Gabaygii: Dhankaan ka hadlay


Cali dhuux oo gabaygu ka xirnaa oo meel uu kaga qabto amr danbe la’ ayuu ugu furmay markii ay maxamed Fiin iyo qamaan bulxan isu jawaabeen Arrintaas oo ku dhiiri gelisay inuu cali dhuux mar kale gabaygii ku soo noqdo isagoo weli guubaabadii ku wada Ogaadeen, gaar ahaanna ugu naqaya Qamaan oo u sheegaya inaanu kaalintiisa uu tolkii ka joogay ka soo bixin.Cali wuxuu in ka qirtay dhibaatooyinka uu u geystey ee uu Qamaan ku eedaynayo.Cali dhuux wuxuu yidhi:

Dhankaan ka hadlay waakaa Qamaan, dhaafay hadalkiiye
Dhex-xirka hayska gooyaan lahaa, dhuugga loo tolaye
Haddii dhaxal adoogaa la cuno, waa dhadhamisaaye
Waxaan cunaha ii dhaafin iyo, dhaashil baa jiraye.
 

Naagahaan dhankii loo rogiyo, dhinacna diidayne
Dheddigoodshahaa lagu arkiyo, dhiigga caadada’e
Haddeeyan dhiilka caanaha lahayn, laguma dhaarteene.
Wax ka dhigan gobtii dhawrsataan, ceeb ka dhiidhiyine
Nin dharbaaxo quudheed dugsaday, dhaqayadeed maalye,
Dhashaaday sugtaa xaajadaad, dhawrataa abide
 

Dhirfal buu Isaaq marin intuu, dhaco Ogaadeene
Karuur dhuumay dhaydana ka jecel, oo ay dhamayaane
Dhoobada Hargeysiyo Berbera, waa dhito u taalle
Dharka kama macaasheen hadday, dhuunta jarayaane
Waa dhego la’yahay Reer Subeer, dhoohan weligiise
Dhibta gaadha waa moog yihiin, iyo dhaliishoode

Anuun baa dhalaalinahayee, dhiirran ma hayaane.
Intaan dhalasho waa yaab qabtaa, dhab ugu soo ooyey
Dhaladuu wax iga saaray culus, dhabalna ii raacye
Dhudhunna waaba ii sheegtay adag, dhiilona  i geliye
Dhawaaqayga kuma faaraxine, waa ka dhiidhiyaye.

Waayeelka dhaylada sitee, dhawrta ku ilaasha
Kuwaa dhebedda soo xiranayee, dhuuni kale haysan
Oo dharabta jeexjeexan qaba, waad la dhalateene
Dhafoorkaa ma yeesheen har galay, dhogor xumaantaase
Dhoomaha Isaaq raranayee, Dhaayin laga keenay
Dharkaa lagu qasaashaa intay, dhereg u daadshaane
Rag baa caanahaad dhami jirteen, dhiil u hoorsadaye.

Afartaasi waa dhaabad gabay, iyo dhextaashiise,
Hadallo dhagaxyo waaweyn ka culus, waa dhug siin jiraye,
Maansada dheh uun lama yiraa, waygu soo dhacaye,
Dhugaheeda layskuma qabtee, dhibic kalaan baanay;

Dhinacayga ma aan saari karo, dhuxullo naareede,
Haddii dhaxal adoogaa la helo, waad dhadhamisaaye
Waxaan cunaha ii dhaafin iyo, dhaarshil baa jira e
Goormaan rag baa kaa dhergaye, dhidibka kuu qaaday?

Dhaawucu ninkuu ku cusub yahay, dhiiggu farahiisa
Oo shalayto kaa dhaansadaa, Dhuurre kula yaalle
Waakaa xeryaha looga dhigay, Dhogor Idiinleeye
Dhaqaalaynna mayside naftaad, kala dharroocdeene
Libintiinnu maantay dhowdahay, kuma dhaqaaqdaane
Car ku dhaca haddaad dhalad tahoo, dhuubka boqor hayso!

Afartaasi waa dhaabad gabay, iyo dhextaashiise,
Hadallo dhagaxyo waaweyn ka culus, waa dhug siin jiraye,
Maansada dheh uun lama yiraa, waygu soo dhacaye,
Dhugaheeda layskuma qabtee, dhibic kalaan baanay;

Ugaas Magan dhawaaq kuma jiroo, dhimey wadkiisiiye
Bal dhexmariya Reer Webi inuu, dhaamo Bah Xawaadle!
Cabdille Aadankii dhaadan jiray, dhab u ogeysiiya!
Uga dhoofsha Dhicis Muuse Khalaf, oo dhabta u saara!
Cawlyahanka dhaantaynayiyo, Dhugadna gaarsiiya

Isaxaaqa dhooshiisii hanay, dhababkacna loo diidye
Nimankii ku dhabannaanin jiray, dhowr ka loogsada’e
Dharbaaxooyinkii soo ceshiyo, dhabarjabkaagiiye
Waataa hablaha Ciise Dhamal, dhigaha laayeene,
Kacoo dhididka rida waa intaad, dhimanba weydaane!

Dhambaal lala ma yaaciyo waraaq, sida Dhabiileede
“Hoo dhagaxa qaad iyo adeeg!“, gaaladaa dhihiye
Raacdadu hadday kaa dhab tahay, Dhebi dagaalkeedu
Adoo dhididsan baa loo ridaa, dhamac rasaaseede
Raggaan dhibiyey waa kaa dhacsaday, Dhebiyo Heemaale,
Qamaan dhugo dhankaagaa tolkaa, looga soo dhacaye

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo