Deyl Yogol ayaa tiriyey gabay aan hadda ka hayno tixahan hoose ee kooban. Gabaygani wuxuu ka mid ahaa gabayo badan oo laga tiriyey Dagaalkii Dhurwaale ee Isaaq ku jabay. Deyl dagaalka wuu ka maqnaa sida aad gabaygaba ka arki doonto, wuxuuna joogay dhinaca Jigjiga iyo Bartire.

Dagaalku maalintii uu dhacay maalintii ka dambaysay ayuu goobtii yimid, iyadoo Ogaadeen intii goobtaa joogtay ay libin ku geeraarayaan.

Wuxuu haddaba tiriyey gabay ay midhihiisa ka mid ahaayeen:


Dhulku wuxu balaadhnaa kuwii baalna laga siine? ·       

Ee Bulaale noogu yimid, baahi uma hayne ·       

Bunduqa iyo bilaawaha afkale, waran la soo boodye ·       

Bacdigeed waxa laysku helay, meel banaan subaxe   ·       

Inaan fulay sidiis baygago aan, bilifta weydaarto ·       

Ama nin weyn buqun jaro, qori ka baal qaado ·       

Ama aan baaqigii lumay ku jiray, geeri loo badaye   ·       

Seddexdaas miduun baan bogon lahaa, baasihii shalaye ·       

Waatay Bartire ii direen, boho shidaameede ·       

Bas uun iga dhe hadii Reer Suldaan, baabah laga yeelay …..

Intaasaan helnay Soo dhamaystira.


Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo