Gabaygii: Cartan


Silsiladda Guba, waxaa bilaabay Cali-Dhuux Aadan. Ceel ceelasha Doollood ka mid ah oo “Cammuud“ la yiraahdo ayuu hal (geel) geeyey. Sida la sheegay, hashii baa loo waraabin waayay. Dacdii ayuu neefkii geela ahaa ku sii daayay. Intay faruurdhabatay ayay iska dhaqaaqday. Dabadeed Cali-Dhuux, isagoo Cartan, waa hasha magaceedee, ku halqabsanaya oo la hadlaya ayuu tiriyey tixahakan soo socda: yidhi:

Cartaneey Cammuud layska qaad, ceelki Reer Magane
Hadday curaddadii noolyihiin, waad cabbi lahayde
Nimankii ku caawiyi jiraan, cidi ka noolayne
Cabdullaahi iyo Yuusuf baa, ciidda hoos maraye
 

Beddel baa cashiiro u xigoo, waa cuq dabadeede
Raggii calanku saarnaan jiriyo, Caliba loo diidye
Niman baaba Caarshe u noqdiyo, Caamir oo kale’e
Markuu Haybe sidii coomir degey, looga soo cararye
 

Ma la cawryi Reer Yuusuf waa, cirir Ogaadeene,
Miduu caayo miduu cayriyiyo, miduu carjaameeyo
Saddexdaa calaamuu ka dhigay, cuurki Reer Dalal
Caqli waxaan lahayn baad tahaye, ha i caloolyeyne,
Cayn iyo Hartaad leedahaye, caraqda fuuqfuuqso!.

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo