Gabayga: Baaray Tumisteed

**Baโ€™da gabayga bandhigaa fankiyo baaray tumisteeda
**Bulo iyo ciyaar loobaxiyo baalo jaristeeda
**Batar boodo laga dheelayoo lagu belwaynaayo
**Baabkaa inaan joojiyaan beerka kuhayaaye
**Bedelkeeda waxaan doonayaa barasho diimeede
**Boqorkoon xusaabaan jeclahay baarina ahaado
**Buluuq iyo riyaad saalixiin yaa ii bilaawnaaye
**Bisha soon waxaan doonayaa beer inaan falo e
**Baaqaa lasooqoray malaa bereten weeyaane
**Barbaartaa kuloolama intaa baโ€™ iyo woowgeede
**Badhjab kaa ka gaabsada murtida xaraf biloownaaye
**Baxdoow iyo ninkii tirinjiraan baaqi ka ahaane
**Biyo soorogmaday loomalee boqol midhbaa dheere
**Beeraha ganaanoo kujabay buurxakaba waayo
**Barta luuq kutaal iyo fatahay tan iyo baardheere
**Baldhegeysta aan biyo dhacee waan burqanayaaye

**Afartaa ma baal baalayoo baal makalaraacay.
**Buqturaab ma fiicnee farshaxan baab ma ugu sheegay
**Bal aan galo halkaan beegsadaan bawdka soodhigiye

**Barwaaqada markaan joognayee xamar la baashaalay
**Beeraha afgooyana dal xiis booqashadu taalay
**Baarwacan markii aan kafee beega shubanaynay
**Balan curuba taaliyo hablaha biid uxidhanaynay
**Bucurka iyo dhaylada markaan beerka dubanaynay
**Balaayada kuwii noohorkacay baaqibaa hadhaye
**Beelay hormuudka uyihiin baarqab iyo shaybe
**Baarlamaanka waa kuwaa fadhiya badi hormuudkiiye
**Bahnimaa difaacdoo walaan biid la odhanayne
**Boyntifayf waataa lagu xulaye baarka loofidhaye
**Bal ufiirso beecay wadaan waa barkuma taale

**Afartaa ma baal baalayoo baal makalaraacay
**Buqturaab mafiibnee farshaxan beeg ma ugu sheegay
**Bal aangalo halkaan beegsadaan bawdka soodhigiye

**Inta ay bankaa daaqaysiyo biito xeradeeda
**Beentiyo intaa laysku wado sheeko baralayda
**Beesada intaa looxishiyo boobka hadhi waayay
**Nin walboow bartaadaad taqaan barada reerkiina
**Biixiyaha intaad mudato hay yaan lagaaburine.

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo