Gabaygii: Dekedaha berbera

Gabaygani waaa Amaan reer Caligeri uu ku amaanayo Samatar baxnaan waxuu ka sheekaynayaa taariikhdii ay ka soo galeen halgankii dheeraa ee gaalada iyo waxii la socday ay la geleen iyo sidii ay dad oo dhan uga seleliyeen gaalo iyo Soomaaliba. Wuxuu yidhi :

Wax libaaxu duurkaa galoo doqon la moodaaba
Goortii la daaruu dhegaha wax u dilaacshaaye
Daraawiishta nimankii ahaa dooxatada miidhan

Dalal iyo Ogaadeen kuwii Deero ka eryooday
Ee laga durkaye noogu yimid Doh’ iyo Gaa­roodi
Dekedahii Berbera wiilashii duhur rasaaseeyey’

Kuwii daarihii Nuur Cismaan wada daqiiqeeyey
Dab kaloo bidhaama kuwaan duni ka soo waayey
Awleba waw dareen qabay inay diillin dhiga­yaane
Dadow maqal degmiyo beel dhan bay damug ka siiyeen
e

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo