Xirsiyow dadkii waxaan ku nacay ,waa damiinnimo e
Wuxuuba waan dufulo waalan aan, doocna garanayne
Dawadooda meeshay ka heli, deyiba maayaane

Doqonniina keliyey u lumi, nimanka Daaroode
Waa niman ibleys duufsadee, dow ka dhaadhiciye
Waa niman Ilaahay ka dedey, labada Daaroode

Waa niman dariiqada Alliyo, diinta caasiyaye
Waa niman shareecada dulmiyey, iyo Daraawiishe
Waa niman digniin aan ka qabin, dabaqi naareede

Waa niman darxumo kaaga iman, deeqii loo galo e
Waa niman dalaadaha ku qubi, derejadoodiiye
Waa niman dad kale raacayoo, deyr ka dhaadhiciye

Waa niman dibadduu bexee, sii dabayshadaye
Waa niman canjeelkii dorraad, daawadii furaye
Waa niman qalbigu diiq yehee, doorsanoo falane

Waa niman dubaaqoodu yahay, inay dareeraane
Waa niman dagaalkii kufriga, iigu duurxuliye
Waa niman aan lala doonahayn, dux iyo liibaane

Waa niman habaar loo dujee, duco ka beydhaaye
Waa daallimiin lagu hurshaa, dab iyo baaruudee
Waa niman dad iyo maal Ilaah, dumug ka siiyaaye

Waa nimanka dacaygii ku jiray, daaldhaha ahaaye
Waa nimanka Deylkii hormaray, dabada dhuubnaaye

Waa niman sidii dumar haween, muranka daynayne


Waa nimanka doobbiga noqdeen, duud xammaalka ahe
Waa nimanka doofarka qalan, doog iyo abaare

Waa niman digniin aan ka qabo, duq iyo waayeele


Waa niman dareen iga galaan, deyrka meersadaye
Waa nimanka daacuun jaryow, diley Ikhwaankiiye

Waa niman aan dib u fiirinayn, duug waxay noqone


Waa niman danbaabaan waqood, daahir noqonayne
Waa niman dafiray oo ka tegey, daacadda Illaahe

Waa niman dillaalkay cuneen, deyn ka buuxsadaye


Dibindaabyo waa niman wax badan, ila dul jeerraaye
Waa niman dakanadaydii qabaan, duudsi noqonayne

Maandhoow nin ciil dilahayoo,duuban baan ahaye 


Dadabtii la ii dhigay ma galo, toban diraacoode
Waxa diifta ii yeelay waa, cadho daraaddeede

Haddii doobka caano ah iyo karuur, dacalka lay saaro


Haddii darib la ii soo dhigiyo, duqus la geedeeyey
Dibnahayga soor uma furoo, waa diqaysnahaye

Soomalidii baan u dudi, daadufka ahayde


Waxaan daabacuu rabinayaa, dabadkii Iidoore
Dul-ku-neefle oo idilu way, daalibahayaane
Ha yeeshee dubbaha waxaan la sugi, Doofil iyo Giibe

Waxaan duullaanka u bixinyaa, duulka Reer Dalale
Daa’ira san baan sugahayaa, dayrtan dabadeede…


Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo