Dagaalkii caanka ahaa ee Jiidha kadib, waxaa mar kale dagaal culus dhex maray beelaha Abraahiin iyo Habar Yoonis. Abwaan Weerar Cali, oo ka tirsanaa Habar Yoonis, ayaa arrintan ka mariyey gabay guubaabo iyo kicin ah oo muujinaya shalaay iyo dareen guuldarro.

Wuxuu Abwaanku fajac ka muujiyey in ragga halyeeyada ahaa ee uu hoggaaminayey Timir la laayay oo hilibkooda ay dugaagu ka dhargeen, isagoo sidoo kale ka xumaaday in nimankii ay ka tiro yarayeen ee Abraahiin ay iyaga ka adkaadeen. Wuxuu eedsaday inuu ku mashquulay tuulo-joognimada iyo inuu ka maqnaa goobihii ay isku haysteen miyiga. Waxaa naga soo gaadhay meerisyada gabayga, isagoo yidhi:

  • Timir iyo raggiisii miyaa, Toomo lagu laayey
  • Ma intaan qaxwaha tuugayaa, Teeyo la xabbaadhay 
  • Tobankii Abraahiin miyaa, naga tol roonaaday.

Maxamed Macallin Muxummed (Maxamed Dheere) oo Abraahiin ah ayaa Weerar u jawaabay.  Wuxuu Maxamed u arkaa in ninkii Illaahay karkaarka weydaarinayo uun iyaga  isku taago.  Sidii ay Habar Yoonis uga adkaadeen iyo sida ay ganacsatadoodii u udulufeen, taajirkoodiina darbadda ku dhacday awgeed uu Galbeed uga magan-Allaysto iyo sida xataa intii hadhay ee ugaadhsiga ku noolayd uu ugaga dabatagay dhul fog ayuu ku dhaatay.   Sidii Talyaanigu Itoobiya maalin kaliya u cantuugay ayuu la simay sida ay Habar Yoonis u galeen.  Wuxuu ku goodiyey inuu Badda Cas soo taaban lahaa haddii Daarood dagaalka la geli lahaa, ama yeysan waxba dagaalna la gelinee haddii ay khaa’inkooda iyo dhibkiisa uun ka dhicin lahaayeen.  Way iska caddahay cidda uu ujeedo marka uu leeyahay “amay tuugooda uun iga dhacshaan toobinka i saaray”  Wuxuu yidhi inta aan helay:  

  • Kuwo talada laga qaadi waa, nalagu taagaaye
  • Talleeji baan ka lalin tuu lahaa, tabar intuu waayey
  • Tookhiyo faankii badnaa, Timir ma beenowday
  • Tafantoof ma galay Reer Xirsiyo, tuugtii Habar Yoonis
  • Wankii tooxda weynaa Berbera,  saw ma tagi waayin
  • Dharkii tuurta lagu qaadi jiray, saw ma kala tuurin
  • Saw taajirkoodii Galbeed, kama tabaandhaysto
  • Toban dabato saw uguma tagin, tan iyo Gaaroodi
  • Talyaaniba kolkuu Xabashi helay, wuu ku taagsadaye
  • Toban liiro waa tuu ka dhigay, kii la toogtaba  e
  • Turqintii Cadwaad buu ogaa, tii ay mariyeene
  • Tabcase maalin waa lala helaa, tol aad colowdeene
  • Haddii timaha Daarood wax uun, igu tabiineeyo
  • Amay tuugooda uun iga dhacshaan, toobinka i saaray
  • Wallee tuuryo kaagama hadheen, Daba Tuxaalow e
  • Tollaahaan ku dhaartaye inaad, tegi lahayd Xeebe

Kaydintii Akadimiyadda Afka iyo suugaanta ee Murti

Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed


By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo