Dhalashadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

TAARIIKH KOOBAN

Seyid Maxamed Cabdulle Xasan wuxuu kudhashay baliga lamagacbaxay Sacmadeeqo oo qiyaastii 11km (7mayl) woqooyi kaxiga Buuhoodle. Sannadkii uu seyidku dhashay waxay taariikhdu ahayd 1856, taas oo ahayd gu’ barwaaqo ah oo la oran jirey Gobaysane. Hooyadiis waxaa la oranjirey Carra Seed Magan.

Abaarihii 1892 wuxuu u kicitimay Maka iyo Madiina, waxayna is raaceen 13 wadaad oo kale.

1895 ayuu seyidku kusoo laabtay dalka Soomaaliya, wuxuuna kasoo degey xeebta magaalada Berbera.

Waxaa taariikhdu werisey in markii uu Seyid Maxamed kasoodegey doonidii uu lasocday uu ingiriisku weydiiyey in uu bixiyo cashuur, wuxuuna ugu jawaabay: “Adiga yaa cashuurtii kaa qaaday markaad halakan ka soo degtay?”. Dabadeedna afceliyihii baa kuyiri ingiriiskii “waa wadaad waalane inaka daa”. Sidaa daraadeed waxaa ingiriisku ku magcaabay wadaadkii waalaa. Tuducdaas taariikheed waxaan kasoo xiganay buug ay qoray wasaaradii hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya sannadkii 1973dii.

error: Halkan kaga boggo