Maansadii: Siyaasadu waa sidee
Siyaasadu waa side
Sirteeda kumaa isiin
Salkeeda kumaa I geyn
Sidkeeda kumaa ogsoon
Saxdeeda kumaa Iโbarri
Sadkey tahay kee yaqaan
Sidee weeyaan sidee
Sidaad moodeen miyaa
Sidey yeelaan miyaa
Sarayn kali doon miyaa
Sas-xoogle ku doon miyaa
Sun iyo waabay miyaa
Sakiimo u aas miyaa
Sar oo naafee miyaa
Saaf oo googoo miyaa
Saaxiibka fogee miyaa
Sokeeyaha diid miyaa
Sadqee maatada miyaa
Siciidka xumee miyaa
Sidiiqa xabaal miyaa
Saleeliga door miyaa
Sawaabka xurmee miyaa
Sakhraanka ku faan miyaa
Sinayso waqaa miyaa
Saqiir u galmood miyaa
Saxnaanta jujuub miyaa
Samaanta jikraar miyaa
Sinaanta ka dood miyaa
Silooni ku dood miyaa
Saboolka Iloow miyaa
Sooryee kii laddan miyaa
Sunuud ku cisee miyaa
Samaydiyo dhidibadii
Sidii uu rabbi na faray
Sib oo xaqa diid miyaa
Sancooyinka gaalku falay
Samee kuna faan miyaa
Subxaan ka iloow miyaa
Sataanka adeec miyaa
Socdaal naareed miyaa
Saciira xageed miyaa
Saluug qaybaha miyaa
Siyaadsi u foof miyaa
Reerkiina sancee miyaa
Seereyso qabiil miyaa
Saadaasha xumee miyaa
Wanaaga ka soon miyaa
Xumaanta ku soof miyaa
Dirkaaga sumee miyaa
Danteena suryee miyaa
Dantaada samee miyaa
Dalkoo sulmi iyo abaar
Dadkoo silic qaba runtii
Sofyeeti u dood miyaa
Siyaasadu waa sidee
Sidaad moodeen miyaa
Sidey yeeleen miyaa
Saasiyo sidan iyo sidaa
Siyaasadu maaha kow
Sadkeeduna maaha labo
Sirteeduna maa taas
Siyaasadu waa hogaan
Sameeya lib iyo wanaag
Sirteedunna waa aqoon
Sadkeeduna waa dulqaad
Siyaasadu waa halbeeg
Qofkeeda u yeela soof
Siyaadu waa sidii
Kuwii saxay ay mareen
Sareediyo waa ladnaan
Socdaal iyo waa hayaan
Saadaal iyo waa qorshayn
Samaan iyo waa libnaan
Sooryeysa hogaamintoo
Sinaanta ku meel martee
Marnaba saxar yaanu lumin.
Sabadda hiil bay u tahay
Sar bay ka dhistaa nabdoon
Saraca hoy bay u tahay
Suuq bay u fashaa cusboon
Bulshada surin bay u tahay
Waxay seertaa danaha
Ayaanka sal bay u tahay
Waxaay soortaa cilmiga
Sun bay cadawaha u tahay
Waxay beertaa sarkaal
Tirtira waxaan same ahay.
Sidaa weeyaan sidaa
Siyaasadu waa sidaa
Samayn erey sida si wacan
Sargoyn ku manqaxan si qoran
Sancayn isku simid Digeed
Si yidhi, yidhi suu ku yidhi.
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed