Cali Faarax Dalal (oo loo yaqaanay Cali Baqalyo) oo ka soo jeeday Ogaadeen, ahaa abwaankii weynaa ee Saahid Qamaan uu isu oday-xigeenka ahaayeen, ayaa waxaa la sheegay in beri reerahoodii Gal-Duur kasoo guureen oo Bannaanka soo degeen.
Maalin maalmaha ka mid ah, nirig ka guryo noqotay, ayaa casarkii dib ugu noqotay jabadii laga soo guuray. Cali ayaa bilaabay baadi-doonkii nirigtii. Maaddaama uu dalku ahaa mid colaad ka dhammaato, waxaa la wariyey inuu Cali u tagay guryahii ay kasoo guureen oo ay col Dhulbahante ahi fadhiyaan. Show waa ay ahayd xilli hore oo colaad ahi, waxaana la sheegay in ciidankii Cali ay caymo uma gelin (lama wadaagin).
Duullaankii Aargudashada
Haddii la gaadhay fiid-dambeedi, Calina uu soo noqon waayey, waxaa la yidhi waxaa loo diray dhawr nin si ay u soo hubiyaan waxa Cali helay. Dhawrkii nin ee raad-gooyga sameeyey waxay kor kala wareegeen guryahii laga soo guuray. Markii ay arkeen raadka fardaha iyo colka maray meesha, waxay garwaaqsadeen inaan Cali noolayn, dabadeedna dib ayay u soo noqdeen.
Rag talo kama dhammaatee, markii la dhagaystay warbixintii nimanka, lana gorfeeyey xaajada, waxay talo ku ibbo-beeshey inaan ragga Cali dilay aaro mooyee aan geel laga qaadan. Qoyskii Cali ka dhashay waxay isku af-garteen inaan ciidan loo qaylo-dirsto la sugin, ee barrito duhurka dharaareed Dhulbahante la weeraro. Baaqii duullaanka wuxuu noqday: “Cali Baqalyo yaa arkayeey.”
Sarbeebtii Saahid Qamaan
Haddii ay weerarkii kasoo noqdeen (oo ay libin keeneen), waxaa la yidhi Xirsi Cali (oo Dhulbahante ahaa, Saahid walaashiina qabay, ahaa inan-layaal) ayaa u yimid colkii soo rogmaday.
Xirsi markii uu arkay in colku soo libaystay, wuxuu tuhmay in Saahid oo weerarka bixiyey, reero dhan oo Xirsi tolkii ahna digo iyo dambas kasoo yeelay, uusan gabay la’aan ahayn.
Tuhun waa halkiisee, Xirsi isagoo raba inuu yaqiinsado, balse aan garanaynin af kale oo uu ku dhaho jabkii reerkiisa soo gaadhay ha iiga waramo, ayuu wuxuu yidhi: “Saahidow ii tiri gabaygii?“
Saahid, oo ka xishooday seedigii oo waliba inan-layaal ah inuu gabay dhaadasho ah u sheego, ayaa diiday oo ku jawaabay: “Gabay aan kuu sheego ma hayo Xirsow.“
Haddii dhawr jeer la isku celceliyey “ii sheeg” iyo “waxaan kuu sheego ma hayo”, raggii meesha fadhiyeyna ay ku qoddeeyeen in abwaanku gabayga mariyo, ayuu Saahid yidhi:
· Ilma Raage liig uma godlaan, sidigtii loolaade
· Lurka-kacay Bah Iidoor, sow leexa kama duulin
· ……….. ladaadyada hurdada, sow ma ladi waayin
· Lug intuu ka jabay Gaaruf, sow low ma kala haadin
· Laagaha Reer Jaamac, sow lugi ma naafoobin
· Libaaxaan ka dilay Reer Mataan, sow uma laddaadyoonin
Ma dhanna…
Halkaa ayuu Saahid gabayga joojiyey. Raggii hore wax il dheer buu ahaayee markuu Saahid gabayga halkaa joojiyay ayuu Xirsi Cali yidhi “waar gabaygu ma dhannee dhamaystir?” Saahid oon markan wax badan la daahina wuxuu gabaygii ku soo xidhay:
· Xirsi Cali ma laylyamay haddaan, lumiyay Reer Jaamac
Xirsi hadduu gabaygii dhagaystay, arkayna sida xaal noqday ayuu talo kuma rafane awrtiisii caynka hoosta ka gashaday, laba caano-maal kaddibna ciddoodii ku furtay.
Colaadiba ha jirtee dadku qaraabo iyo ehel wada dagan buu ahaaye, Xirsi wuxuu reerkoodii ugu tagay shan nin ooy Saahid isu xigaan inan-layaala u ah reerka. Dhaqanka Soomaalidu wuxuu ahaa inaan maganta, maatida, musaarfurka, cullimada mudan, maxasta oo ay soo hoosgalayaan dumarka iyo da’du, inan-layaalka, iwm la dilin haddii ay ilaaliyaan xeerka magan-galyada siiyey. Xirsise xeerkaasi ma celinee wuxuu si degdeg ah u tusmaystay in aaro kobtii ugu dhawayd ay tan tahay, shantii nina halkii baa loogu guduudiyey.
Haddii muddo la joogay colaaddiina aysan weli qaboobin, ayaa waxaa la yidhi wiil Xirsi dhallay oo Baynax la yidhaahdo, Saahidna abti u ahaa isla markaana gabadh ka qabay Saahid qolodooda ayaa soo aaday Ciid iyo Carro Ogaadeen. Saahid baa yimid reerkii arkayna Baynax oo reerka jooga, isagoo dareensiinaya wixii aabihii falay, iyo sidaan dhalyo gabdheed loogu bariinin kuway iyagu dhalleen ayuu Saahid yidhi:
· Arinkaad la timid Baynaxoow, wayla amakaage
· Waa amar Ilaahay xukmiyay, imashadaadiiye
· Wayla akeek adiga oo, meesha aaminaye
· War sow aabahaa kuma ogayn, inan yar baad tahaye?
·
· Orod naga tag aaqibo nin lihi, nama ag-joogeene
· Ajinimaan u dhalanaye, haddaan kaa istixyoono
· Oon awlaxyada kaaga ba’o, olol siraadaaya
· Oogada sideed gogoshayada, ugu ibaaxaysay?
·
· Sow inuu anfaacigu ku gubo, uurka kama yaabtid?
· Hadayse gabadhi eed yeelatee, aana noqonayso
· Abtiyoowda wiilkii lahaa, guriga Reer Aadan
- Aboodigu intuu cuno tukuhu, orr uma qaadeenee
- …
Ma dhanna
Saahid wuxuu Baynax u jeediyey inay gobonimo u dhalasho tahay wiil uu abti u yahayna aysan gacantu u qabanaynin. Wuxuuse durayaa aabihii dhalay wiilka ee tii horena falay wiilkiisiina warhooy aayar joogoo Ogaadeen ha aadin ku odhan waayey. Wuxuu Saahid wiilka ku leeyahay haddii aanu ku dayno sideed gogol iyo gasiin gabadhanadu kuu fidisay ugu leddaa una luumataa, miyaadan sariiganaynin.
Kaydintii: Akademiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed