Maansada: Daris
Ideeqdaye ii dadaal
Docdadana iga adkee
Laabtada kuduug cishqiga
Dibnaha ha,ufurina ruux
Dareenkaa aayar qari
Dushaada urido xilkaa
Dagani ii muuji badan
Dumarka iga wada hormari
Dar alle iga dhawr xumaan
Dartay dhaaf oo wax badan
Wixii danbi dhacay illoow
Ku diirsoo caashaqana
Adigu darafkaaga hay
Adaa dawaday hayee
Dabiib iinoqo I jecel
Dhaxanta iga dayr waqaa
Gacalle danaheena qabo
Agtaadaan doonayaaa
Inaan jeer wada dagnee
Waliba dadab wada galnee
Miyaan dadba kula simaa
Waxaad ii tahay daryeel
Nin deeqsiya oo I jecel
Halyey iyo geesi diran
Dunida kii aan calmaday
Laabtaan kugu daabacoo
Qalbigaan darmo kuu dhigee
Kusoo durug oo lajaar
Dartaa ruux kuu ildaran
Dookhaa igu kaa daroo
Jacaylbaa igu dirqiyay
Inaan daris kula noqdee
Ahaw kaan dooni jiray