Gabaygii: Aduun gees u foorara

Dadkii qaarkiis uma adkaysan karaan inay dulqaataan isbeddellada mujtamacooda markii muddo la joogaba ka dhaca. Waxay jecel yihiin in wax waliba ku socdaan sidii ay ku arki jireen markii ay indho dillaacsadeen ama ay garaadsadeen. Ismaaciil wuxuu ka mid ahaa dadka jaadkaas ah oo durba la yaaba ay waxa ay dhalinyaradu samaynayso

Wuxuu arkay duqowdii oo laaluushkii aan ka siqoonayn, gabdhihii iyo raggii oo isdhexgal xad la’aan ah yee­shay iyo habro iyo odayaal gaboobey, oo halkii ay cibaadaysan Iahaayeen, tumanaya cayaar markaas soo haxday oo «Wid­diiley» la oran jirey. Arimahaas oo idili waxay ula ukaadeen kuwo aan Ilaah u dulqaadan doonin, oo mar ay noqotaha uu tillaabo culus ka qaadi doono. Markaas buu baryey oo yidhi, «Ilaahow anigu haddaba waxaas dembiga all ee la walaaqayo kuma jiree, Ciqaabka aad soo waddo gees iga mari oo waxa lagu kacayo awgood wax ha igu yeelin». Wuxuu yidhi :-

Guddidiyo gargeydhiyo’ ardada soo gar niqi weydey
Afarta goonnidaaq iyo kuwaa Ruraya laaluushka
Kiishyada garkaa marahayiyo lacagta guuraysa
Adigaan gacmaha kuu wadhay oo hoosta kaa galaye
Allahayow cuquubaday gasbaan haygu gelinsiinnin
Oo haygu gubin waa adduun gees u foorara e !


Guudxiir gun iyo geelxeraad’ gaane iyo shaybe
Gabdhaha haatan loo wada sinmee geedka wada daaqay
Carmallada garbaha weyn leh iyo gootowyada qooqan
Allahayow cuuquubaday gasbaan haygu gelinsiin­nin
Oo haygu guhin waa adduun gees u foorara e !

Habraha’ geedigii harahayee gaadhi kari waayey
Ee gurada lagu qaadaye guuxaya ee doobin
Garcadaha durbaansanahayiyo gaagurraha qooqay
Widdiileyda goonyaha ka bixi iyo galaayuuska
Adigaan gacmaha kuu wadhay oo hoosta kaa galaye
Allahayow cuquubaday gasbaan haygu gelinsiinnin
Oo haygu gubin waa adduun gees u foorar’e

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo