Gabaygii: Dhamac la leefsii
Gabaygan Abwaanku waxuu tiriyey mar ciidan ingiriis soo abaabulay wax la laayey iyo wax kala firdhaday laga dhigay , maalintaas raga meesha waraabaha loo loogay waxaa ka mid ahaa Ina Rigaax.. Ina- khaalid , sababta ciidanka ingiriis u soo abaabulay ,waxay ahayd mar Niman Reer Hagar ay laayeen rag habaryonis ah oo askartii ingiriiska ciidankaas waxay ahaayen habaryonis,, raga meesha maalintaas lagu laayey waxaa ka Mid ahaa Nuur-Guun oo ragaas watey Dhimashadii nuur-guun waxaa ka gabyey Adan Galoos oo reer hagar ahaa, isagoo ku xidhan berbera iyo geel reer Hagar laha oo ingiriisku qabtey oo loo haysto raga ay maalintaas reer hagar laayeen bal aan dhawr beyd ka soo qaadano gabaygii Adan galoos waxuu yidhi
Soddon boqol miyaa geelayaga,saylad lagu ooday
Ma saakaa raggii maali jiray,suuqa lagu sheegay
Ma na sahayday Nuur-Guun wuxuu,saadiyaa helaye
Haddaan saawasaawaha ku gelin,salowga duulaaya
Anigiyo maxaa seeddiyaday,saancad kala haysta
sidaas iyadoo jirta ayaa hadana rag kale la layey oo habaryoonis ah markaas buu samater baxanaan gabaygan tiriyey isagoo ku diganaya jabka soo gaadhay,runtiina la hadlaya Saraakiishi ingiriiska una sheegaya waxa ku dhacay qolyihii Miirada u ahaa, Samater waxuu yidhi:-
Dhaawaca ku yaal maalintuu gaadhay dhabankayga
Dhoobada burcaad bey mashxarad kaga dhegsiiyeene
Ana maan waraaqda ugu dhigo digasho dheeldheela
Warka xalay dhankaas iyo ka yimid wabiga dhuuxiisa
Oo sida dhanbaal loo siday oo aan dhixin habeen noolba
Daarood dhamaantiisba waw caanihii dhudiye
Anigana dhedaa iga kacdiyo dhaxan isaarnayde
Libintii bahdaa dheelantaa waa adoo dhigaye
Mareexaanku tuu dhigay la maqal dhibicdii dayreede
Goortay rigaax iyo dhigeen dhowr kaloo wehesha
Isma dhigane waa tay baqaha ribadle dhaafsheene
Dhaf dhafkii cadaadii ka dhige meel dharaarsane
Dheb u toogte ina khaalidkii dhabarka weynaaye
Isaaqii dhadaanbiyin jirow laysu soo dhigaye
Ku wii dabada kuu dhiiban jiray dhamac la leefsiiye
Dhooraha sarkaalkow u ooy dhimayey Iidoore
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Raacdayntii: Cumar Ismaaciil Digeed