaninimo iyo aragtidheeraan ahayni jirin oo uu ka maarmi karo. Buu isagu keligiis u badheedhay in uu dhibtaa galo isaga oo aan gaadhi iyo daabad kale tona u wadan. Isla markaa wuxu go’aansaday wixii kaga yimaada in uu u dhabr adaygo samir iyo dulna u yeesho, ilaaha waaxidka ahina waa ku guuleeyey, midhihii tacabkiisana waa hantisiiyey.



Aw Jaamac markii uu taariikhdii daraawiishta iyo gabayadii hantiyey, halgankoodiina nolol ku hubsaday, dhaxalka intii tirmilahayd oo uu ka dhiidhiyeyna dabaqabtay. Halkuu ka nasan lahaa, wuxuu isbarbardhigay waxa barashadiisii oo uu sii wato iyo raadgurkii Taariikhda guud ee Soomaaliyeed iyo Suugaanteedii soo jireenka ahayd oo iyadu inta badan markay afar awow dhaafto xasuusta ku libidha. Aw Jaamac Cumar Ciise wuxuu ka qalinjebiyey Jaamacad ku taal wadanka Yaman.

 
Wuxuu takhasus ahaan u qaatay Xadaaradii da’da weyneyd oo waqti fog oo dhawr kun oo sano laga joogo ka hanaqaaday dalka Yaman loona yiqwqiin Xadaaradii “SABA”. Wuxuu kale oo isla markaasi boodhka ka tumayey, dibna u soo nooleeyey, maantana haaneedka u hayaa ilaahayna ku taakuleeyey oo hantisiiyey guud ahaan Taariikhdii Soomaaliyeed oo ku siman ilaa 2000 oo sano iyo Maansadii Soomaalidii hore oo ay hormuud ka yihiin tan Geela, Fardaha iyo Haweenka.

Waxana ka mid ah kutubta faraha badan oo Aw Jaamac qoray oo maanta qof kasta oo Soomaliyeed oo Dhaqankiisa, Taariikhdiisa iyo Suugaantiisa jeceli ku dhaadan karo, dhaxalna inoo wada ah:

(1 Diiwaankii gabaydii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan

(2) Taariikhdii Daraawiishta

(3) Maansadii Soomaalidii hore ee: Geela, Fardaha iyo Haweenka.

(4) Hilimada Maansadii Soomaalidii hore oo ka kooban 16 baab

(5) Taariikhdii Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Halgankii Xornimodoonka.

(6) Qaran jabkii  Soomaaliya

Xigasho Aw Jaawamac

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *