Waxaa la yiri abwaankii weynaa ee Qamaan Bulxan ayaa haweenay uu aad u jeclaa u guursaday labaatan qori iyo xoolo badan oo uu ka bixiyey, taasoo muujinaysa qiimaha ay u lahayd.

Haweenaydaasi waxay reerkoodii u tagtay si ay dhibaad ugu soo doonato. Haddii aysan wax badan maqneyn, ayaa Qamaan loo soo sheegay in xaaskiisa la fasaqay.

Waxa la yiri Qamaan wax kale oo uu ku badbaado ma jirin, balse wuxuu u baahnaa oo kaliya inuu ku tiirsanaado axkaamta iyo culumada fiqiga (sharciga diiniga ah) si uu xaqa u helo.

Wuxuu yidhi dabadeed:

  • Naagtaan culuuf iyo calaaf, culus ka dhiibaayey
  • Cishriinka naagtaan ka dhigay, caammonimadayda
  • Naagtaan Cadwaan iyo tol iyo, xidid u caydheeyey
  • Naagtaan cillaankiyo lahaa, cadarka naa iibso
  • Naagtaan cabaadhyaha tinkiyo, cududuhii buuxshey
  • Naagtay ciddida hoose iyo, gacantu ciiraysay
  • Naagtaan jidhkeedii camiray, cagaha mooyaane
  • Naagtaan cadceediyo lahaa, ciriiddu yey taaban
  • Caku kolay ku tahay naagtaan lahaa, hayga caasiyina
  • Codkii Maxamed naagtuu lahaa, care ha ii keenin
  • Naagtaan cadaabkii la gee, uga cabsoonaayey
  • Naagtaan cashadii lays hardiyey, calaacashaa dhiibay
  • Naagtaan cibaarada lahaa, cuduri yay sheegan
  • Hadday haatan caadadi haween, iga canjeelayso
  • Nin adduun camirayow maxaa, cudurti kuu laaban
  • Adoo caawa jiifsaday maxay, kugu caddaan xaajo
  • Calafse waa kobtiise bal aan, culumadii dhawrro
  • Haddiise Caasha iyo wiilal iyo, caano la i siiyo
  • Oo ani aroos caraf lehoo, caarran la’i geeyo
  • Wallee cududda iga naafataan, ii cayilin waanna!

Tixraac Buugii: Isha gabayga


Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii: Mr. Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo