Maxamuud Cali Beenaley ayaa, isagoo ku faanaya niman ay tol ahaayeen oo is-bahaystay xidhiidh wanaagsanna samaystay, tiriyey tixdan hoose.
Wuxuu uga jeeday in is-garabsiga iyo dhan ahaanta ay sii adkeeyeen.
Wuxuu yidhi, Ilaahay ha u naxariistee:
- Saleebaan Suldaannada Xandule, saajacyada dhaartay
- Iyo nimanka Suubaan ah iyo, seedda Cagaweyne
- Sirmaqaatayow hidi dhalay iyo, sadarka Qoobdheere
- Saaciid Awowgeey ah iyo, weliba soo raacyo
- Safka Ba-Habar-Celi Diiniyada, saajacyada dhaartay
- Intaasoo sokeeyowdey oo, saanaddu u buuxdo
- Wallee saabur buu noqon ninkay, subax haleelaane
- Wallaahaan sagaal kaga magdhabi, saaq ninkii qabaye
- Saddex maran ninkii naga hayey, bay sababti joogtaaye
- Dadoow samir Bahoo suuftinaa, saaftay dunidiiye
- …
Sidii uu jeclaa is garabsigii inuu u hanaqaado ayuu u hanaqaadi waayey dhalliilo dhawr ahna way soo gaadheen Maxamuud, markaa ayuu tiriyey gabay ay kamid ahaayeen tixahan hoose. Wuxuu yidhi mar kale:
- Baho inay tamiimaan la waa, ama tis-qaadaane
- In kastooy tamuuxaa noqdaan oo, la tirin waayo
- Toddobaatan uu oday dhalaa, igala taag roone
- Tollaala’ayey waa waxa i hodey, taaha reer Hediye
- Tunkana waxa na soo wada qabsaday, taaggii Reer Dalale..
Gabaygu ma dhama intaasaan ka helnay
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii Mr: Cumar Ismaaciil Digeed