Gabayga: Yaa Subax

★Sunta halista saaqeedu gaadh, Seedohoo idile

★Sanbabada calooshiyo intaa, Saabley lagu daahay

★Ee saliim subxaan uu ka dhigay. Saxarna loo diiday

★Sakaarkii kolay tahay haday, Sii susumaysaaye

★Waa sixir qabiilkani ku sugan, Sabada soomaale

★Waa waxa sabool inaga dhigay. Suubirkiyo caydhe

★Waa waxa sukeeyuhu dagaal, Ugu saraaf maane

★Waa waxa samooy dawladnimo, Looga saahidaye

★Waa waxa siqiir iyo kabiir, Loo sub cinayaaye

★Waa waxa mid aan suuf guntayn, Saami lagu siiyo

★Ee sacabka loo tumahayee, Lagu saboodaayo

★Sumcadii waxaa dilay miday, Qolo sibaaqdeene

★Iminkayse sabo oodashiyo, Siriqdii gaadheene

★Seeraha haday kala xidheen, Soohdin aan jirine

★Saf saf bay ukala qaybiyeen, Saami goboleede

★Toloow Yaa saqaafaha kumari, Saylac iyo raasi?

★Yaa subax intuu xamar ka tago, Sool ku hayan doona!

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo