Gabayga: Dakano

Caynaboow tixdaad soo dirtee, daabacayeed keentay.
Suugaan Alla Daayinkii, darajo kuu siiye.
Hadase kaa dabayl raac inaad, marisay daadayse.
Hadaan deyay dubuubtaadu waa, doonashiyo maage.
Duca-qabe halkaan doonayiyo, dowgii maad marine.
Imana deeqdo maansadu hadey, sidato deelqaafe.
Nimankaa dubuhu kaaga dhacay, inaan difaacaayo.
Dareenkaaga yey gelin inaan doosin, raac ahaye.

Dagmadaa garoowaa intaa, dumarka loo biilo.
Ha ii filin Abwaan dano ku qaba, dowladaa bari.
Waxaanse adiga kaa diiday baan, kuu dulmarayaaye.
Inaga daatadeeniyo wixii, diifta nagu reebay.
Iyo dakharo muuqaa iyo dhibkii, dad ina gaadhsiiyay.
Deegaankeena maqan maamulkii, duudsiyee bixiyay.
Dakanii dhulbahantee la galay, kaama daadagine.
Gabaygana kumaad darin, wixii dayn lagaa qabay.
Waa daba-mar dulucdaada iyo, deelka maansaduye.

Dani inaad duqayso iyo budlaan, danno ka waydoobay.
Doolaalo weeyaan waxaad ,ugu dumaysaaye.
Dakadihii haduu niman ka gaday, diracyo waa waynle.
Ama daanta nayroob tagoo, dubay ka sii aaday.
Ama kuwii doortay iyo, dumiyay raaskiisa.
Hadii uu dulmiyey reer tolkii, ama difeeteeyay.
Hadii uu daryeeliyo haduu, kala diroo laayo.
Kuumay dacwoonine iyagoo ul iyo diirkeeda.
Dadka uu xukumo way rabaan, mana duraayaane.
Ma adigaa damiin ka ah, maxaad ugu dilaamaysay.
Adigoo dantaadii luntaad, daaya qaatahaye.

Afartaa diyaar shaye miyaan, dali dhacaysiiyay.
Sidii dirirka roob iyo cirkoo, da’aya mow hoorshey.
Da’da mowgu dhigay dhowr, sanuu igu daguugnaaye.
Runtana waan u dagayaa, anoon dalab u yeelayne.
Dariskeeda maqal qayb kalaan, kuugu darayaaye.

Hadii uu dunuub kaa galiyo, doog aad tabanyso.
Duruuf adiga kuu gaar ahbaad, ugu lahayd dow’e.
Ninkii dhalada daartaa galee, damalka tuurayay.
Iyo Adiga sidaan kuu daniyay, wax isma doorshaane.
Adoo taadi daayacan tahaad, dad u hadlaysaaye.
Dalkeenaa la haystay ahayd, Inaad ka doodaaye.
Nin tiisii danbeeda martaad, uggu dudaysaaye.

Wadaadkii naloo soo diree, diiqda naga gooyay.
Diin nama baraynine ninkii, noogu yimi doolka.
Waagii daraawiish siduu, noogu xidhay duubka.
Inagaa ilaa dura nin kale, daafac u ahayne.
Duxna kama macaashnee, hungaan kala dareernaye.
Waa waxa darbada noogu wacan, dowga guul-wade’e
Rabaase naga dawayn doona, waa shay na daashaday.

Afartaa diyaar shaye miyaan, dali dhacaysiiyay.
Sidii dirirka roob iyo cirkoo, da’aya mow hoorshey.
Da’da mowgu dhigay dhowr, sanuu igu daguugnaaye.
Runtana waan u dagayaa, anoon dalab u yeelayne.
Darsinkeeda maqal qayb kalaan, kuugu darayaaye.

Majeerteen hal loo daayaybay, rag ugu dayrsheene.
Dibin daabyo lala naafto, oo daran ha keeneene.
Nimacadana ha daadsheen, markay dararto maandeeqe.
Daawana ha soo wada dhigteen, duulka gaalada’e
Nina uma dur baan tumin, intay dunida joogeene.
Dushanna lagama maamulin, sidii daa’imiyo xaase.
Dareen baa ku laabudan, inay dad u sareeyaane.
In kastooy inoo daran yihiin, magacna duugoobay.
Ama ay tolnimadii dileen uma deddaalaane.
Dabandeebka sool iyo goledan, diiratada joogta.
Iyagaa dugaag noo kadiyo, dabato iidoore.
Inkastooy daleel ina dhigeen, daala ina gaadhay.
Ogoobay dugsay noo yihiin, darisna weeyaane.

Dadbay noo xigaan, haybna waa laysu dilayaaye.
Dubkaa noo xanuusada wixii, daara abidkoode.
Cadowna kuma darbaynoo, waxnoo diidayaa jira.
Haku dayanin siday doorbidaan, waa ka durugnaaye.

Daraadood ninkuu ciil qaboo, dibinta ruugaaya.
Oon kuugu diir nixin midii, dihatay ee keentay.
How duleedin duul kaa fogiyo, daalin kuu cola’e
Hana ku doorshan daarood kaliyo, dir iyo sheekhaale.

Afartaa diyaar shaye miyaan, dali dhacaysiiyay.
Sidii dirirka roob iyo cirkoo, da’aya mow hoorshey.
Da’da mowgu dhigay dhowr, sanuu igu daguugnaaye.
Runtana waan u dagayaa, anoon dalab u yeelayne.
Darsinkeeda maqal qayb kalaan, kuugu darayaaye.

