Gabaygan waxaa tiriyey Maxamed saleebaan shabbac dhalac (afwaranle)
Dagaalkii darawda 1954-1955tii
1:- Gu’gan iyo gugii sahan haddaan fiintu gii’layninMaxamed saleebaan shabbac dhalac (afwarranle)
Dagaalkii darawda 1954-1955tii
1:- Gu’gan iyo gugii sahan haddaan fiintu gii’laynin
2:- Haddaan nabadda goofkaan ku rido loogu geli waayin
3:- Go’yaal baa la qaataye haddaan qayd la kala goosan
4:- Geel baa la maalaye haddaan giiro la hor joogin
5:- Galax baa la quutaye haddaan garow la iidaaman
6:- Gaadiid cadhoole ah haddaan caynka lagu giijin
7:- Haddaan beelo wada guuri jiray gabalba meel aadin
8:- Haddii geelle maxamuud ku furo riinji garabkeeda
9:- Geedaha haddaan looga tagin goodirkiyo cawsha
10:- Gaalkacayo waatane haddaan golol la weydaaran
11:- Sidii guriga reer dhalac haddaan dumar galaayuusin
12:- Haddaan ina garaad cali la odhan gacaliyow jooji
13:- Gaaladda haddaan loola tagin yaa na kala gaadha
14:- Gobeey aabbahay noqoy Hadday nabadi guuyoowdo.”