Sayid Maxamed: Calool-Xumo ku Saabsan Saamaynta Colaadda
Sayid Maxamed Cabdulle Xasan wuxuu si weyn uga calool-xumaa sida ay colaaddu u gashay geyiga Soomaaliyeed, gaar ahaan degaannadii Ciid, Hawd, iyo Nugaalba. Gabaygan wuxuu ku muujinayaa dareenkiisa xanuunka badan iyo dhibaatada ay halganka iyo iska-horimaadyadu ku hayaan dalka iyo dadka.
Wuxuu yidhi Sayidku:
- Afka bari ishaa bogox intii, arar Nugaaleeda
- Illiilaha banaan iyo intii, edegga Ciideeda
- Axad kagama sii hadhin wixii, uduba oo yiile
- Caligeri aboodiga ku lalay, abax ka sooryooye
- Iqliil weeye madhan qayradii, oomanta ahayde
- Afar iyo afqaaqlaa ku dhacay, adhaxya weyntiiye
- Ifku kama belbelo tuurihii, oolinka ahaaye
- Meeshuu abuurnimo fadhiyey, laga alaab qaadye
- Hawdkii ugbaadsaday, horweyn kuma ilaashaane
- Uma oohogeeyaan markii, aarankii lumo e
- Shisheeyaha araarimaha yaal, kuma ugaayaane
- Eegida korjooguhu cishaha, sooma oriyaane
- Xerya gaallo laysaga ag dhigay, uma adkeeyaane
- Irridaha markii aasku dumo, kuma afuufaane
- Ibdarka iyo dhawrtada ratiban, ugar ma siiyaane
- Ardaayada golaha kala rogrogan,uma asteeyaane
- Uleexida haleelada tircayn, il uma gooyaane
- Aar saydha oonyaha gudgude, ubac dugaag jeexa
- Ilkaha horor abeesada qallici, halaq uraa leeb ah
- Ulbistuug anaaniga dayaca, alabas jeeraanta
- Eynaafka baadida tagtow, adadac buubaalka
- Abid maqan intaha raadiskey, axal ka duugowday
- Akhbaar raadis urur naadinteed, idan ku yaahaynta
- Ambaqaadka taa uma ekayn, aniga hay saarin
- Sumad awdka sowraca ankira, eedda iyo dhaarta
- Asaraarka eexada denbiga, shiru aguugyenta
- Guudaan amnaca shiil armaca, luqun inaatowga
- Inqiis naas ah iin cararjidow, dhicis amuurrayska
- Ubad jala abaah baaqatiyo,dhicis amuurrayska
- Amaankow gondood eel ragaad, arami naafowga
- Amaanguud anaashiga dhukaan, axadh xaraarowga
- Uhda dhugato roor ababa’leyn or iyo geergaarka
- Allaqabe kud eertaa qadhqadhi, shilin aseebaaga
- Aafaa samaawiga allow, naga ammaneynso
- Aamiin ma buuraan intay, duco alliifaane
- Kuma adurdhabaan baarqabbadu, abasaxeediiye
- Shinbiruhu markuu doob onkodo, ma awanayaane
- Abeerrada tifrimay goojadii lama amaaraane
- Qorraxdoo abbaar le’eg markii oodda laga jiido
- Kolkii kuraygu eyrada hayeey, kala aqoolmeyso
- Ulaha uma boobaan intay, tira abyoodaane
- Kobtii shalay irmaanku ugu baxay, alaladii fooca
- Arbaxaale goortey tagtoo aayaddeed dheregto
- Amminkii la baraq-maali jirey, ma arrumayaane
- Eydaarteeda oo fool la dhici, ma antaweershaane
- Goortay ummuliyaan murkaha, kama abeeyaane
- Abur xoor leh kama soo lisaan, ibagaleenkiiye
- Masaakiinta agaheeda tuban, ma ajareystaane
- Unuun uma jaraan qaalmihii, eydinka ahaaye
- Cayuuntaan ilmaha loo dhigayn,kama umbulleyaane
- Waxay abaxa goysaba markey, ohin carraabeyso
- Afdhuubyaalaheedii durduro, ma ambaqaadaane
- Sidii ay iblays tahay xuruun, ma umbulleeyaane
- Jilaal aleel ka cad hadday, acabtin dooneyso
- Markey uudka kore laasatiyo, abaqa baarkiisa
- Iyadoo idiin ka cas markey, oo la soo degato
- Intay yeel aslaan ceelashii, uma aroorshaane
- Awaliinka kama soo shubaan, ilaha Caymeede
- Alalaaska heestii darkii, kuma olkeeyaane
- Awr qaada iyo gool ahmiya, ma aldaxaayaane
- Abidkoodba kama sooryadaan, alaxa caanoode
- Niman baa uquun kagala tegey, ilindidoodiiye
- Eebyaha ma soo rogan markii, ibilku tuuraaye
- Anaa eegiyey dhicin lahaa, idam Ilaahaye
- Wax arsaa’iilkood galay markay, Ferenji aadaane
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed