Qamaan Bulxan wuxuu ku dhaqnaa dhulka Ciid loo yaqaan. Deegaankaas, haddii uu colaad la’aan yahay, waa dhul dalsan oo aanay barwaaqadu ka dhammaan, gaar ahaan geela aad ugu roon.

Nasiib darro, xilligii uu Qamaan noolaa, colaad nooc walba leh ah ayaa deegaankaas ku badatay. Waxaa ka dhammaan waysay colaad ka timaadda shisheeye iyo mid ka dhex-taagan sokeeyaha.

Qamaan wuxuu gabaygan mariyey isagoo tusaalaynaya:

  1. Barbaarta aan colaadda aqoon: Kuwa aan weli dhadhamin dhibaatada iyo aafada ay colaaddu leedahay.
  2. Kuwa aan xil-kaska ahayn: Kuwa goor walba ka shaqeeya eedda iyo dhiigga daata.

Waa gabay tusaale waayeel ah oo uu Qamaan dadka ku dareensiinayo wanaagga nabadda iyo barwaaqada, isla markaana ugu digayo aafada ay colaaddu leedahay.

Wuxuu yidhi:

Codka gabay Colaadow nin, lagu caasiyaan ahaye

            Cirraystayoo ma tirin maansadii, calanku saaraaye

            Cindigayga keen caawaan furfuri, ceesh la ii wadhaye

            Cimrigay intaan jiray amaan, cagaha meel saaray

            Een calashay dheeftiyo wixii, calaf la ii mooday

            Caawa iyo maantaa nabsigu, waaba cayn yahaye

            Dunida ciirtay qaarbaa ka hada, caawa say tahaye

            Caruur dharagtay caaniyo hadhuudh, laga ciraab roone

            Cammaa doqona caalliyo dhul saw, cunug hallayn maayo

            Waa caamo nimankaan ogayn, Ceeg markaan tagaye

            Iyagoo cayilay bay arkeen, Ciidna laasime

            Casar galay cishiyo fiid dagaal, rag isku caatoobay

            Ciriid kulul cagaag iyo rasaas, carar la baynuuno

            Ciwal gibin ah oo loo xishiyo, caafimaad ma lehe

            Cuudkoo yaraadiyo dhulkaa, soo cidhiidhyamiye

            Wax cibaaradaa lagu arkaa, caawa saan nahaye

            Cirkoon roob ka wayniyo abaar baa, camiri Faafe

            Cawskiyo biyaha yaa engagi, ceelka doogsamaye

            Intaad caano iyo wiil tahaa, lala cabsoodaaye

            Wax calaacal kuma yaal haddii, caydh lagaa dhigo e’

            Cadaabkii ma iibsado nimaan, Caadilkii badine

            Caku iyo cakuye sow ma nicin, caasi iyo eersi

            Casha noolba saw cadho horliyo, cudurti ii maaha?

            Nin bay cududihiisii gacmeed, Caliyow mowdeene

            Allaw yaan cirrooliyo tashiga, culumo dhaafsiinin

            Waa cadow Axmaarkaa galbeed, ka cartamaayaaye

            Gaaladan cawiifta leh kufrigan, caranayee faani

            Waxa badaha ceegaaga waa, ciidan Faransiise

            Ingiriisna Cadan buu ka iman, waana cudud weyne

            Girligaan caliqan sow Talyaan, soo camiri maayo?

            Makaahiil cidduu daba socdiyo, culus ma loo diiday

            Niman calan leh boqor caadiliyo, curad ma sii luuday

            Casharkii la maray sow darraad, cadarki been maaha

            Kolba kii carjabay sow kitaab, lama cusboonaynin

            Habaryoonis sow Cali Ammaan, ina ciddood maaha

            Sow Jaamac iga caaqibee, laguma ceebaynin

            Geeleer Cawaagtulena sow, caabuq yimid maaha

            Casimaadku nimankuu dhacee, caydhu wali hayso

            Caqligiina kama fiirinine ma, cafiyeen aadki

            Sow Ceelis iyo Reer Isaaq, camaladdii maaha?

            Allaw yaan cirrooliyo tashiga, culumo dhaafsiinin

            Cabdallana raggaad ka cubtanteen, ciid ma lagu tuuray

            Ciddow dhimo e’ sow Ina Xakaar, lama caddayn dayrta

            Cumar-nuurna sow kii horeen, la caddibnayn ma aha?

            Carriga Eebbahay nabad kobaan, uga carraabayno

            Oo aan Caruusiyo ahayn, sidatan caadh-gooda

            Car yaa garan cadceed iyo cadceed, kobaan ka cayn-saarro?


Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii: Mr. Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo