Muran-Suugaaneedka Sayid Maxamed iyo Cali-Dhuux
Sidii aan meelo badan ku soo sheegnay, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo Cali-Dhuux Aadan Goroyo waxaa waligood caado u ahayd in ay isku yuubaan qardoofaha iyo hadalka (muran suugaaneedka). Labadoodu waxay ahaayeen laba tiir oo waaweyn oo aan loo kala saari karin xagga hal-abuurka.
Gabaygan hoose wuxuu ka mid yahay tixo uu Sayidku u tiriyey Cali-Dhuux, taasoo muujinaysa mid ka mid ah is-weydaarsigoodii afka ahaa.
Wuxuu yidhi Sayid Maxamed, naxariistii Janno Alle ha siiyee:
Caliyow calaacal iyo way ciil ma bi’iyaane
Weligaa catow baad taqaan sida carruureede
Waad uun cabaaddaa siddii caamadoo kale e
Caqli haddii aad leedahay wax baa la citibaarshaaye
Cindigaa wax laga fiiriyaa caynka ay noqone
Cudhka laguma soo dhego waxaan kuu cuntamihayne
Kaarshaa ciriddii ku lumay caasiga ahaaye
Isaguba cagtii hore ma qabin col iyo laayaane
Murti-dhaadhiyada ku xidhan Akadimiyadda Murti Soo dhamaystira Gabaygan… hadaad helaysaan
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed