Gabaygii:Â Daraawiishta
Dekedaha berbera Samater Baxnaan Gabaygani waaa Amaan reer Caligeri uu ku amaanayo Samatar baxnaan waxuu ka sheekaynayaa taariikhdii ay ka soo galeen halgankii dheeraa ee gaalada iyo waxii la socday ay la geleen iyo sidii ay dad oo dhan uga seleliyeen, gaalo iyo Soomaaliba. Wuxuu yidhi :
Wax libaaxu duurkaa galoo doqon la moodaaba
Goortii la daaruu dhegaha wax u dilaacshaaye
Daraawiishta nimankii ahaa dooxatada miidhan
Dalal iyo Ogaadeen kuwii Deero ka eryooday
Ee laga durkaye noogu yimid Doh’ iyo GaaÂroodi
Dekedahii Berbera wiilashii duhur rasaaseeyey’
Kuwii daarihii Nuur Cismaan wada daqiiqeeyey
Dab kaloo bidhaama kuwaan duni ka soo waayey
Awleba waw dareen qabay inay diillin dhigaÂyaane
Dadow maqal degmiyo beel dhan bay damug ka siiyeene.
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Raacdayntii: Cumar Ismaaciil Digeed