Gabaygii: Dacawo


Maansadan dacwo waxa ay jawaab u ahayd haddal kasoo yeeray Raisal wasaaraha Dawladda ku meelgaarka ah ee Soomaliya Cali Maxamed Geeddi mar BBC-da laanteeda afka Soomaaliga lagu waraysanaayay ayuu waxa uu hadalkaas ku yiri cid soomaali ah oo lagumaystaa ma jidho walaalahayaga Ogaadeenya iyo kuwa NFD-ba ayaga ayaa doortay dadka ay la nool yihiin waana dad dariskeenna ah oo xushmad naga mudan cidna ma gumaysato!! Ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi. Arrintaas oo dad badan ka caraysiisay ayuu Maxamed Ghagaafe asaga oo dacwo ah tixdaan u diray Madaxweyanaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed.

Inkastoonan deelleey
Marka damacu ii galo
Diif iyo dhibaatiyo
Aanan daal kamudanoon
Sida geel darloo dhigay
Wiilal doora shubayaan
Aan dardaro wadaantoon
Daadwararac kaga dhigo
Misna kuma dagdago oo
Madeysaa anoo laan
Hadba daalacdaayoo
Daymada ku eeggaa
Xaajo aan ladayn karin
Dagdag baan u doontaa
Qalikiyo dawaaddoo
Dabadeed dantaydaan
Daaha kaga iftiinshaa.!
Afartaas cirda`ay iyo
Doog iyo xareed waran
Arar diiran weeyaan
Afarkalana doorkaan
Dareenkii ikiciyiyo
Dantii gabayga weeyaan!

Damac lala xishoodiyo
Warku daah ku wacanaa
Hadalkaan duxfiicnayn
Dadku kugu ammaanayn
Ka daldoorso roonaa!
Ninna door hadduu yahay
Ama duub u xidhan yahay
Dagdag kuma habboonee
Dib u fiirso wacanaa!

Maah maah da’waynbaa
Duul hore wuxuu yiri
Dherigaan dabool culus
Dusha uga hadeysneyn
Dhakhso daadi fuudkiis.

Duni yaabab badaneey
Duhurka iyo fiidkaad
Midba xaal ladaris tahay!

Doog iyo Abaar laay
Dib jir iyo nin maal laay
Deeqsi iyo bakhayl laay
Doqon aan xil gudan iyo
Daacad iyo kidaab laay
Nabad iyo dagaal laay
Markii xaalku doorsamo
Xabbad la isku dabar jaro
Abwaan doona nabaddoo
U damqada dadkiisiyo
Mid dagaal ka huriyoo
Shar u duuban leeyeey!!

Intaan daa`in abid jiro
Waxa xumo dushaadiyo
Mindhaa dacar ma fiiqsado
Waana kaa dig toonahay!!

Afartaas kadaba tuur
Arartii daboolleyd
Ka dag awrka diihaal
Darantiyo ugbaad kiyo
Daaculaha ha daaqee!!
Ku`duw kaynta dadarta le.!!

Haddii geel dibood yahay
Kuray laguma daayoo
Diihaalka oonkiyo
Diyowgaa u halisee
Dalkeennii lahaystiyo
Dadkeennii la duud siyay
Nin kaan doorka moodnoo
Shalay duubka loo xiray
Hadduu dayrshay oo yiri
Duulkaas xorweeyaan
Dariskeena weeyaan
Ayagaana door biday
Dadka ay la joogaan!!

In difeeto gaadhiyo
Duudsina warkiis daa!
Anna doorka maantaya
Waxba dood kamaan qabo
Caku darajadiisee
Dadkiisii ma eedeen?!!
Yaannu uga dacwoonaa
Ninkii duubi gii iyo
Daqaydiiba feentaa
Lagga loogu darayaa
Dul mi iyo dhib badanaa!

Hadduu dogob harleeyahay
Dadku ugama leexdeen
Daraciyo quraan yada
Waxaan uga danleeyahay
In Amxaarro daran tahay
Dad inoogu neceb tahay
Waa tii doraadtaba
Qabri-daharre lagu dilay
Dumarkiyo ciyaallada!!

Iney Kenya digif tahay
Dadkeennii xasuuqeen
Ninka diiddan oo yiri
Wax dukheeyay lama arag
Yaannu uga dacwoonnaa?
Duqii aaway ina Yeey?

Hadduu diiday waa hore
In Goldogob Amxaar dago
Muu ka diiro maantana
Mise ruux dantiis helay
Dad kaleeto uma naxo?!!

Ninka yiri maddiidani
Kuwa doc isku taagiyo
Doonaaya goosmada
Dunidaan aqoon sane
Haddii dowlad loo qiro
Waxba dooda kama qabo!!
War yaan uga dacwoonaa?
Duqii aaway ina Yeey
Geeddi ina ka daayoo
Rag dareen wadani loo
Uusan dowrin maankiyo
Aynu duubno odayaal
Darsa xaaladdaha jira
Ama duubka noo dhigga
Aannu duul damqaayiyo
Dad aqoonle saarnee…

Kaydintii: Murtiyosuugaan

Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo