Gabaygii: Dhagahaan Furaystaa.

**Dhaxantiyo kulaylaha jiriyo, dhidib diiraaceedka
**Dhumuc wayne jiilaal haddii, laysku dherersiiyo
**Oo dhaanka dalandooltamoo ay dhanqaran joogto
**Oo maalku wada dhuutiyoo dhimasho uu joogo
**Dhoobadiyo waxaa lagaa dhegaa dhanaqda ciideede

**Dhaqankooda weeyaan inay dhiriftamaan jeere oday
**Dhabaqtamaayaa waa markuu yara is dhaafaaye
**Dhaqmaatiga tuldaha jaan hadday dhinac u ciirowdo
**Markaasuu dhaqaaqaa sidii dhaahiyaha baase
**Oo ul uu maryaha dhinac dhigaa dhagaxna qaataaye
**Dhab ayuu u waashaa haddii geelu dhaqayoobo-e
**Dhibic roob markii uu helana waa dhuh-leeyahaye

**Umadaba inuu dhaafay buu dhimir u sheegaaye
**Mar hadduu dharaar helo biyaha balliyadoo dhaansan
**Mar hadduu ka dhaantayn yaqaan ceelka dhagax buura
**Markaasuu dhawaaqaa sidii dhidarki dooloode
**Markaasuu dhigaal maanso iyo ceebo soo dhuriye

**Markaasuu intuu caado dhigo dhaqan ka seegaaye
**Seedigii markaasuu dhibaa gabay dhaliilaaye
**Dhabqin iyo markaasuu qoraa reer wax loo dhimo

**Culimada ma dhaafee intuu dheesha baranaayo
**Dhebel buu u siiyaa afxumo oo ku marin dhaafa
**Dhaayaha ka xidho baa ku qaban heesta u dhigiye
**Dhegahaan furaystaa eegaduu meelka dhacayaaye
**Ala dhaandhaansanaa badowga jaan dhihid qalloocisa!!!

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo