Gabaygii: Dan
halkan waxaad ku arki doona inuu ka hanjabay dhiirigelintoodii uu rabana inuu faraha kala baxo wuxu-sheeggooda mar hadii colaad waxaan ahayn aanu ka korodhasan.cali dhuux wuxuu yidhi:
Dan u baxay Ogaadeen hadduu, duudsi qaayibaye
Dirirsiiyey diidana inay, duul ka nixiyaane
Anigii dagaallaminahayey, igu dabreeyeene
Duullaanna way soo baxsheen, sida Daraawiishe.
Daabaca raggaa lagu dhuftee, daabka lagu jiiday
Daabaqad wajiga baw hadhiyo, diillin aan go’ine,
Ma iyagaan dadkii ahayn iyo, duuddi Nebi Aadan!
Iyaguba dab iyo waa sitaan, damaq rasaaseede
Dumbuqooda liishaanka daran, daalib ma ahayne
Dawadiisu waxay saaran tahay, daacad loo rido’e
Waase wuxu isaga daadsan yahay, doocna garanayne.
Dowdii ha darandoorriyeen, hana dagaajeene
Dushana hawgu soo dhaamiyaan, dumarku haantiiye
Dabinkii xumaa iyo sibraar, ha isku duubteene
Dugsi dhaxan leh haw yuururaan, diilalyiyo ciile
Intay dacalo waaweyn dhigaan, dalag ha beerteene.
Mar haddaanay daaqayn Walwaal, nimanku dooggeeda
Oo dibinta saarayn Wardheer, loona dacareeyay
Danwadaag iyaba waannu nahay, downa wada naalle,
Bal Iiddoor maxaa igu diroon, Doollo ugu sheegan.
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed