Gabayada nooca Hal-xidhaalaha ah ee caanka noqday kuna faafay bulshada Soomaaliyeed, waxaa ugu horreeya tixdii aadka u qafilnayd ee uu mariyey geeraarshihii weynaa, Faarax Caytame. Faarax wuxuu tixdan xikmadda badan, ee ilaa maanta la furi la’ yahay, ku soo gabagabeeyay Silsiladii Halac-Dheere ee mudada dheer socotay, taas oo ay qayb weyn ka qaateen raggii calanka maansada xambaarsanaa ee barigaa noolaa.

Hal-xidhaalaha Faarax Caytame wuxuu ku hal-xidhaalaynayey aqoonta qoto dheer ee uu u lahaa xidigiska, xisaabta, juquraafiga, iyo axkaanta diinta oo uu si farshaxanimo leh isugu daray. Wuxuu si gaar ah ula hadlayay raggii waaweynaa ee barigaa xagga maansada ka lix-dami jiray, oo ay ka mid ahaayeen Cali Sharmaarke, Cali Dhuux, iyo Gooni. Tixdan waxaa Faarax tiriyey ku dhawaad sanadkii Kun iyo Sagaal Boqol iyo Kow iyo Tobankii (1911), hase yeeshee, raggii loo jeediyey way furi waayeen. Sida uu Idaajaa xusay, ilaa maantana cid si rasmi ah u furtay oo la ogyahay ma jirto.

Wuxuu yidhi Sheekh Faarax:

1- Maansada rag badan baa yaqaan, maritinkeediiye

2- Maqtalkaa la kala joojiyaa, mid iyo caynkeede

3- Adiga oon u meel dayin inaad, madal ka soo heesto

4- Muran uun inaad keen tidhaa, mahabbanayn saase

5- Allay lehe Majeerteen sidaad tahay, ma moodayne

6- Waxaad aragga kaga miidh caddayd, maqalladaadiiye

7- Maxamuud Saleebaan markaad, qaylo dheer marisay

8- Maxaa kaa maqnaa ood qalbiga, uga madoobaatay?

9- Maxaa maanka kaa qaaday ood, meel la ladi wayday?

10-Ma madax baa lagaa laayay iyo, niman maqaawiir ah?

11-Ma magan baa lagaa qaaday iyo, midaad ku ceebawday?

12-Ma Maal baa lagaa dhacay lag iyo, kun iyo maahiir ah?

13-Mise waxaad martida siisay baad, lacag ka miisaantay?

14- Miskiin gudub la wayn baad tihiin, waana loo marage

15- Ingiriisba “Mid-Way”1 ka samir, mulug wax saaraaye

16- Madhiyaana xeedhada maxaad, uga muraad yeelan?

17- Afartaa macneeyaye masalo, maandhaw iga hooya

18- Awalbuu malkada seegay ooy, marin habawsheene

19- Sayid Maxamed iyo Caamir muu, socotodood maago

20- Iyagaan mitimiyeen anfaco, amase maalkiiye

21- Bal maxuu Hartiga maanka fudud, ugu masaafooday?

22- Afartaa Macneeyaye masalo, maandhaw iga hooya

23- Cirka mawjaddiisii haddaad, meelo ka xisaabto

24- Midkee curad ah meecaadda iyo, godanta moolkeeda?

25- Kobta qaalibkeedii ka maro maalintii Axada

26. Xageebaa dawaarku u maraa falaga meeraaya

25- Meeshay Aljaws ka marmaan, ma aad taqaaniin dheh?

26- Ma ekayne saacaduhu ways, daba maraayaane

             27- Meelaha dharaartii badnaa, ma’a taqaaniin dheh?

             28- Ayaanta iyo manaasiisha iyo, magac siyaariinta

             29- Midba siday mid ugu waafaqaan, ma’a taqaaniin dheh?

             30- Mushtarkii mariikhii haduu, meelo ka khilaafo

             31- Macnahay tarbiica u noqdeen, ma’a taqaaniin dheh?

               32- Cisho qudha dayaxu waa maraa, naas madoobaha e

               33- Suxalkuna marxaladooyin buu, bilo dhex maaxaaye

               34- Orodkoodu waana isku mide, ma aad taqaaniin dheh?             

37- Biyaan wayso kuu maydhihayn, dharabsi mooyaane

38- Manfacadana kuu karinaya oo, lagama maarmaan ah

39- Gabagabo markaa kaa ansixin, ma aad taqaaniin dheh?

40- Nin Muslim ah asaan naagihii, meher u haynaynin

41- Bal waxa mashaqadaa lahaa, ma’a taqaaniin dheh?

42- Nin Maroodi raadsaday hadduu, gabas mariideeyo

43- Mudutuusha waxuu fiiriyoo, malamaleeyaaba

44- Muuqiisa goortuu arkoo, gadafka soo mooday

45- Wax marxal ah meel fog iska taag, orodna maanshawye

46- Waran caaraddii lama maro, iyo miciyihii Aare

47- Abidkay nimaan moogtannaa, ima majiiraynne

48- Haddaydaan masaladaa furayn, maansadaan tiriyay

49- I maqlaay fagaaraha, muxuu uga uga madiixaayey?

1) Mid Way wuxuu ahaa markab Ingiriisku lahaa oo xilliyadaa la gubay.

Haddii aad rabto Maax Cabdi Dhabase na ugeeyoo gabayga inta ka maqan bal soo raadi.

Maxamed Rashiid Sheekh Cabdullaahi ayaan ka saxnay.


Kaydintii Akadimiyadda Afka iyo suugaanta ee Murti

Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo