• Haddaan ooyo naagaan arkoo, wax uma aaboobin
  • Haddaan aamusnaadana qalbigu, ii askummi maayo
  • Haddaan igadhyo maalana anfaco, ku il samaan maayo
  • Haddaan ilaxidh seexdana hurdada, alalad bay dhaafin
  • Haddan Eegi dheer fuulo aan, ololo oon reemo
  • Oon uubateeyana raggii, iigu iman maayo
  • Abjac diday uluuli aan jid galin, agabar shay diid ah1
  • Hadduu timaha oogtaa ka dhigo, adari boodhboodh leh
  • Ardaal nacas ah naaguhuba, wayska ogolaadaane
  • Ina adhi jireed iyo mid aan, habartii awr goynin2
  • Aakhiro ragii tagay haddaan, Eebe ka aqoodo
  • Haddii uun la dayn Nabiyadii, lama idleeyeene   
  • Saw waxaan ilaawaba mid xumi, ima ogeysiiyo

Kaydintt: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo