Hordhac
Waxaan ku bilaabayaa Magaca Eebbe ee Naxariistiisa guud u simay Mid Rumeyey iyo Midaan Rumeynba, Naxariistiisa gaarna u kali yeelay Rumeeyihiisa iyo Raacihiisa Suuban.
Dar-daaran waa Maanso Gaaban Laakiin Qaadis weyn waa Alfatoon ka Maansoonaysa Aqoonta.
Gaar ahaanna Khusaysa Ardeyda Dhamaysatay Wax-barashadoodii Dugsiga sare.
Maansaddani waxay ku Boorrinaysaa Ardeydaasi inay sii wataan Wax-barashadaa Curdinka ah waxa kale oo ay Maansadani Faaleyneysaa Darajada Wadankeenu ku sugan yahay Wakhtigan iyo Dabaqadaha sare ee ay marayaan Dadka ka Faa’ideystay Cilmiga Baaxadda weyn.
Dhalashada Maansadan waxaan kaga Faa’ideystay Xaflad loo qabtay Ardey ka Qalin jabisay (Qalin badalatay) Dugsigoodii sare Sanadkii 2014-Oct-12th Maalin Axada
Akhriste kaga Faa’ideystay markaan ku leeyahay Faa’iidadeydu waxay tahay ama waxaa ii Faa’iido ah Danta guud ee Bulsho weynta ku hadasha Afka Soomaaliga
Dunida meel kasta haka joogaane.
Bal aan Gudda-galno Hab-dhaca erey ee Maansada iyo Xambaarka Duluceed ee ay inoo Wadda-wado
Maansadii Dar-daraan:
Hadaad dugsi sare dhamaysay
Ha moodin inaad dabooshay
Aqoonta inaad dakeysay
Waxaa ku sugaaya door dhan
Waxaad ku jirta dariiqsan
Ha daalin intaad helayso
Dadaal waligaa dadaal
Doon doon cilmigoo dadaal
Dantaada garoo dadaal
Ogow durra iyo hadeerba
Ogow dunidaba mugeeda
Ogow darajada aduunka
Waxaa dalacoo kor gaadha
Daruusta qofkii adkeeya
Dareenka dhabtaa ku raadsha
Dayaca abidkaa ka dhowr
Duxdeeda qalbiga ku dheeh
Docdeeda u jiid naftoo
Damiirka midhkaa ku hay
Bal eeg dacalkaa bal eeg
Bal eed dacalada bal eeg
Bal eeg dunidaba bal eeg
Bal eeg dalalkaa camiran
Bal eeg daaraha ku yaal
Bal eeg dahabkiyo hantida
Bal eeg duunyada u taal
Bal eeg dariskiyo xigtada
Damaashadkiyo nimcadda
Dadkaa tagayee hormaray
Daahii mugdigay rogeen
Duntii cilmigay heleen
Waxay dorteen han-sare
Ku dayo doonoo ku dayo
Dariiqaa furan ku dayo
Inaad la dagtaan jeclahay
Tacliin dalabtaan jeclahay
Dushooda martaan jeclahay
Dayaxa gaadhaan jeclahay
Dareen adiguna sidaa
Jahligu waa dulin dhib-badan
Dahaadh mugdiyuu wataa
Duufaan oloshuu wataa
Dabayl cuduruu wataa
Daboolka runtuu wataa
Dagaal culus buu dhalaa
Dawada noloshuu gubaa
Damiirka qofkuu cunaa
Dareenka kaskuu dilaa
Daymada indhuhuu ridaa
Jahligu dabar buu wataa
Dariiqa xun buu faraa
Dibuu u ridaa qofkoo
Daleel madhanbu dhigaa
Dabuu ku shidaa kaskoo
Deyr buu ku xidha naftee
Ka durug waliga ka durug
Dilaa weeyee ka durug
Ha noqon doqqon iyo hacoo
Dabaal iyo ruux dar-daran
Damiin aan garan samaha
Dardaaran cad ban ku idhi
Dareen Ereygaan ku idhi
Dadaal waligaa dadaal
Doon doon cilmigo dadal
Dantaada garoo dadaal
Dabuub erey xulan si xalan
Daliil duluc sarre si furan
Dar-daaran ku siman si qoran
Digeed dad la jecel si togan
Daneeya dir rabba si muddan
Dooxiisa u dhurro si taban
Daymoo ka daldalo sad wacan
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed