Maansadii:Baaskiil
Qaran jabkii Soomaaliya ka dib iyo kala qaxii ummadda Soomaalidu qurbaha tagtay ayaa mar walba waxaa imaanayey oo isi soo tarayey dhibaatooyin xagga dhaqanka ku aadan iyo weliba Af-ka Soomaaliga oo laftigiisu qiil qiil kaga jira daβ yarta ku dhalatay qurbaha.
Hadaba si arintaas looga hortago ayaa hal abuurayaasha iyo qalinleyda Soomaalidu ay awooda saareen sidii ay amuurtaan inta karaan kooda wax uga qaban lahaayeen, oo ay caruuta qurba joogta ah ugu soo dabbaali lahayeen dhinaca dhaqanka iyo Afka Soomaaliga oo is huwan oo ay weheliyaan sheeko caruureedii Soomaalida ee hore oo guud ahaan ku salaysneyd dhinaca miyaga kuna adag inay fahmaan kuwa qurbuhu ay ugu badalaan mid casri ah oo la jaanqaadi karta dhinaca magaalada ama wax ay fahmi karaan markaas.
Arintaan ayaa waxaa xil iska saaray abwaan daβ yar oo ka tirasan bahada SomaliPen laguna magacaabo C/llaahi Bootaan Xassan waxaanu yiri Sidan.
Waagii hore waxaa la oran jiray.
Nin yar oo nin weyn dilay ma aragteen?
Dabaggaale aar dilay ma aragteen?
Xasan oo Xuseen dilay ma aragteen?
Waxaannuse imminka u beddaley sidan hoose; isagoo u eegaya wakhtiga iyo hadba waxa carruurtu fahmi karaan.
Waana Sidan:
Baaskiil bas laga dhigay, ma aragteen?
Ooy boqol qof fuuleen, ma aragteen?
Gobollada u baxayana, ma aragteen?
Arday aan wax baraneyn, ma aragteen?
Aan buuggiisa kala furin, ma aragteen?
Misna baaska kow raba, ma aragteen?
Baraf aan qaboobeyn, ma aragteen?
Biyo beylla loo qabo, ma aragteen?
Bartuu taabto kaa gubi, ma aragteen?
Buskud beero laga guri, ma aragteen.?
Timir aan bislaaneyn, ma aragteen?
Qare aan biyo lahayn, ma aragteen?
Cabdullaahi Bootaan xasan
Waayaha,London,UK
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Raacdayntii: Cumar Ismaaciil Digeed