Gumaysigii Ingiriisku wuxuu abuuray qabaa’il Soomaaliyeed oo naasix u ah, kuwaas oo uu u bixiyey ‘British Somaliland Tribes’. Wuxuu ka heli jiray cudud ciidan iyo mid siyaasadeedba. Ogolaanshaha qabaa’iladaasi ay ogollaayeen in Ingiriis uu dhulka Soomaaliyeed joogo waxay u muuqatay mid uu u qaatay inay u xalaalaynayso gumaysiga Soomaalida. Ciidan uu kasoo uruuriyey qabiilooyinkaas oo uu u bixiyey Rayad ayuu iska xijin jiray xabbadda Daraawiish. Kolkii Daraawiishi socotayna, wuxuu qoysaskaas u adeegsaday kicin fidmo qabali ah oo Soomaali dhexdeed ah.
Burburkii Daraawiish ka dib, ayey jilibyo Absame ah geel kasoo qaadeen kuwo Isaaq ah. Geelii waxaa raacdo ahaan uga daba yimid ciidan Isaaq iyo Ingiriis isugu jira. Absamihii geela soo dhacay iyo ciidankii Isaaq iyo Ingiriis ayaa is helay, dabadeed geelii wuxuu ku adkaaday nimankii soo dhacay. Camanje oo ahaa gabayaa caan ah raggii geelaa u hawlgalayna ku jiray ayaa gabay ay ka muuqato xariifnimo mariyey.
Isagoo doonaya inuu eedda ka duwo Abasguul una duwo dhinaca Ogaadeen—si Ingiriis wixii xaraash iyo ganaax ah ee dirirtan iyo geela lasoo qaadayba ka dhasha uu dusha uga saaro Ogaadeen—ayuu mariyey tix ay naga soo gaadhay meerisyadan hoose oo qudha, aanse hubo inay intan ka dheerayd.
Wuxuu yidhi:
- Nimanyahow Ogaadeen dhulkaad aaho galiseene
- Afartii Absame dhalayna waad ugu adkaateene
- Iidoora waa kaad jarteen odayadiisiiye
- Askartiina waa kaad wadheen meel awaare ah
- Asaxaabihii iyo kol ay awliyadu maali
- Dagaal kalama ooshaan kobtaad geel ku aragtaane
- …
Gabayga inta maqan cidii helaysa ha Nala soo xidhiidho
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed