Maansadii: Boodhari Magtiisii Ma Weydiisay Caashaqa
Maansadu tilmaanteed
Micne iyo u jeedkeed
Miisaanka curinteed
Meeris waliba dhuuxii
Maran iyo sarbeebtii
Maqaar saarka weedhii
Moolkiyo samayntii
Maskaxduna shaqaynteed
Mowjado celcelinteed
Maankuna u sheegiis
Abwaan mari odhaahdii
Ana maalay heestii
Muujiyay dareenkeey
Miiraale roob iyo
Mahiigaan sidiisii
Mushmushaaxay Ereygii
Muunaynta faalada
Ku micneeyay sheekada
Galay miidii aan waday
Dhacdo, maqalka sheegeed
Magaciyo dhigaalkeed
Maguuraan hal’eegeed
Midabkiyo sibaaqeed
Muuqiyo humaageed
Meertada is-doorkeed
Mataanaha fal keenkeed
Murugada xanuunkeed
Miir-doorin howsheed
Maan cufid kulaylkeed
Marna farax riyaaqeed
Muxibada dareenkeed
Milgihiyo xasuusteed
Muusiyo macaankeed
Muga noloshada seeskeed
Maqaamaadka heerkeed
Marba nooca nooceed
Mar iskeen jidkeenkeed
Hadal maran ka maagiis
Meelayn u jeedkiis
Dhuuxa muujin yoolkiis
Gunta miida baadhkiis
Maalmuhu giraantood
Maatadu sugaalkeed
Maqanaha sadaalkeed
Fal maraaya joogeed
Mid la mooday dhaafkeed
Ruuxa maarmay yeelkiis
Ruuxa meersha taagtiis
Ana miidha saabkii
Mid la tabayo saafkiid
Jacayl muranka doodii
Furay madal abwaaneed
Boodhari magtiisii
Marna ma istiraahdeen
Maqan meeday dawgeed
Diyadaa mugeedii
Minankiyo halkeedii
Masalaha tubteedii
Ma majeerateen wali
Maagid iyo canbaarteed
Muu mutaysan waa koow
Anna-maan u gaarayn
Mid uu falay unban tabay
Madfac iyo rasaas iyo
Muduc iyo gantaal iyo
Mindi iyo gamuun iyo
Miduu ganay unbaan galay
Moogaha khalkhalintii
Maanlaha dux-soorkii
Marinada tixdaydiyo
Muftaaxuna nasiibkii
Mutaystaha u deeqii
Muraadkana ib yeelkii
Maaweelo gudhinteed
Maarayn irmaankeed
Murtidana xanbaarkeed
Min min guurin foofkeed
U mir kicid alaylkii
U mug tabin araarteed
U muc dayid aroorkeed
U mus oodid bowdkeed
U mil laaqid qaadkeed
Reer magaalna dookhii
Wax malgaya ku doonkii
Maamee mutaxanayn
Meemii madoobayn
Miimoo middoonayn
Moomuu maqbuulayn
Digeed mariyay meelayn
Sid marmaray sir moolayn
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed