Gabay: Dabuub


Allaha u naxariistee gabaygan waxaa Tiriyey Qamaan Bulxan, markiiba Cali-Dhuux gabaygiisii ayaa carrada ku fiday. Waxaa soo jawaabay Qamaan Bulxan oo ahaa nin ay cali dhuux is hadal iyo gabayba yaqaaniin Qamaan maansadiisan dhinac wuxuu u riyaaqayaa gabayga calidhuux, dhinac wuxuu sheegayaa in Cali iyo dhulbahante !” yihiin kuwii waxyeelloyinka ugu waaweynaa gaarsiiyeen Qamaan wuxuu yidhi:-

Caliyow dabuubtaada gabay, Daa’inkaa wadaye
Dabaylaha xagaagii dhaciyo, daafigaa sidaye
Noo dooji dooggiyo sidii, Dirirka Cawleede
Diirkiyo laftuu xulay hadduu, hadal wax daawayne
Dadkana uma sinnee reer tolkay, dacar ku nooleeye.
Anna waa ku diirsaday Ilaah, derajo siiyoowe
Daaraan garbaha qoon ku laad, damaqday Dhuuxoowe
Dibirrooti buu dhacay raggaad, dabaqadayseene
Waa gobol dillaacid iyo ciil, dibinta ruugaaya
Iyo gobol runduda oo fadhiya, dagagga weeyaane
Dib u joogso waan kula dacwiyi, doodna waan celine!

Dab baad ololisaa kumana gubo, daayin abidkaaye
Intaad dogob shiddaa baad taqaan, diradirayn jaane
Daaskaad fadhido sow gubee, degelka qiiqaabi!
Haddayse daacad xaajadu tahaan, lagu dambaabaynnin
Dambaaburada Naareed haddaan, dhinacu dooneynnin
War seeddow maxaad noogu digan, daqarku waa kiinne?
Goormeyse degmadu noo miirin, dawgal baa jira’e?

Dardarsiga danaasaca la mood, dowr inaan ahaye
Is dalleemintaydaa ninkii, dagani eedaaye
Dubbihii ku dhacay dhinac Barwaaq, degi ad maysaane
Daadduunka cayreed raggaa, dibadda meeraaya
Docmo iyo Hartaa lagu ogaa, dalawadoodiiye
Cali-Geriga Daadhiin shalay, naga durduurteene
Waa kaa darfiyey caanihii, Dagiyo Heemaale.
Anna waxaan dibbiray waa dagaag, deyro soo xulaye
Nimay gacantu daabbulo tiqiin, deri hadduu daayo
Oo yare dalleensado intii, docosan loo yeelo
Damban maayo waagay xubnuhu, yare dubaaxshaane
Inaad daysid beel dagan adaan, dani ku seeteynnin,
Dabcigeedba yaa kugu ogaa, digasho mooyaane?

Hadday debecdo waw hiilisaa, doqon walaalkeede
Diiftiyo ushay garan intaad, dayada haysaane,
Dunna haddaadan ii tarin maxaad, iigu dano sheegan?
Duunyada fardood maalintaad, Deleb ku qaadaysay
Sidii duul Amxaaro ah markaad, nagu dabraynaysay
Intaad haatan ii labaddiblayn, muu damqado jiirku?
Daarood Ismaaciil ahaan, hilibku muu diiro?

Daabaca ninkii kugu dhuftee, daabka kuu celiyey
Iyo kii “duleedshaay!“ ku yidhi, wax isma doorshaane,
Dakanadayda yaa kaa xigaad, igu danayn haatan?

Aar soo dibjiray neef hadduu, daacuftii geliyo
Oo kaga digsiiyoo ilkaha, dhiigga kaga daadsho

Aday dilaye goormuu Isaaq, Doollo iga qaaday?
Maxaa libinta Daarood lahaa, Dabacayuun siiyey?

Hadday Dubuxul uga heesayaan, dacarna waan siine
Ma wayse haatan daab iyo ul, kaga cabbaan dawlis?
Bulsho Daalis oo dibi dhaloon, loo dambarineynnin
Oo kii lahaa diiday bay, sidigtu doontaaye
Kuwaan derisnay Dooxeer haddaan, sebenka daadduunsho,
Waxa adiga duug kaaga noqon, yeyga degi waayay!
Gabdhaha doonnan dadabtaan dhisniyo, xidid dariiqaynta
Kuwaan dahannay diricay dhaleen, waa dareemada’e
Muslinka haygu didin yaan Iblays, dowyo kaa ridine!
Darka jabay dullaalkiyo dhulkuu, dadabku meeraayo
Deeqaa Ilaahay halkuu, xuliyey daadkiisa
War ii daa dugaag iyo Hartay, igaga deyraane!

Iiddoorse Dir weeyee hadduu, duullan soo bixiyo
Dunji Habar Magaadluhu hadduu, dabarka soo gooyo
Dunbuq iyo rasaastana hadduu, Debecsanow siiyo,
Horta yaa la da’a wayla yaab, dawyadaad mariye?

Ogaadeen ka daan iyo ka daan, Doollo soo gudubye
Diinkaan akhriyey way imaan, Dooy raggii jiraye
Dunji maalintaa waxaad qabtaan, waan u daahirine
Ma dammaniye daynkayga waa, dabaggelaayaaye

Idinkuba darkii Caynabaad, deris ku taalliine,
Dagaallama rag doorkii la laa, duubcaddii Hagare!
Ama na daaya waa wada qabnaa, daawashiyo ceebe!

Caliyow da’daan ahay waqaa, looma duurxulo’e
Duq gaboobey iyo wiil yar baa, loo dedaa hadale
Diirkaan ka garan xaajadaad, dabaqa saarteene
Ma dumaalo naaguhu ninkay, nolol ku dayrshaane
Dayib uma yiraahdaan jeeroo, hawli daashado’e
Nin walaalki doorsaday Ilaah, derejo siin waaye
Dalkaad Ina-Adeerkaa dhigtaad, weli degeysaaye.
Baadida nin baa kula daydaya, daalna kaa badane
Aan doonihayn inaad heshaa, daa’in abidkaaye
Dadkuna moodi duul wada dhashaan, wax u dahsoonayne
Dallo ma laha Aakhiro haddii, loo kitaab dayo’e.
Dullaal iyo mallaal wuxuba waa, Carabta deyntoode
Dibnihiinna uun baan galoo, way duddubiseene,
Allay diliye Iiddoor adaa, iiga sii darane!
.

Kaydintii: Muriyosuugaan

Raacdayntii & Tafatirkii: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo