Gabayga: Amarkaaga qaatay.
**Asaraarki maansada markaan, ooda jebinaayey
**Ololaha murtida baan lahaa, yaan la aayirin
**Allayl dhaxe anoo leddey markuu, uunku kala seexday
**Gabay baa andaco iigu yimi, ooda gurigayga
**Askhatiyo waraaq buu la yimi, eedna ii sheegye
**Wuxu yiri sidii ood-rogada, aayar lay tuurye
**Aa-gaan sideedaa duleed, laygu aabudhaye
**Ehelkaygii waayo dadkani, waa i oonsheene
**Arrad-beel ma helo maalintaan, aayar joogsado-e
**Indheer-garad ma arag waayadaan, odayo waaweyne
**Inamada yar yari iyo habluhu, waygu oriyaane
**Eedyayga galay waan arkaa uubta lay qodaye.
**Amakaagi goorta xanaaq, aayar joogsadaye
**Ushii iyo budhkii aan la kacay, laygu eedeeye
**Iin-tayda waan qiranayaa, eegan aan galaye
**Andacadu haday kuu timoo, adi kusoo gaadhay
**Oday baad ahayd waayadaan, geedka ka agdhowe
**Amarkaaga qaataye soo afmeer, xaajada oodan.
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Tixraac: Abwaan Buureed
Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed