Gabaygii: Deleb

Cali dhuux iyo faacul oo wada kaftamayey baa faacuul ku yidhi caliyow ha gabyin, calina waxuu yidhi hadaan gabyi lahaa waxaan odhan lahaa:

Goorey muddo ka soo wareegatay markuu gabaygii , wuxuu Cali-Dhuux Aadan raaciyay gabay ah: “Doqonkii Ogaadeen ahaa, Doollo laga qaadye
.“ faacuul ayaa ku soo booday oo afka qabtay oo ku yidhi”gabay ha nagu tirin oo halkaa ku dhaaf”Cali-Dhuux wuxuu sheegay inuu halkaa ku joojin doono gabayga, laakiin haddii uu maqlo iyadoo la hadalhayo uu dhamaystiri doono sidaa ayey axdi iyo aamin ku kala qaateen,muddadii goor ku dhow ayaa Cali-dhuux oo makhaayad shaah ka cabbaya wuxuu maqlay inankii shaaha u keeney oo tuducdii ku celcelinya.Cali wuxuu inankii weydiiyey cidda gabayga tirisay.Inankii wuxuu ugu jawaabay in nin la yidhaa cali-dhuux ayaa tiriyey,nin weyn loo la sheegayo Hal tuduc uu tiriyeyna waa laga fiican yahay halkaas buu cali ka bilaabay.Tixdaasna, waxay furtay Silsiladdii Gabayadii Saddexgeesoodka Ahaa ee GUBA. Koowaad.

Doqonkii Ogaadeen ahaa, Doollo laga qaadye
Loo diid Dannood iyo hadduu, degi lahaa Ciide
Niman baa dalkoodiyo xukuma, labadi daaroode
Daratoole iyo Faafan oo, wada duraabaaya
Deegaanta haradii ku taal, daaqi ma hayaane
Doox kama mareershaan dhulkay, Deleb ku beerreyde.
Markii duraha jiilaal kacee, doogga la idleeyo
Duurka iyo dayada Hawd markay, Debec ku soo oonto
Laaskuu ku dalandoolli jirey, loogu degi waaye
Alla Dawguduuddii Wardheer, kama durduuraane
Dawadeedu waa Jeerinleey, ugu dul geeraare
Ceelkii biyaha diirranaa, looma dawdebo’e
Dixda Qarandi Deer iyo Mataan, loo dardari waaye
Darar kagama maalaan Cammuud, diiqo iyo xoore
Maantana dukaammaa la dhigay, degelki Gaafoowe
Dixda Reygareed iyo Gargaar, laysu dacareeye
Deyr baaba lagu meeriyoo, loo dabbaaldegaye.

Wardheer aan dagaal xumi ka dhicin, dig iyo baaruud ah
Doox iyo Doh iyo Faafan waa, soo dalbanayaane
Kuna dalaaqe naagihii inay, dib uga laabmayne
Iiddoorku suu damacsanaa, loo diyaafadiye
Hadba dunida duul baw kacoo, diin la soo shira’e
Dar Ilaahay uun baa xaggiis, looga soo diraye
War sow sida Darwiishkii Isaaq, duub cad uma qaadan!

Makaahiilku Dooy uma kaceen, degaya Hiiraane
Daacuunku meeshuu ku layn, uma dalluumeene
Daal iyo hadhuudh kuma cuneen, Degelki Haarweyne
Habar Yoonis bay uga durkeen, degelladoodiiye,
Dullinnimo inay qaayibeen, waxa daliilkiiya;
Dadba weli ma arag reer Subeer, duul ka soo qaxaye
Dooyiyo dabriyo weerar iyo, ma laha duullaane
Ninnaba uunka kama dawladsana, Dir iyo Daaroode
Ilaah baa dabkoodiyo nasakhay, danabbadoodiiye
Dadka uguma liitaane’e way, diriri waayeene.

Afartaa sidii deleb la riday, maysu dabajoojey
“Da’dii“ aan ka qaadiyo miyaan, “Deelka“ ka habawshay
Ma daleeyey deelqaafku waa, kaa dilaa gabaye

Dacwad kalena waa Reer Xirsiga, hal an dareensiiyey;
Dadka waa la wada laynayee, waa u darraydeene
Dubbihii ku dhacay Bih Ina-Cali, doogta weli haysa
Waa waxay la dabandeebayaan, daqaradeediiye
Waxay dalagga beeraha la qodan, waa dagaagnimo’e
Damal Aboodi Deyr iyo Afmeer, dixida Gaaroodi
Reerahoodu maantay degeen, daawe lagu boobye
Sidii galab dawaar loogu rogey, Deleb ma maalaane
Ina-Raabbi waa tii la dilay, waana Reer Dalale
Dibi kuma sangootiyin kuwii, dahay Ugaaskiiye
Dan baa tiriye lama duudsiyeen, Dirirki dheeraaye.

Aniguba dubkaan uga nixiyo, diirka oogada’e
Ma damqado’e kii dad ugu xigay, waa durduriyaaye
Ilma Dacarba duul bay indhaha, dubuq ka siiyeene
Nimankii walaalkood durqumay, kama dambaysiine
Degdegsiinyo waatay ciyoon, duqo u laayeene.
Nimaanse aabbihii danashyo dhalin, looma duurxulo’e
Dib baa looga yaabiyo inuu, kaaga sii daro’e
Dagaalkii Kilaas ugama rayn, duulki Reer Sharace
Dunta boqorka nimankii sitaye, duubi jirey shaalka
Bal muu duro waxbana yaanu dilin, doorarna u layne,
Geerida Hurraha diidey bay, darajo dhaamaane!

Afartaa sidii deleb la riday, maysu dabajoojey,
“Da’dii“ aan ka qaadiyo miyaan, “Deelka“ ka habawshay,
Ma daleeyey deelqaafku waa, kaa dilaa gabaye,
Dacwad kalena waa aniga iyo, dan iska sheeggayga;

Maansadan dad wada qoonsadaye, diradiraw qaatay
Diin run ah daliilkii sharciga, yaan ka daalacaye
Dembi inaanu iga raacahayn, wax u daliilkiiya:
Daahyaale geelii la helay, waa kan Dayr dhalaye
Duudweyn ma jiro Haamo iyo, dabo Cadaadeede
Derrin iyo afkii Daadmareer, kuma dareershaane
Dahab waa tan iyo qaalmihii, deyrcadka ahaaye,
Durmad quruxsanleeyey ma foga, Dalawadiinniiye
Dambarkiisu waydiin uraa, waana dabataane,
Iyadoo dildilihii bishiyo, dacashii haaneed leh
Oo wada dunuunucahayuu, idin dul joogaaye

Dubuxul baaba lagu sii wadaa, dararti Baarjeexe.
Afartaa sidii deleb la riday, maysu dabajoojey,
“Da’dii“ aan ka qaadiyo miyaan, “Deelka“ ka habawshay,
Ma daleeyey deelqaafku waa, kaa dilaa gabaye,
Dacwad kalena waa aniga iyo, duun u hadalkayga;

Nabsigu waa daruuraa cirkiyo, sida dabeeshaase
Dersinkii wax qaatuu la’yahay, deynki godobeede
Daa’iradu maantay waddaa, duulashii galaye
Xaqa daguugmay duunyada la dhacay, dumarka ooyaaya,
Naagaha ilmada duugayee, diilalyadu hayso
Daa’imo haddaydaan ahayn, dagay xaqiinniiye
Dagaalna waan jeclaa xaajo aad, dib ugu aydaane,
Doqonyahay ka kaca meeshan aad, dacayda laallaadin!.

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo