Annagoo Taleex naal, jahaad taladi soo qaadnay
Toddobaatan boqol oo Darwiish, togatay neef doorka
Sayidkeennu tii uu na yidhi, torog ku heensaynnay

Wareegada waxay uga tawalin, yaan wax kaa tegine
Sibraar caana geel loo tabcaday, talax ku sii maallay
Misna tawlka qaalmaha niniyo, tulud u soo saarray

Ilaahay ha tabantaabiyee, noogu tacab khayrka
Shakadaha intuu noo tamilay, tiisa nagu waani
Tiirkii Rasuulkiyo sharciga, toog ku wada fuullay

Galabtaa taxaabiyo kadlaba, toobiyaha qaadnay
Habeenkii fardaha waw turnaye, taag ku sii mirannay
Tun biciida lagu qoofalyoo, xamashka loo taabay

Goortii ay Talaaduhu dhaceen, talalayoo reemay
Tixda gabay kolkii aan akhriyey, toose niman jiifay
Tiraabkaygu meeshu ka baxay, la isku soo tuumi

Salaaddii markii loo tukaday, yaari kaga taagnay
Togga Ulasameed dooyadii, horay u tuuryaynay
Intay Timacad noo soo arkeen, marada noo taage

Sengeyaal tabaadihiyo gool, weerarka u tooxnay
Sidii Teyse rooboo onkoday, tiririgtii yeedhay
Teeriyo Berbera qayladii, tahan la waydaaray

Tiiraanyo ololkii dhulkii, taani naga qaaday
Taf-wareemanmaynine intaan, tubay ku aanshaaday
Taambuuglayaaliyo kuway, tebaysey soo gaadhe

Annaguna dagaal kama tagnee, tiimbad ugu rooray
Tala xumada awrtuu xidhay, baqi tarraarsiinnay
Girligaanku meeshu turqaday, lagu tunsii geela

Tirsanmaynin uunkii tirmiyon, Tulushle Iiddoore
Turjubaannadii daba socdiyo, Koofi lagu toogay
Maadhiin turaabtaa ka badan, tuurta kaga qaadnay

Gaaladu waxay tacab lahayd, taabnay subaxaaba
Tukihii intaan niman u wadhay, tobanle soo qaatay

Galabtaa carraabada ku timid, Turugga Buuhoodle

Gebagebo u tooxnoo Kufriga, Maarre kaga teednay
Habeenkaa ninkii tabar badnaa, tarantarree gaarka
Habeen kalena taxaasheey Nugaal, Godan u tuuryaynnay

Habeen kalena Tuuraha Cadduur, toolin kaga maallay
Habeen kalena Tagaabeeye iyo, tu’innay Hayllaawe
Habeen kale Dariiqada tubnoo, toosan lagu qaybsay

Toban gool tabaadiga noqdiyo, toban unuun-gooyo
Iyo toban tiftii hore rimayoo, taawi lagu qooqshey
Iyo toban abeer tawl ahoo, tikhilka qaalmooda

Iyo Toban irmaanoo aniga, la igu taageeray
Iyo taan eryoon jirey kolkay, toban tahaan joogto
Tookh laguma faaniyo afaan, taabbud noqonayne
Intaa Xarunta soo tubay, xaqaa lagu tanaadaaye

Warka Tuurre waa laga hayaa, taniyo Iimeeye
Waa Xamar tarraaroo haddana, taab ku sii daraye
Taltallaabsigiisiyo kadlaha, tabo kalaw dheere

Kolay toban riyaad tahay adduun, waydin tirayaaye
Tunkaana waan ka soo xidhahayaa, Timirki dheeraaye
Ma baddaa tuldaha loola kici, Tuurre naaxsadaye?

Tafantoofka gaalkuu u dilay, waa tix geliyaaye
Suuldaan Ruunna loo tebi, inaan tuuladii gubaye
Tulud uma godlaan reeruhuu tawl ka saanyadaye

Anigana tis bay galay intaan, col ugu taagnaaye
Tima soohanloow Eebbahay, kuma tabaaleeyo

Murtiyosuugaan

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo