Dagaal xun dabadii (Ama: kaddib), Geel Gafuure-Xume loo bixiyey ayuu Ogaadeen kasoo qaaday Isaaq iyo jilibyo Dhulbahante ah, xilliyadii ay socdeen dagaalladii Rayadka ee u dhexeeyey qabiilooyinkii Ingiriisku la socday ee uu sida gaarka ah u hubeeyey iyo kuwii Absame.
Ragga dhinaca Rayad ka diriray waxaa ka mid ahaa Cali-Dhuux Aadan, waxaana dirirtaas lagu laayey rag ka mid ahaa kuwa uu ku dhaarto abtir ahaan, oo ay isku dhow yihiin.
Haddaba, Cali-Dhuux wuxuu mariyey tixo dhowr ah oo uu ragga la jaray ugu baroor-diiqayo, waxna ku guubaabinayo. Waxaa ka mid ahaa kolkii uu lahaa:
Aniguba gankaasaan ahoo, way gablamiyeene
Gadhcaddiyo Casayrow maxaa, reer la guban waayey
Giddigii Ogaadeen maxaa loo, gondoli waayey
Gaar ahaan Abraahiin maxaa, loo ganbiyi waayey
Markii kalena waa kii lahaa:
Anigaba cidlaa looga tagay, curadadaydiiye
Ragga cudduda weyn liyo haddaan, Caliyo soo waayey
Cabdi Gaabku iigama dareen, Cumar Abraahiine
Tixihii ay meerisyadaa kore ku jireen ayaa gaadhay Xarbi Ismaaciil Samatar oo xilligaa Jarar joogay. Xarbi wuxuu soo faray tix aanu ka helay meerisyadan hoose oo uu ugu jawaabay Cali-dhuux. Wuxuu yidhi Xarbi:
Calool xumo Alleylehe raggii, ciil la baday baa og
Inuu geel cir weyn yahay raggii, ceel u shubay baa og
Inuu cawlku doodiyi ninkii, celi yidhaahdaa og
Dharku cawraduu qarin ninkii, calalna waayaa og
Subag inuu casiis yahay ninkuu, Carab u miisaa og
Cunto inay macaan tahay ninkii, kaa ceshaday baa og
Inay ceebi daba taal ninkii, calafka dhiibaa og
Cirro inay gabow tahay ninkii, la cimrisiiyaa og
Doqon inuu canaad yahay ninkii, ciirso yidhi baa og
Cududaha Ogaadeen haddii laga cabsoon waayo
Inaan layska celinayn raggii, caayi jiray baa og
Kolkii curaddadiisii la jaray, uu cidla istaagay
Cali Dhuuxba daya eega wuu, soo calaacalaye
Cabdi Gaab caruurtaadii laa, cududna kaa roone
Maxay caydu kuu qaban kartaa, waad calyocalyeyn.
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyi Suugaanta ee Murti
Qalinkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed