Ismaaciil Mire waxa uu gabaygan kaga hadlayaa isbeddelka bulshada ku dhacay, isagoo dareenkiisa kaga warramaya dhaqangeddoonka dadka, kadib markii uu arkay naxariis-darrada, xishood-la’aanta, burburka qoyska iwm oo ummadda ku dhex faafaya Ismaaciil waxa uu yiri:
Dadka wada dhashay een lahayn, diirnax iyo xeebad
Labada uurka soo dabataye, daacad kala wayday
Daayimow maxaa xigi adduun dabadii weeyaane!
Daaraha kiraysane gabdhaha lagu dembaysiiyo
Oo biilka laga doonayaa waa darxumo wayne
Daayimow maxaa xigi adduun dabadii weeyaane!
Darmaanaha waraabaha digliyo daalacay haadka
Dameeraha la bari siinayiyo diiftan Xamar qaayib
Daayimow maxaa xigi adduun dabadi weeyaane!
Naagahan dafiray kii qabee diiday gurigooda
Oo wada dareerayee nin kale doontay lacagtiisa
Daayimow maxaa xigi adduun dabadii weeyaane
Qarshigaan dirsaday saaka ee dooc i tari waayey
Ee duubka neef ariya iyo daasad bixi waayey
Daayimow maxaa xigi adduun dabadi weeyaane
Hadday dunidu khayr leedahay oo la isu daynaayo
Dadkii Xaawo laga uumay iyo duudkii Nebi Aadan
Derajada kuwii loo dhalaan laga dereersheene
Seben-aakhir inuu daahir yahay suurna daba joogo
Doqon iyo ninkii nacasa iyo daaldhaan garane
Cadaabaha dabkoodiyo Allow naar ha nagu daadin
Dhammaad.
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed