Cadradyahay adaan kaa calmaday, curub dhamaanteede.
Caways iyo adaan kaaga go’ay, bilisba caynkeede.
Cizo iyo waxaan kuu hayaa, caashaq aan gudhine.
Adaan kuu culaa maanka iyo, Laabtan kuu cugane.
Qalbigaad casuuntaa ku taba, kuuna caadiya’e.
Carabkuna aduu kuu tirshaa, heeso caanbaxaye.
Cishqigaygu duni sooma marin, caalam idilkiiye.
Kan ku culus dhexdiyo cindiga. wuu cuntamayaaye.
Cid kale umaba daaheen haduu, taabto oo cuno’e.
Ruuxuu cuskado waa dhintaa, Caadil magantiiye.
Waa cibaaro gooniya midkani,waana calafkeeye.
Wuu i caafiyaa aniga iyo, ruuxaan caashaqaye.
Cilmi iyo midkii qays heluu, caara dheeryahaye.
Waa calamaad ruuxii maqlaa, calanka dhiibaaye.
Carshigaa Ilaah ii qoray, cawilidiisiiye.
Cashar weeye wehellayga dhigay, Labada fiid cawle.
Casiis mahadii weeye aniga, wuu caawiyaye.
Hadmaan wada cawaynaa kalgacal, baan cirkaa ahaye.
Kaydintii: Academiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Raacdayntii & Tafatirkii: Mr. Cumar Ismaaciil Digeed