Hadii uu dabkaa xamar kabaxay, dogobo sii saaray.
Ama uu diiday farmaajo oo, dabar la goobaayo.
Dowlado shisheeye iyo haduu, guluf ku daaduunsho.
Ama uu dagaal adag la galay, doonyo iyo weerar.
Anigu waa ku diirsaday inuu, dirir ku qaadaaye.
Danbiga iyo eeduu ka galay, dagaladaan joognay.
Dafiraadii khaatumo markay, dahabo weydiisay.
Diiwaanka waa loogu dhigay, daano godobeede.
Ruuxii damiir lihi ninkaa, uma dulqaadteene.
Adigayse kaa daahantahay, diilintuu dhigaye.

Daarta inuu ka rido buu colkiyo, duulanka u humaye.
Marka uu ka dago ee kursiga, laga diree dhaafo.
Darin uu fadhiistuu rabaa, dayrtan maanta ahe.
Ama uu miduu soo dirsaday dabaqa saaraa.

Dadkuna maqalyey labadooda qolo, daawo malahayne.
Dowladii Rashiid laga dilay, dib u coloobeene.
Kuwanoo dumaal doonayay, duhur ka qaadeene.
Iyaguna ma daynine cariga, geliye duulaane.
Dalkana waayagii gubay intay, xabashi doonteene.
Kuwo diilalyiyo tows qabee, dibad falaagoobay.
Waa waliba qaar ka daray, gooni doon ahiye.

Dadkuna wadda burburi, gobal kastanna wa daqiiqeye.
Lamana daminin digadii baxdiyo, damashii oognayde.
Inagoo dayowniyo in yaroo, dalaca mooyaane.
Reerba daarad gaaruu dhistiyo, dowlad gooniya’e.
Ninba maro daliigo leh ku xidhay meel dushiisa ahe.
Dasruuna malaha xeer loo dejiyo, daaya nabadeede.
Dabiibna looma helin walina waa ,sii darasanaysaaye.
Dadna kuma heshiinine wataa, laysku dirayaaye.
Ilaa qaran la daawado Ilaah, dib ugu nooleeyo.
Madaxwayne diin lihi, halyeey daacadi ihi fuulo.
Oo daliilka Eebiyo sharciga , duminin oo raaco.
Dalkana wada hantiyo saylaciyo, darafyadii waamo.
Kii maqasha daayacay intay geel u diranayso.
Haku daalin faras deegaybay, daba ku faysaaye.

Afartaa diyaar shaye miyaan, dali dhacaysiiyay.
Sidii dirirka roob iyo cirkoo, da’aya mow hoorshey.
Da’da mowgu dhigay dhowr, sanuu igu daguugnaaye.
Runtana waan u dagayaa, anoon dalab u yeelayne.
Darsinkeeda maqal qayb kalaan, kuugu darayaaye.

Inagays dulminay cadowna, waa ina duljoogaaye.
Qoys diirka coloobayba maraa, laga danaystaaye.
Waa lagu durduriyaa qabiil, dagan la naafeeye.
Iskaba daa col soo duula oo, dega dholkoodiiye.
Dumarna waa ka goostaa haduu, dayn kuleeyahaye.

Dowladna maaha reerkii hantiyay, dalawadeeniiye.
Dargana waynay maal inagoo, dad ugu xoog wayne.
Dablaydaa Isaaq waysniqiin, dil iyo taariikhe.
Kuwo hub ugu deeqa iyo danlay halisa mooyaane.
Gurmad nooma soo dirin waqood, cidaha daaroode.
Inagaaba deyr uga ahayn, duxushka iidoore.
Iyagoo sifaha laysu dilay, daqankeed keenay.
Dhaaxuu dagaal ina dhex maray, diilin baas ihiye.
Dulkana loogu rogay saanaday, danab ku sheegeene.
Oo sida dureemada la wadhay, durug lahoodiiye.
In kastooy dagaal yahan yihiin, dirira taagtooda.
Diirimaha ka badan goob intay, kabaha daadsheene.
Oo dad aaga fiigoo baxsaday, erinay daaq geele.
Iyanna daahir waw garanayaan, dakhardeeniiye.
Maahmaah da’ waynbay dadkii hore yidhaahdeene.
Rag damaaciyo waxaa u wedda, dacar ku raagtaaye.
Dooxyada nugaal godan mudey, darin ku jiifeene.
Kuwii noo deldelay waa tay kol qudha naga dareerene.
Marna noogamay digin waxay dabino aaseene.
Hadaan barri dilaal nooga iman, damac ma keeneene.
Alaylehe budlaan nagaga daran, duqii ogaadeene.
Hadii aan waraabahan dibjiray, delebta loo loogin.
Ama mayd duleedada la wadhay, guranin duurjoogtu.
Amaan dhiig durdurin baan snm, dib uga laabnayn.
Allaha Daayinkaa baa midnimo inagu daawayne.
Iyanna jeedal laga daayay bay naga dalbaayaane.
Markaan warankii deylnaa sidii, deero ugu layno.
Ee laba daan ka ridnoo, soodhku dalamleeyo.
Isku daahi maynoo baqay, kaga dawaarayne.
Markaasay hal degi jireen, daabada u rarane.
Degdeg noogu soo noqo talaan, dib galaynaaye.

Murtiyosuugaan

Qalinkii Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo