Gabaygii:Adduunyada

Adduunyada ninkaan dhimanin, ee dhaaxa lagu daayo
Waagii soo dhalaalaba wax buu, dhab u bilkaydaaye
Dhacdo ugub ah waakii arkiyo, dhabano hayskeed e
Aadamiga dhulkaan loo goglee, dhooban guradiisa
Dahab dhiifsan kii loo dhigee, dharafta loo buuxsho
Dhaadanaanta kuma joogo iyo, dharagguu haystaaye
Dhitadaa u been sheegta iyo, dhiilka xoorta lehe
Isma dhaho dhigaa baa ku celin, kaana dhoor lullane
Dhasalaalaq buu ula tagaa, wiil ka dhumuc weyn e
Dhangad bullad leh baa lala dhacaa, dhamas xanuun weyne

Dharaarahana taan aragnay, waa dhigantideediiye
Dhankoodaba anoon eegin oon, dhuganin jaahooda
Dhanbaal cay ah dhoodho af xumo, dhur iyo waaqay ah
Lagu dhahay dhaleecaa ku taal, dhaadashana raacdo
Kuwa maanta soo dhiibay ee, ugala soo dhiirtay
Waa dhalaankii hooyadii dhashiyo, aabo dheel baraye

Dhurdihii shinnidda dhaaf is yidhi, malab dhitayntiisa
Oo dhigaalka kaydkii uu dhuray, dhuub ka badan waayey
Wax ka dhigan dhankii loo dayaba, dhimir xumaantooda
Kuwa gabayga soo dhiibay ee, dhumucda xoogayga
Dhudhumada lammaan igu xantiyo, cududa lay dhaliyey
Qof dhamays ihi xubin dhuuban ma leh, dhicisna maa ihiye
Kolse haddii dhabihii maansadee, dhacanta aan saaray
Laga rogay dhadhaabtaan ku xidhay, furantay dheeshiiye
Ninka hadalka soo dhoofiyoow, gabaygaad soo dhiibtay
Dhita subag ah, dhayliyo karuur, dhuuni ugu fiican
Ama xabag dhunkaal iyo marriid, dhooban oo halis ah
Labadaa midkuu ku dhalaad, dhabaqsan doontaaye
Dhaxalkii jawaabtaada hoo, dhaqayadood maasho

War dheegga Aadan waxa loo dhanbalay, oo dhadigga loo uumay
Ha dhaleen dad weeyiyo inaa, lagu dhuroobaaye
Dhaabaddaa haddaan loo askumin, dumar dhamaantiiba
Dhalfo dararsan oo lala dhacoo, dhumuc leh mooyaane
Dhuuni kale af aan looba qorrin, laguma dhaabeen e
Dhuuntiisa shay kale ma marro, uu dhadhamiyaaye
Haddii aan u dhiibnana ileen, waa wax loo dhigaye

Waxse dhaygag aadmiga ku riday, taad ku dhaqantaane
Haddaad idinku dhabarka u goddaan, dhigasho xaalkeeda
Dhawaaquna masayr kaa yahood, dhalfada weyn dooni
Dhankaa kama naqaanee ugee, kii kubaray dheesha
Dhiidhiibso isagaa ku odhan, kuguna dhaantayn e
Dhadig iyo labood baa tihiin, wax u dhexeeyaaye
Dhalfadii daboolnayd markuu, kuu dhilqiyo gaalku
Adoo dheehu kaa duulay baad, dhiirin socotaaye
Hayeeshee wax dhacay baa jirrooy, dhibi ka joogtaaye
Umad dhacantay baa muuqata oon, dhurra u laabnayne
Haddaad idinku wada dhuuqsateen naago dhex- xidhkoodii
Dhabahoodii idinkaa maroo, dhaclihii qaba e
Dhadiggiinu dhinacay u kici, waabad dhaxasheene?

Afartaa dhakada moowga riday, dhabayac low kuusan?
Dhamac kulul qalbiga ma uga rogay, dhuxulo naaroobay?
Dharbaaxooyinkaygaan aqiin, dhaaw! makaga siiyey?
Hadda micida kuma dhuujin oo, waan ka dhimayaaye
Dhawaaq kale markay soo ceshaan, taan ku dhigi doono
Dhabanada haddii ayna qaban, dhagaxyadaan saarro
Allay lehe dhiggood baan ahay, iyo Dhabayac low kuusan

Kaydintii: Murtiyosuugaan

Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo