Gabayga: Taba bare.
¤Ta’da maanso taabo qaadka gabay tuducyo miisaaman
¤Tanbareeri uma taabto oo waan tix geliyaaye
¤Toobiyaha markuu haysto baan toos umariyaaye
¤Tafsiir baan ka bixiyaa halkaan toos u weeraro e
¤Tabnigii ismaaciil miraan ugu taxaashaaye
¤Tamash laan umariyaa illeen taajir baan ahaye
¤Tibaax ama tilmaan baan baxshaa taan markaa rabo e.
¤Afartaa tusaaliyo tusmiyo tababarkaygii dhe
¤Tukalana tilmaan weeye iyo taan usookacaye
¤Toojaba nin maalaa yaqaan tay ku badisaaye
¤Tabta loolisaa buu yaqaan toosan kii lihiye
¤Taabashada ma yeeshiyo nimaan tuujin garanayne
¤Tuutaha ninkii loo xidhaye taangigana saaray
¤Tababare hadaan loosamayn taatikada siiya
¤Tabco cadawgu saw lama heloo tooray sudhi maayo?
¤Tuug iyo mid liitaaba saw toos uqaban maayo?
¤Tiyoo tahakan dheeraynayee orodka taakeeya
¤Ee tegaya meeshii fogayd toban daqiiqoodba
¤Hadaan teebka wiil kaa labaray toos uburinaynin
¤Ogoobeey tamuuxbuu galaa tiigsina ma yeesho
¤Todobbuu udhaxayaa halkii taabsin u ahayde
¤Turaabkaa qoyuu gelinayaa kaan taf ku ahane
¤Tixuhuna ninkaan marin aqoon waala tega yaane
¤Tabta nuuradiin bay taleex ula talaabaane
¤Isogoo tiyeelaw usocday ula taraareene
¤Tamar yari ma sheegeen haduu toosin karayaaye
¤Taargid uma abaarine malaa wuu la taaw yidhiye
¤Taageerayaashaa qaldoo toosi maygarane
¤Tuhun gelis ninkii tiriyayoow taadu waa habawe
¤Bal tilmaan halkaa tuurta lihi waa tolagantaase
¤Tafaraaruq weeyaan tolkay toos u kala goyne
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil digeed