Gabaygi: Qaali Leedahay
**Qaab wacan, qureeshtii hablaha qaalida haweenka
**Qalanjada midaan qaayibaye, uu qalbigu raacay
**Hadaan qiro amaanteeda oon, qodobo sooqaato
**Qoor dheer qumaati u baxdiyo, qalanjo weeyaane
**Qarqarada ma waynee yartaa, qaadir baa qoraye
**Suuniyaha qiyaastii bishay, qaabad leedahaye
**San qaroorka geenyada qabiran, qawlo iyo dhoodi
**Qoton keeda waa lagu qaldaa, qun iyo joogeede
**Qiimana ilaah baa ku ladhay, qaali ladantaase
**Qorshe iyo markay sheeko tahay, way qaderisaaye
**Qaylada kuwaa laga maqlaa, qoyska derika ahe
**Qancintayda mooyee wax kale way qajilaysaaye
**Qoraxdoo aroortii intay, qaar ka sare keentay
**Qaybintiyo markay nuur qayaxan, qaansadu iftiinto
**Midab qaabadaasoo kalay, qaali leedahaye
**Qadartiyo ilaah oon ka dhigin, qaybka kuma sheegin
**Hayeeshee inaan qoys la galo tuu qalbigu raacay
**Qalinkaan ku duugaye Raboow, haygu qadin maanta
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed