Gabaygii:dabuubtaada gabay

Xirsiyoow dabuubtaada gabay, deexsigiyo faanka
Deelqaafka caydaad duntiyo, dacar higoodkaaga
Dacdaad qooshtay duulaan afxumo, soo dal marintaada
Dadnimiyo aqoon diin leh iyo, daacadnimo aadmi
Umad darajo kaa badan Xirsoow, cay ku dabandeebka
Dabcigiina weeyiyo waxaad, dir u lahaydeene

Doogtiisa ruuxii is ogi, hayb ma daakhilo e
Dun xumaanta aad leedihiin, dihashidii hooyo
Iyo duridda tiina ah haddaad, dhab u dareemayso
Waligaaba duul kale afxumo, kulama diideene
Dabno been ku waynaaday baan, run u dalaabayne
Dulmi furihii adigaa noqdoo, daaray salafkiiye
Haku dubato adaa soo dalboo soo, durbaan tumay e

Duni horre wax laga soo tagoo, daawo laga yeeshay
Dib usoo qufkaagiyo halkaad, dooxi nabarkeeda
Waxaad uga danleedahaan ka garan, diirka oogada e
Iidoor haddaanu is dilnoo, duunyo kala qaadno
Dad walaalo ah baa nahay ilaa, duudki nabigiiye
Daris baan wadaagnaa duda iyo, doh iyo ceelkeed e
Dirir nagu fogaataana jirrin, nabar dilaaciise
Haddii aan is dayniyo haddaan, nabad dalaynaaba
Dantanada maxaa kaa galood, ugu dul meeraysan?
Yaa daano horre baadh ku yidhi, daalin yahoow wayni?
Ma anagaa dacwiyo kuula nimid, xaajo daba dher leh?
Ma adaa damiin noo ahaa, daadka naga moosa?
Waa maxay daboolkaad rogtiyo, dakanadaad faagi?
Dulanyahoow, dillaal yahoow, waxyahoow boqolka diimood leh
Durrayahoow, duqaanyahoow la mid ah, duumo cudurkeeda
Dab aad ololisaad doonaysaa, duul aad galisaaye
Dabakeena waa lagu yaqaan, dacar higoodkaase
Gobta daristay reeraha dul iyo, dooxa wada yaala
Dabnahaaga how celin mar kale, kaa dun fiicanin e

Waxaad tahay dar Eebahay mid aan, abid ku daaqayn e
Dowliskii aad qabateen marbaad, abidkiin doontaane
Dadaabaha markaad haysay eed, dararta nuugaysay
Danbarkeeda kaligaa markaad, daraysay weelkaaga
Sii durugsadii eede iyo, damac xumaantiiye
Dudun dheer hadaad fuusho ood, duubab soo xidhato
Ama aad daruuraha tagtiyo, dayaxa guudkiisa
Ama aad is kala daadisood, darin is laalaabto
Dib in aad u aragtaan ha sugin, dalawo naaskeed e

Ninka duunyadii uu dhaqiyo, daylo bahal raacshay
Iyo kii dadkaa aaminaa, wax isma doorshaane
Dub Islaam in aydaan lahayn, diinna ku adeegan
Ood dufusha eygiyo siddii, harago doofaarka
Aydaan u daahirin waqiin, dirir kastoo hoorra
Daba joognimada gaalka iyo, darin la jiifkaaga
Yaa u noqon daliil muuqda oo, loox ku daabacan e

Dibad baxa dabayshiyo wakhtiga, daalka wada gaadhay
Daroodna adigoow lahaa, diifta uu qabo e
Sharaftoodi adigaa dunshoo, dhigay daleeshaase
Markaad dabino qoolayso baad, magaca doontaaye
Mar unbayna siddaan kuu daldalay, dayro kaa dhigiye
Ooy dabamaryeyntiyo sirtaad, dadi arkaayaane
Dab kulmisna intay kugu xidhaan, daaqad kaa bixin e
Ooy sidda Darwiishkii oo kale, kaa dildilin buur e
Kuna odhan markaad duudahiyo, dooxyo badan jeexdo
Daanyeerku meel uusan korin, danni ma jeexsiisay

Afartaa dubihii aan la dhacay, Daaman Yicisleey dheh
Dabakeenkii soo faantamee, cayda dabandeebay
Ma duldhigay gantaal duuban iyo, danab hilaacaaya
Docda kalana wali hayska damin, door dhan baa hadhay e
Dab lashiday daluun olol ah iyo, dhamacda oo daadaan
Ninka yidhi dareemiyo ma gubbo, daaqa iyo cowska
Iyo adigu doodaad Xirsoow, daabacdeed dhahayso
Duunyadii Ogaadeenka oo, lagu dabraynaayo
Dusha Biibi annaa caymiyoo, daaya idhi geella
Labaduba danbaab kama fogiyo, been ku duruggeed e
Nin difaacda tiisaa ku kale, xoog usoo dirra e
Duunyaba nin laga dhaariyey oo, dhaqan digaag baal leh
Ma daayeen nin dagan oos og yahay, dumasho mooyaane
Nafbaa diiday oo kula didaye, damac ma dhaafteene
Bal intaadse duri dhaawacay, kaagi baa dilan e
Adigaaba doog weyn qabiyo, nabar duleelkiise
Uus Fadhanfadh diirani ku sudhay, mici daboolayde
Diktoorana u baahdiyo, inaa lagu dabiibaaye
Inta aad dadaal caafimaad, igu daryeelayso
Dabadaada maad dhayatidood, adigu is daawaysid?

Kaydintii: Murtiyosuugaan

Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo