Maansada hodanka ah ee uu abwaan Raage Ugaas Warfaa ummadda uga tegay, waxaa ka dhex muuqda gabayo aan qoraal badan laga hayn, balse xambaarsan xikmad iyo dhaxalgal weyn. Waxaa ka mid ah tixdan aan halkan hoose dhawr meeris ka hayno, taas oo uu abwaanku si farshaxanimo leh ugu tibaaxayo ammaarrada iyo anshaxa suubban ee gundhigga u ahaa nolosha iyo dhaqanka fac-weyn ee Soomaalida. Gabaygan wuxuu u taagan yahay tusmeeye qiyam ah oo aan weligii duugoobayn, isagoo yidhi:
- Sud libaax leh meel bahal salkiyo, saymo la arkaayo
- Sanqadh tirashadaa lagu maraa, laga ma soo saaro
- Suryo oodan meeshii surdub ah, suul haddaad geliso
- Qunyar baa siddaha loo baxshaa, laanta la ma saydho
- Ninkii maalintaa ka sita een, laga sad qaadaynin
- Sawd gibin ah baa loo ceshaa, laguma sooyaansho
Gabaygaa intaas ayaanu ka helay.
Kaydintt: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed