- Taladan Illaah kugu duweyn waa lagaa dadiye
- Waanu kaa daboolaan cagliga diiraddaa lumiye
- Dareenkaagu meel aanu rabin buu ka dubuq siine
- Didmo saaran baad yeelan iyo bayr ma daasho ahe
- Dadkana waxaad u neceb tahay qofkii kuu dansheega ahe
- Diinkii waxaan nahay hilbuhu dibad ka yaaleene
- Ee habar-dugaagu u tashaday inay daliigaane
- Haddana Daa’im amarkiisa weyn saanta loo diraye
- Siyaasadii duqowday een lahayn dux iyo iimaanka
- Ee tan iyo daakhili jirtay ee dubatay Soomaali
- Een dunida meel raacsanayn dacati mooyaane
- Sida idaha daydayo sharcigii dacalka loo saaray
- Dillaal iyo mallaaloobay ee wada dar-leefoobay
- Ee sun iyo boog daacay ee waliba ciin daaqay
- Dulleeddada ku meeraystay een dibadda gaadhaynin
- Daacadow haddaad aragto waa inaydun diiddaane
- Isku dire abwaankii ahaa dab iyo baasiinka
- Ee noo ducee laga la’a yahay dirira mooyaane
- Ee qoray diiwaankii ahaa duma collaad raagta
- Daacadoow haddad aragto waa inaydun diiddaane
- Tacliintii dibiro-weyn kuwii doontay jaamiciga
- Aqoontii kaddara iyo kuwii gabadha sii daystay
- Daacadoow haddad aragto waa inaydun diiddaane
- Mustarkii dilaaliga ahaa deyn bangiga qaate
- Dukaan iyo macdaar suuqa iyo done iyo keene
- Markabkii kolkuu soo dagaba aan dadku arkaynin
- Dekeddii wasiir iyo ku-xige uu daldalay raashin
- Bakhaarlihii dan gaarlaha ahaa duuge iyo aase
- Canshuurtii dulsaar badan ahayd daallun xeradiisa
- Daacadoow haddad aragto waa inaydun diiddaane
- Ila-tahayda kuwa soo diree aan dalkaba joogin
- Een dagalkan bara-kacay ogayn siduu u daadduumay
- Ee carabka dalabta leh wargeyska ugu deeqaaya
- Ee daar rag kale seexday een diilalyaba haynin
- Ee doolarkii ay cuneen laysu daba joogo
- Daacadoow haddad aragto waa inaydun diiddaane
- Waligii ma daahiro askari waa damiin falane
- Waanu kaba ducaystaa qofkii dinta caabuda e
- Dunidu maamul uma dhiibato iyo meel dad joogaba e
- Dibaddaa la geeyaa cidlaa lagu dugaalaye
- Derbi adag haddaan lagu xaniban daaha soo fuaraye
- Xakame yaa daqlaha loo dhigaa lagu daweeyaaye
- Wuxuu dalaayad ugu boodayaa waa dagaal gale e
- In la dilo inuu dilo ayaa loo diyaarsaday e
- Mana dallaco haddaan faraha dhiig uga dureerayne
- Daacadoow haddad aragto waa inaydun diiddaane
- Haddiisan aan dadweynahan arkay oon dul iyo hoos eegay
- Waa adhi dareera oo qoryo loo dhiiga daadsade e
- Darkaa lagu adkaystaa sidii dhoobo daayac ahe
- Orod soo dil baa lagu yidhaa kii dadka u xigaye
- Waa wada damane iyo ma oge aan cidi danaynayne
- Daacadoow haddad aragto waa inaydun diiddaane
- Ina Suldaan daliilkuu lahaa waxaa daliilkii ah
- Quluubtiisa waxa daaranayd daaya waa qolo e
- Aniga oo godkuu degi jiriyo deelka buuxinaya
- Bal haddana waxaan damacsanahay maan dadka u sheego
- Ogaadeenka Doollood hadduu Cadale soo daaqo
- Ama ay Abgaal soo degaan Daakhatiyo Faafan
- Oo ay Ma-uruursade damcaan Herar duleedkeeda
- Dadka Sheekh Isxaaq dhalay hadduu webiga daan qaado
- Dila iyo Nugaal Bari haddaan deris walaaleeyo
- Docmo iyo hadday Laas Qoran Zeylac wada daaqdo
- Diri Dhabo Godey iyo Jigjiga samo u daaweeyo
- Dulcad iyo Birbira Gado haddan dooni wada saaro
- Inta webi degtoo idil haddaan dan u heshiisiiyo
- Dagoodi iyo Raxan Weyn Cawlyahan Waamo deriseeyo
- Degaamada lixda ah Mudug, Hiiraan deris walaaleeyo
- Dekeddii makaad Jowhar iyo Xamarba daaweeyo
- Culimadu duceeyaan ibleys nama durreeyeene
- Dan kalaa qabiil loo durtay iyo boog dakane sheege
- Rar-xunna way ku daba feyshan tahay doorkan maanta ahe
- Dilaase inuu xukumo maya, maya ayuu yidhi dareenkiiye
- Isku daashay waayuhuna waw diga rogaayaane
- Kuwa duco qabow kici hanbadan duur ku yaaca ahe…
Kaydintii: Akademiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed