Gabayga: Abtiris Abwaan

Naf aduunka joogtaa wakhtigay, iilka tagi doonto.
Anfacay helaysiyo wixii, lagu arsaaqaayo.
Iyo aaga lagu aasayey, ku injahoonayso.
Ilmaha uurka hooyada ku jira, wuxuu ahaan doono.
Inan inay dhalaysiyo inay, wiil umuli doonto.
Inta ehelu khayr iyo intii naarta ku abaadi.
Asraafiil markii la amrayee, suurlka la afuufi.
Ishu waxaanay qabanaynin, ee laabta lagu owday.
Umuur weeye adagoon khaliga, cidi ogaysiine.

Intaa waxaan ahayn aadamuhu, waa odorosaaye.
Astaan weeye aan leenihiyo, shay amaarada’e
Waxaan cidi aqoon baan, akhbaar sugan ka keenaaye.
Aakhiro waxaan jirinba, ku ikhtiraacanaaye.

Albaabada Janada Eebahay, oofta how dhigo’e
Nimankii Abwaanada ahaa, odayadii beesha.
Aadan iyo Ismaaciil markaan, ka itimaal qaatay.
Xigmad noo iftiintiyo ilays, baxaya weeyaane.
Allaa nagu abuuree ma aha shay la iibsado’e
Abaal nooma siin ruux intuu, noo axsaan falaye.
Unugyada quluubtiyo caqliga yaa stoodh u ahe.

Taariikhda la ilaawayaan, ku anba-qaadnaaye.
Jini iyo insiba waa midaan, ku afnaqaanaaye.
Anna waxaan ishaaraba dibaad, ka arki doontaane.
Awliyana ma aan sheeganine, waa anwaar sugan.

Waxba yaan afkaaraha murtida sii abaabuline.
U jeedooyinkaygii hadaan, oogta ka cadeeyo.

Markay dunidu uugaanto ee, lays afgaran waayo.
Waxaa taladda lagu aaminaa, waa amiiradda.
Ayagaa abaar ka hadli kara, aayatiin badane.
Ninkii aan aqbalin ruux, aadmiga jabiyay ween.

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo