Gabaygii:Amaanta gabadhuu Jeclaa
Warisay haween lama sinnide heer saraad tahaye
Hablaha dunida joogee nafluhu u hindisoonaayo
Ee guurka loo haybsan baad ugu horraysaaye
Harar iyo Hawaash iyo galbeed tan iyo Haadaamo
Haaraha Wajeer Garrisiyo Hogobka Mooyaale
Hilka Webi Shabeelliyo Jubbiyo heelka Xamar-Weyne
Hiiraan Hobyiyo Gaalkacyiyo Mudug hareertiisa
Hawd iyo Nugaal iyo dhulkay halab ka foofayso
Hurdiya iyo Xaafuunta bari badaha heeraan
Teer Hargeysiyo Berbera hilimmadii Saylac
Faransiis dhulkuu naga hayee lagu heshiin waayey
Hawalliga intaan marahayeen dumar ku hawshooday
Hindi midabki leeyey adaan kugu hammoodaaye
Hareeriga magooliyo tintaad higilka moodaysid
Hanqalaalka laafyaha kolkaad hab u dhaqaaqaysid
Hubqaadkaaga keliyaa malyuun lagu halmaamaaye
Hillaac ceel-ka-geeyaad tihiyo haawis iyo robe
hir caleen leh baan kugu masliyo hogol daruureede
Hoobaan la moodyey Ilaah hadimmo kaa dhawrye
Kaydintii: Murtiysuugaan
Raacdayntii & Tafatirkii: Cumar Ismaaciil Digeed