Gabaygii: Shakaal Yeelo
Sharafta iyo karaamada haddaad, Shaadh ka dhigan weydo
Shahaada markhaatiga ma galo. Shayga kii xumiye
Shuhuba qofkii lagu bartaa, Laga shareereeye
Sharacallee xurmadu waa midan, Shuush galihayne
Sharaceedu wixii ay nacdee, Diinta lagu sheegay
Iyo dhaqanka shaygii dilaa, Laga shaxeexmaaye
Nafta inaad ka sheentaa haboon, Shariyo haadaane
Ri’ weliba shilkii ay gashaa, Lagu shidhaystaaye
Shayndhaynta ruuxaan aqoon, Shaabad baa xigiye
Shakaal yeelo edebtana shifee, Sheekadana gaabso
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed